Saadaq Joon: Reer Cadaado lugahiina Cadaab bad ku doonateen ciriirina ka biximayaan ilaa ad ...

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
bashe19
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3303
Joined: Thu Apr 11, 2013 6:57 am

Saadaq Joon: Reer Cadaado lugahiina Cadaab bad ku doonateen ciriirina ka biximayaan ilaa ad ...

Post by bashe19 »

Saadaq Joon oo shaaciyey ciqaab ka dhalatay carruurtii lagu laayey Galgaduud

By Zahra Axmed Gacal

-

August 11, 2023

Cadaado (Caasimada Online) – Xildhibaan Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) oo Cadaado uga qeyb galay xaflad sanad guuro ah oo golaha deegaanka degmadaas ay dhigteen ayaa ka hadlay carruurtii dhawaan lagu laayey deegaanka Kaxandhaale ee waqooyiga gobolka Galgaduud.

Saadaq Joon ayaa sheegay in dhibaato xoog leh ay ka dhalatay carruurtii lagu laayey ay laayeen maleeshiyaad ka tirsan beeshiisa.

“Ilmihii lagu laayey meeshaan waa dhinteen, laakiin ilmihiina ayaa u ciqaaban maanta, dadka miyaga jira ilmahooda hadda waa la ilaaliyaan, si aan looga aarsan dhibaatadii aad geysateen,” ayuu yiri Saadaq Joon oo la hadlaayey dadka reer Cadaado.

Wuxuu intaas ku sii daray in carruurta beesha Saleebaan ee ku nool miyiga hadda lagu waardiyeeyo qoryo, isla markaana laga saaray dugsiyadii ay dhiga jireen, iyadoo cabsi laga qabo in laga aar guto.

“Carruurtii waa disheen, laakiin ciqaab adduun ayaa idinka idin heysata, raggii dilay magacyadooda waa lasoo qoray ee la wadaaga hey’adaha amniga si loo soo qabto idinkuna aad uga nasataan carruurtaan aad qoryaha ku waardiyeyneysaan,” ayuu yiri Xildhibaan Saadaq.

Walaahi maanta xigmad baa iida muuqata
QAAN MAREXAN WA QAAXA KUGU MAQAN

:dj:
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”