Raaxada Guurka Reposted (warning: sexual content)
Posted: Tue Dec 13, 2005 2:55 pm
It's loooonnnng but it's STUPID....in a funny kindda way!
RAAXADA GUURKA
>>
>>
>>
>>
>>BAABKA SADDEXAAD
>>GALMADA
>>
>>
>>GOGOLXAAR GUUD
>>
>>
>>Dad badan baa aaminsan in sida ay ragga iyo dumarkoodu isugu
>>galmoodaan oo laga sheekeeyaa tahay wax ceeb ah oo ay habboon tahay
>>in laga aamuso, waxaana weeye (waa siday ku andacoonayaane) wax
>>Eebbe dadka ku abuuray oo qofku iyadoon looga sheekeyn uu keligii
>>baranayo, fahamka caynkaas ahise waa mid runta ka fog. Waxaa jira
>>xaqaa'iq ka dahsoon xitaa kuwa isqabay tobanaanka sanadood oo intay
>>isguursadaan, carruur isu dhala, dabeetana muddo dheer dabeeto kala
>>dhinta iyagoon weli dhadhamin macaantii dhabta ahayd ee galmada.
>>Inay jiraan dhibaatooyin u baahan in la xalliyo ha yeeshee
>>daawadoodii la garan la'yahay, waxaad ka garan kartaa sida dhaqsaha
>>leh ee uu u baaba'o jacaylkii ay isu qabeen labada ruux intii aanay
>>aqalgelin, iyada oo durbaba kolka toddobaadka laga baxo aad
>>arkaysid inuu billowdo kala-did iyo khilaaf laga yaabo inuu keeno
>>furriin degdeg ah. Waxyaabaha khilaafka keena waxa ugu horreeya
>>aqoon darrida ku saabsan isu diyaarinta galmada, qaababka galmada
>>iyo gunaanadkeeda intaba, waxaanay ugu sii daran tahay kolka ay
>>aqoon darridaasi ka timaado dhinaca ninka.
>>Haddaba si aynu ummadda Soomaaliyeed u tusno in ka sheekeynta iyo
>>dhaqangelinta qaababka kala duwan ee galmadu aanay ahayn ceeb siday
>>dadka qaar ku andacoonayaan, waxaynu soo daliishanaynaa Aayad
>>Quraan ah, annagoo weliba kahor marinayna qiso yar oo la sheegay
>>inay soo degitaanka Aayadda sabab u ahayd. Ibnu Cabbaas (RC) waxaa
>>laga weriyey inuu yiri: (Waxaa wada degganaa dad Ansaar ah oo
>>dhagxaanta caabuda iyo dad Yuhuud ah oo iyagu kitaab lahaa.
>>Ansaartu waxay Yuhuudda u arkayeen dad ka aqoon badan, saa darteed
>>bay wax badan dhaqankooda kaga dayan jireen. Dadka Yuhuudda ahi
>>dumarkooda waxay ugu galmoon jireen oo qura qaabka dhinac dhinaca,
>>iyada oo weliba cawrada haweeneydu ay aad u asturan tahay. Dadka
>>Qurayshta ah iyaga waxa caado u ahayd inay dumarkooda qaab kasta
>>ugu galmoodaan uguna raaxaystaan, hadday ahaan lahayd soo jeed, sii
>>jeed, jiif iyo joog intaba.
>>Kadib markii dadkii Muhaajiriinta (Quraysh) ahaa Madiina tageen,
>>ayuu nin kamid ahi guursaday naag reer Ansaar ah, waxana uu damcay
>>inuu ku billaabo qaababkii galmo ee ay Qurayshi caanka ku ahayd,
>>waase ay ka diidday, waxanay ku tiri: (Dhinac dhinac baa naloogu
>>tegi jiraye ama saa iigu tag ama iga tag). Dhibaatadii qoyskaa
>>dadoo dhami wuu ogaaday, Rasuulkana (Sallallaahu calayhi wasallam)
>>way gaadhay. Markaas buu Allaha cisada iyo heybadda lihi soo
>>dejiyey Aayadda: (Haweenkiinnu beer bay idiin yihiin, ee ugu taga
>>beertiinna saad doontaan). Suurat Al-Baqara:223). Macnaha Aayaddu
>>waa haweenkiinna ugu galmooda siijeed, soojeed, jiif ama joog
>>qaabkaad doontaan, waase inaad uga galmootaan xubinta taranka oo
>>qura oo aydnaan marnaba ku fekerin in aad dabada uga tagtaan. Eebbe
>>waxa uu aayadda Quraanka ku leeyahay:
>>(Uga taga (dumarkiinna) halka Eebbe idin faray (inaad uga tagtaan.
