Tacsi, Sanetor Abdirisak M. Xareed o ku dhintey USA.

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
bashe19
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3303
Joined: Thu Apr 11, 2013 6:57 am

Tacsi, Sanetor Abdirisak M. Xareed o ku dhintey USA.

Post by bashe19 »

Xildhibaan ka tirsan Golaha Aqalka Sare oo geeriyooday iyo madax ka tacsiyadeeysay

 


Axad, Maarso, 24, 2024 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo guddoonka golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Alle ha u naxariistee marxuum Senator Cabdirisaaq Maxamed Xareed oo ka mid ah Senatarada Aqalka Sare.

Raysal Wasaare Xamse ayaa marxuumka ku sifeeyey inuu ahaa muwaadin qarankiisa ugu soo adeegay marxalado kala duwan, islamarkaana kaalin wanaagsan ka soo qaatay dowlad dhiska Soomaaliya, wuxuuna Alle u waydiiyey inuu ka waraabiyo naxariistiisa Janno.

“Alle ha u naxariistee marxuumka oo xubin ka ahaa Aqalka Sare ee Baarlamaanka, wuxuu muddo dheer u soo adeegayey shacabka Soomaaliyeed, isaga oo kaalin wanaagsan ku lahaa dowlad-dhiska Soomaaliya. Waxaan Alle u weydiinayaa in uu hoygiisa ka yeelo Janno, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada, golihii uu xubinta ka ahaa iyo guud ahaan Qaranka Soomaaliyeed” ayuu lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.

Waxaa sidoo kale geerida ku timid Marxuum Senatar Cabdirisaaq Maxamed Xareed ka tacsigadeeyay guddoonka golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

"Guddoonka Golaha Aqalka Sare BFS, Sanatarrada, Maamulka iyo howl wadeennada Golaha Aqalka Sare ee BFS waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, ehelada, qaraabada iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed geeridii ku timid Senator Cabdirisaaq Maxamed Xareed oo ka tirsanaa Senatorrada Aqalka Sare kaasoo ku geeriyooday Dalka Maraykanka oo uu waayadan dambe ku xanuunsanaa, waxayna marxuumka Alle u waydiinayaan in uu jannatul Fardowsa ka waraabiyo samir iyo iimaanna uu naga wada siiyo" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska guddoonka Golaha Aqalka sare.

Alle ha u naxariistee Marxuumka ayaa la sheegay in maalmahii lasoo dhaafay uu ku xanuunsanaayay Magaalada Columbus ee dalka Mareykanka.
User avatar
bashe19
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3303
Joined: Thu Apr 11, 2013 6:57 am

Re: Tacsi, Sanetor Abdirisak M. Xareed o ku dhintey USA.

Post by bashe19 »

AUN mala baqeeshen Ramadaanka subxanallah jala jallaaluhu.
Post Reply
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”