>>Suurat Al-Baqara:222). Rasuulka Suubbanina (Sallallaahu calayhi
>>wasallam) waxa uu xadiis ku yiri: (Eebbe ma fiiriyo (maalinta
>>qiyaamaha). ninka naagtiisa dabada uga galmooda).
>>Haddaba barashada qaababka kala duwan ee galmadu waxa ay leedahay
>>faa'iidooyin dhowr ah oo ay kamid yihiin:
>>- Kordhinta raaxada iyo macaanta jinsiyeed. Awoodda dareenka
>>macaansi waxa uu ku xiran yahay sida ay isu haystaan labada isu
>>galmoonaya iyo dhaqdhaqaaqooda xilliga ay galmadu dhacayso, taasi
>>oo iyana ku xiran hadba aqoonta ay u leeyihiin arrintaasi. Waxa
>>jirtay in aqoon yahan hore uu yiri: (Macaanta galmadu ma waarto
>>haddii loo joogteeyo hal qaab, oo aan lagu beddelin qaabab kale).
>>- Xakamaynta uurka. Waxa la hubiyey in qaab kasta oo kordhiya
>>macaanta xilliga galmadu uu sidoo kale kordhiyo suuragalnimada
>>uur-qaadista. Qaabka fududeeya in biyaha lagu tuuro gudaha hoose ee
>>cambarku, waxa uu fududeeyaa inay xawadu u gudubto ilma-galeenka.
>>Ha yeeshee fursadda uur-qaadistu waxay yaraataa kolka la isticmaalo
>>qaab keena inay xawadu ka soo laabato cambarka oo dibadda u soo
>>baxdo.
>>
>>
>>
>>
>>
>>HORDHACA GALMADA
>>
>>
>>Waxaynu ogsoonnahay in noolaha oo dhami aanu isu galmoon ilaa uu
>>hordhac (Shukaansi) sameeyo. Kalluunka, Shimbiraha, Naasleyda iyo
>>xitaa Cayayaanku isuma galmoodaan iyaga oon hordhac dheer soo
>>marin, kaasi oo mararka qaar dhib badan. Shukaansigu waxa uu door
>>muhiim ah ka cayaaraa galmada, isaga oo ah garoon tijaabo lagu
>>eegayo ilaa iyo inta uu isu qalmo dookha labada qof. Waxa kale oo
>>shukaansigu uu ka dhigan yahay u diyaarin qanjirrada jinsiyeed loo
>>diyaarinayo hawsha galmada.
>>Hordhucu wuxuu leeyahay dhowr tallaabo oo si talan-taalli ah loo
>>qaado, si loo gaaro tallaabada ugu dambeysa oo ah galmada tooska
>>ah.
>>
>>
>>
>>
>>
>>1- ISDIYAARINTA
>>
>>
>>Labada qof ee isqaba waxaa la gudboon inay si wanaagsan galmada
>>isugu diyaariyaan. Waa inay qubaystaan, afka cadaysadaan,
>>iscarfiyaan, isqurxiyaan, jawiga guud ee guriga iyo jirkoodana ka
>>dhigaan kuwo ku dhiirrigeliya inay isdoontaan.
>>Haweeneydu waa inay gurigeeda si wanaagsan u nadiifisaa, u
>>carfisaa, ugu shiddaa qamqam (uunsi, cuud, foox, qore qudde, iwm),
>>ku bilbishaa catar kuna buufisaa barafuun gaar ahaan nooca uu
>>ninkeedu jecelyahay. Waa inay qolka jiifka ku qurxisaa daahyo,
>>dhiinsooleyaal iyo foodareyaal indhuhu ku doogsadaan, dabeeto intay
>>nalalka iftiinka badan ka damiso, udaartaa nal leh midab gaar ah
>>(cagaar, jaalle, amaba guduud), kaasi oo sii kordhinaya quruxda iyo
>>roomaansiyada qolka. Waa inay casho aad u macaan, rabitaanka furta,
>>nafaqo badanna leh u diyaarisaa ninkeeda. Suxuunta ay ku gurayso
>>iyo miiska ay saaraysana nadaafadda iyo quruxdooda aad uga
>>shaqaysaa.. Intay soo qubaysato, waa inay si wanaagsan isu udgisaa.
>>Waa inaanay marnaba illaawin indhaha kuulan, bushimaha iyo wejiga
>>cusburaysan, lugaha iyo gacmaha cillaaman iyo dharka khafiifka ah
>>ee jirkeeda laga dhex arkayo midabka indhuhu ku nuursadaanna leh.
>>Intuu odaygeedu casheynayo, waa inay soo agfariisataa. Dhaqaaq
>>kasta, dhugasho kasta iyo erey kasta oo afkeeda kasoo yeeraa waa
>>inuu batrool kusii daraa dabka qalbigiisa ka aloosan. Waa inuu ku
>>labalabeeyaa ma raashinkaad horta cuntaa mise iyada. Waxa uu markaa
>>ninku billaabaa inuu afka, caloosha, indhaha, dhegaha, sanka iyo
>>dalool kasta oo jirkiisa kamid ah ka shidaal qaato.
>>Ragga qaar baa jira aan ogayn inay dumarku sidooda oo kale dookh
>>iyo dareen leeyihiin, iyaga oo doonaya naag qurux badan oo
>>carfaysa, ha yeeshee aan iyagu waxba isku falin oo siday shaqada
>>uga yimaadaan dhidid, shiir iyo af-ur kula duldhaca, sidaana galmo
>>iyo raaxo uga doona. Ragga caynkaas ah waxaan xusuusinayaa xadiis
>>Caaishah (RC) laga weriyey ooy ku tiri: (Nabigu (Sallallaahu
>>calayhi wasallam) kolkuu guriga soo galo wuxuu ka billaabi jiray
>>cadayga). Waxaan xusuusinayaa oo kale xadiiskii C/laahi bin Cabbaas
>>(RC) oo ahaa: (Xaaskeyga waxaan isugu qurxiyaa sida aan aniguba
>>jeclahay inay isugu kay qurxiso).
>>Haddaba ninku waa inu qubaystaa, cadaysadaa, iscarfiyaa, timaha
>>jartaa oo shanlaystaa (feedhaa), ciddiyaha iska jaraa, shaarubka
>>gaabiyaa, galmadana isugu diyaariyaa sida uu ka doonayo xaaskiisu
>>inay isugu diyaariso.
>>
>>
>>
>>
>>
>>2- EEGMADA
>>
>>
>>Eegmada oo ah tallaabada xigta isdiyaarinta, wuxu ninku xaaskiisa
>>ka toogtaa meel fog, isaga oo jaraya xuduud kasta, kana dhex dusaya
>>qalbigeeda. Eegmada naxariista leh ee ninku eegayo xaaskiisu, waxay
>>toosisaa rabitaankeeda iyada oon is ogeyn. Haddii xaasku ay
>>dareento inay ku faraxsan tahay sida ninkeedu ula dhacsan yahay,
>>waxay isku daydaa siday ugu mahad celin lahayd ama ugu abaal gudi
>>lahayd, taasi oo ah inay tusto inay weli u jeellan tahay diyaarna u
>>tahay, iyada oo adeegsanaysa tabeheeda iyo xeeladeheeda u gaarka
>>ah.
>>
>>
>>
>>
>>
>>3- HADALKA
>>
>>
>>Hadalka naxariista leh iyo sheekada macaan ee ninka, waxa lagu
>>tiriyaa inay yihiin sahanka ka horreeya weerar jinsiyeedka.
>>Haweeney kastaa - xitaa kuwa muddada dheer la qabay - kolka ay
>>maqasho hadallada shukaansiga iyo ammaanta isugu jira ee ninkeeda
>>ka soo yeeraya, waa ay jiriricootaa oo godlataa, dabeetana gaartaa
>>heer isdhiibis.
>>
>>
>>
>>
>>
>>4- DHUNKASHADA
>>
>>
>>Dhunkashadu waxa weeye kicin ama baraarujin, iyada oo la
>>isticmaalayo taabasho iyo ur. Kolkay dhunkashadu dhacayso, jirka
>>haweeneydu waxa uu ku lismayaa jirka ninkeeda, kooda diirrimaad
>>badan baana markaasi huwiya kan kale. Dhiigga ayaa dhaqaaqa,
>>dareemayaalku firfircoonaadaan, jirka oo dhanna la saaqaa. Neefta
>>labada ruux ayaa isku baxda, dareemaha urtuna billaabaa hawshiisii
>>baraarujin iyo kicineed. Dhunkashadu keligeed bay geli kartaa
>>booska tallaabooyinkii labaad iyo saddexaad ee aynu soo sheegnay,
>>waxayna asaas u tahay istiin qaadashada iyo kicitaanka
>>dareemayaalka.
>>Dhunkashadu waxay kulmisaa saddex waxyaabood oo saldhig u ah
>>kacsiga, kalana ah:
>>Dhuuqmada:- Micneheedu waxa weeye in labada bushimood ee afka ninku
>>ay ku lismaan kuwa xaaskiisa. Afku sida daloollada kale ee jirka,
>>aad buu u dareen jinsiyeed badan yahay. Kolkay bushimuhu isku
>>lismayaan, labada isqaba mid waliba waxa uu gaarkiis u dareemayaa
>>macaan aan xad lahayn.
>>Urta:- Isku nabnaanta bushimaha ninka iyo kuwa naagtiisu waxay
>>keentaa inay kulanto neeftoodu, mid walibana waxa uu markaasi
>>uriyaa urta iyo neefta kan kale, arrintaasi oo door weyn ka
>>cayaarta kicinta iyo baraarujinta dareemayaalka jinsiyeed. Udgoonka
>>soo jiidashada lihi waxa uu xoojiyaa kacsiga iyo rabitaanka
>>jinsiyeed, halka urta laga didaa ka keento qabow iyo kacsi la'aan.
>>Dhadhanka:- Dhuuqmada uu labada qof midkood dhuuuqayo bushinta kan
>>kale amaba carrabkiisu waxay kordhisaa istiin qaadashada labada
>>ruux. Kolka ay haddaba isdhuuqayaan dhuuqmo aan hagari ku jirin,
>>waxay kaga dhigan tahay iyaga oo ka tallaabsaday marxalad difaac
>>tii ugu dambeysay, billaabayna kulan jireedkii dhabta ahaa.
>>Culimada jinsiga qaar baa aaminsan in haweeneyda nin u oggolaata
>>inuu dhuuqo, aanay waxba la ahayn inay isu dhiibto. Waxa kale oo ay
>>rumeysan yihiin in dhuuqmadu ay ka dhigan tahay hibadii ugu
>>dambeysay ee ay dumarku ragga siiyaan, oo waxabay uga dhigan tahay
>>iyaga oo u galmooday. Waxaa laga yaabaa in hadalkaasi uusan mar
>>kasta sax noqon karin, marka laga eego nin kasta iyo naag kasta,
>>waxase uu sax noqon karaa kolka uu arrinku joogo labada isqaba!!!!.
>>Dhuuqmadu waxay leedahay noocyo badan;
>>1- Dhuuqmo si aayar ah la isugu daliigo bushimaha, iyada oo la isku
>>xantaxanteynayo. Labada qof midkood bushimihiisa ayaa bushimaha kan
>>kale marna si xoog ah u daliigaya marna si aayar ah, fooddooduna
>>waxay mar qabataa foodda kuwa kale marna sii deysaa. Kolka qof
>>bushimihiis kala qaadmaanba, qofka kale ayaa bushinta hoose uga
>>nuuga sidii isaga oo malab dhuuqaya. Bushinta haweeneyda oo intay
>>kululaato, barartaa, waxay ninkeeda ku dhalisaa inuu ilkihiisa si
>>daldallayn yari ku jirto ugu salaaxo.
>>2- Dhuuqmada intay bushimaha ninku kala kacaan, kor ka toobaan
>>bushimaha xaaskiisa (afkeeda oo dhami soo dhexgalo afkiisa), oo uu
>>dabeeto sidaasi si wada jir ah ugu dhuuqo.
>>3- Waxa iyana jirta dhuuqmo ah in intay bushimaha ninku si adag u
>>wada toobaan kuwa xaaskiisa, uu dabeeto carrabkiisa bidix iyo midig
>>si fudud ugu salaaxo bushimeheeda, uguna gudbiyo afka hoose, kolka
>>uu gudaha geliyana intay isku qabsato afkeeda uu carrabkiisa gudaha
>>ugu sii riixo, dabeetana intuu bushimihiisa isku daboolo, ilkihiisu
>>ay bushimeheeda u qanqaniinaan si fudud oo xanuun macaani ku
>>dheehan yahay. Waxa kale oo laga yaabaa inay kulmaan labada carrab,
>>isaga oo midba uu kan kale dhinaca ka curjinayo, amaba ruux waliba
>>carrabkiisa kusii daayo gudaha afka kan kale, sidaasina ay labada
>>carrab marna isu taabtaan marna u kala fogaadaan si istiin iyo
>>kulayl aan la koobi karini ku jiraan.
>>Intaasi oo qura kuma kala duwana dhuuqmadu, balse waxa kale oo ay
>>ku kala duwan tahay halka la dhuuqayo, ama la dhunkanayo. Ragga nin
>>baa jira ku raaxaysta dhunkashada indhaha gacaladiisa, mid kale
>>bushimihiisa ayuu si xantaxanta leh ugu salaaxaa dhegeheeda
>>dacalladooda, dabeetana ugu soo hoobiyaa hoos iyo dhanka daanka,
>>uguna gudbiyaa luqunta. Ragga waaya aragga ah qaarkood waxay
>>yiraahdaan (dhunkashada luqunta hoosteeda ilaa dhanka bidixo waxay
>>keentaa istiin aad u kulul). Qaar kale waxay qireen in bushimaha oo
>>si fudud loo hoos mariyo luqunta haweeneydu ay ku dhaliso galiilyo
>>jirkeeda oo dhan dhaqaajisa, sidii iyada ooy koronto khafiif ahi
>>qabatay, kicisana dareen jinsiyeedkeeda.
>>Intaa dabadeed bushimuhu waxay u hoobtaan xaggaa iyo shafka iyo
>>naasaha oo kamid ah meelaha ugu dareenka badan jirka haweeneyda,
>>gaar ahaan ibaha naasaha.
>>Dhunkashada naasuhu waxay leedahay dhowr dariiqo:
>>- Bushimaha oo lagu xantaxanteeyo ibaha naasaha. Bushimuhu intay
>>kala qaadmaan bay marna ibta qabtaan marna sii daayaan.
>>- Bushimaha oo inta lagu cantuugo oo lagu qabto xayndaabka naaska,
>>markaasi carrabka ibta lagu cayaarsiiyo.
>>- Afka oo si toos ah ibta loogu nuugo.
>>- Ibta oo loo qanqaniino si khafiif ah oo ay xaasku ku istiinto.
>>Calaacasha gacanta oo la dhunkadaa ma laha istiin sidaasi u sii
>>ridan, ha yeeshee waxa uu sii kordhaa kolba marka dhudhunka iyo
>>gacanta xaggeeda sare loo sii dhaqaaqo, gaar ahaan dhanka gudaha.
>>Sidoo kale dhunkashada xagasha lugtu waxay dhalisaa dareen sii
>>kordha kolba marka loo sii socdo dhanka cajarrada ama bowdooyinka
>>loona sii dhowaado xubnaha taranka, sababta oo ah hadba intay
>>meeliba meel kaga sii dhowdahay xubnaha taranka maqaarkeedu waa uu
>>ka sii jilicsan yahay, kana dareen kulul yahay ilaa laga gaaro
>>xubnahaasi.
>>
>>
>>
>>
>>
>>5- SALAAXISTA
>>
>>
>>Waxa loo baahan yahay ah in fanka cayaarsiinta aan loo adeegsan oo
>>qura bushimaha, sababta oo ah sida bushimaha oo kale amaba kasii
>>daran bay labada gacmoodna qayb lixaad uga qaataan fankaasi, iyaga
>>oo weliba gaara goobo istiin aanay bushimuhu gaari karin.
>>Dareenka gacantu waxa uu ku badan yahay dhanka gudaha calaacasha
>>(inta cad), waxase usii daran faraha oo dareenku ku sii kordho
>>kolba marka loo sii dhaqaaqo dhinaca fooddooda.
>>Taataabashadu waxay inta badan istiin ku abuurtaa qofka taataabtaha
>>ah, waxayse ku xiran tahay xaaladda nafsiyadeed ee labada ruux.
>>Waxa laga yaabaa inay taataabashadu mararka qaar keento natiijooyin
>>aan loo aayin, sida la-taataabtaha oo xanaaqa haddii uusan raalli
>>ka ahayan waxa dhacaya.
>>Inkasta oo taataabashada ama salaaxistu ay jirka oo dhan raad ku
>>wada reebto, haddana jirku isku si' uma wada dareemo.. Tusaale
>>ahaan, qofka oo laga salaaxo dhinaciisa dambe waxaa kaga istiin
>>badan dhinaca hore, gaar ahaan waxa uu istiinkaasi sii kordhaa
>>marka loo sii dhaadhaco dhanka shafka ilaa laga gaaro labada naas.
>>Waxaynu aragnaa in iyana waqtiga isdhexgalka, dhabarka iyo barida
>>oo la salaaxaa ay keento kacsi iyo istiin aan la koobi karin.
>>Goobaha kacsigu guud ahaan waxay ku badan yihiin agagaaraha
>>daloollada jirka, labada naasna waxa lagu tiriyaa inay kamid yihiin
>>goobaha ugu kacsiga badan jirka, waxaana uu gaaraa heerkiisa ugu
>>sarreeya kolka la maraanmaro ibaha naasaha. Waxa jira dhowr hab oo
>>loo maraanmaro ibaha naasaha, loona kiciyo dareenkooda, waxaana
>>kamid ah:
>>- In calaacasha gacanta inteeda cad si fudud loogu cadaadiyo oo
>>loogu salaaxo.
>>- In faraha fooddooda si fudud loogu qabto, oo marna loogu salaaxo,
>>marna loogu maraanmaro, sidii iyaga oo la lisayo.
>>Intaasi marka ay dhacdo, waxa naaska ka soo buuxsama dhiig ku
>>shubma xididdada oo dhan, dabeetana waa uu bararaa oo kululaadaa,
>>ibtuna taagantaa, taasi oo si toos ah ishaaro u siisa xubinta
>>taranka haweeneyda.
>>Salaaxista haweeneydu, kuma koobna oo qura labada naas, balse waxa
>>loo baahan yahay in la salaaxo meelo kale oo jirka kamid ah sida;
>>labadeeda warqood, gudaha bowdooyinka, gumaarka, faruuryaha
>>cambarka, iwm. Waxaan muran ku jirin in haweeneyda ninkeeda ay
>>jeceshahay uu labada cajar dhexdooda kaga salaaxo mid kamid ah
>>labadiisa gacmood, isaga oo isla markaasi tan kale kaga salaaxaya
>>labadeeda naas, ay dareento istiin iyo raaxo labanlaab ah.
>>Waxaan doonayaa inaan halkaan ka iraahdo in gudniinka fircooniga
>>ahi uu dilayo xubinta ugu muhiimsan xubnaha kacsi ee haweeneyda,
>>taasi oo ah ***ka. ***ku waa xubinta ugu dareenka kulul
>>xubnaha jirka haweeneyda, goyntiisuna waxay keentaa in dareenkii
>>kacsi ee haweeneydu uu 50% hoos u dhaco. ***ka laftiisu
>>dhibaatooyin kama marna oo waxa uu urursadaa dheecaannada uu
>>cambarku iska soo qashinsaaro, markaasi oo laga yaabo haddii aan si
>>joogta ah loo nadiifin in uu hooy u noqdo cudurro-sideyaal fara
>>badan. Teeda kale, haddii ***ka faraha laga qaado, waxa uu ka
>>soo dheeraanayaa oo ka soo dhex-dusayaa faruuryaha waaweyn ee
>>cambarka, taasi oo keenaysa in kolka ay haweeneydu soconayso uu ku
>>lismo dharkeeda sida; kastuumada (nigiska), surwaalka iwm.,
>>sidaasina ay ku biyabbaxdo iyada oon diyaar u ahayn. Haddaba
>>waxaannu waaliddiinta ku waaninaynaa - waaba hadday hablahooda
>>gudayaane - inayan ***ka ka wada jarin, balse ay jaraan inta
>>dibadda ka ah faruuryaha cambarka, si loo yareeyo khatarta ka
>>dhalata lisanka, isla markaasina aan dil loogu xukumin gabadha oo
>>loo reebo in ay ku raaxaysato.
>>Kolka gacanta ninku ay soo maamusho naasaha iyo shafka xaaskiisa,
>>waxay u degtaa dhinaca caloosha, iyada oo salaaxaysa rugta
>>xuddunta, dabeetana u jiitamaysa dhanka cajarrada iyo gumaarka,
>>halkaasi bayna in muddo ah ku noqnoqotaa. Intaas dabadeed, kolka ay
>>haweeneydu si wanaagsan istiinka u qaadato, labadeeda bawdo ayaa
>>iskood u kala kaca, faruuryaha waaweyn ee cambarkuna waa ay kala
>>fogaadaan, qanjirradiisuna soo daayaan dheecaan qooya cambarka
>>gudihiisa oo idil. Kolka halkaa la marayo ragga qaar baa
>>cayaarsiiya; faruuryaha yaryar ee cambarka, godka cambarka, iyo
>>kintirka intaba, iyaga oo ugu maraanmaraya faraha si raaxo leh,
>>dhunkashadii iyo dhuuqmadiina halkii ka sii wada, waase inuusan
>>hawshaasi wax badan ku raagin, si aysan xaaskiisa sugidi u dilin
>>iyada oo ay ka marayso halkii ugu dambeysay oo dhowraysa uun
>>cayaar-bilaw toos ah.
>>
>>
>>
>>
>>
>>QAABABKA GALMADA
>>
>>
>>Kolka cambarku dareere duuf ah oo afkiisa jilciya isku halleeyo,
>>faruuryaha waaweynina kala qaadmaan, waxa la gaaray xilligii hawsha
>>galmadu billaaban lahayd, haweeneyduna markaas bay cayaarta
>>dhankeeda ka gashaa, muusikadu isku dhacdaa, ninkeeda iyo ayaduna
>>niikada iyo naadada isu jiibiyaan.
>>
>>
>>QAABABKA FOOL-KA-FOOL
>>
>>
>>Qaababkaan haweeneyda iyo ninkeedu waxay iskaga hor yimaadaan si
>>fool-ka-fool ah, waxaana ay kala yihiin:
>>1- Kolkay haweeneydu dhabarka u seexato, soona laabto labadeeda
>>lugood:
>>1-1 Intay labadeeda cajar kala furto, uu ninku labadeeda lugood
>>dhex galo, isaga oo isku xajjinaya jilbihiisa iyo xusulladiisa ama
>>calaaculladiisa, dabeetana intay labadeeda lugood yare sare u
>>qaaddo, cirbaheeda ku tiiriso labadiisa xagal-lugeed oo godan.
>>1-2 Intay labadeeda lugood sare u qaaddo, garbihiisa dul saarato.
>>1-3 Intay labadeeda lugood sare u qaaddo ilaa ay taabtaan shafka
>>ninkeeda oo isagu labadeeda bawdo dhex fadhiya.
>>1-4 Ninku intuu xaaskiisa labadeeda lugood dhex galo, oo labadiisa
>>gacmood dhinacyada ka kala mariyo, uu dabeeto ku dul dhabbacdo.
>>1-5 Intay labadeeda gacmood ku soo qabato labadeeda cajar, oo
>>jilbaheeda gaarsiiso madaxeeda, ninkuna uu gadaal ka soo fariisto,
>>oo labadiisa gacmood dul saarto labadeeda naas.
>>1-6 Ninka oo labadiisa gacmood labada cajar ee xaaskiisa kasoo
>>gelsha dhanka hoose dabeetana sare ugu soo qaada oo isku soo nabo,
>>iyaduna intay xoogaa isa soo qaaddo qoortiisa hab-siiso.
>>1-7 Si uu jirka xaaskiisa sida qaansada ugu laabo, ayuu doolasha
>>iyo madaxa barkin ka geliyaa, isna jilbaha ku fariistaa.
>>Qaabkaani waa mid wanaagsan marka laga eego xag nafsiyeed. Waxa uu
>>ninka oggolaanayaa in uu siduu doono uga bogto dareenkiisa
>>rabitaan. Waxa kale oo uu ninku dareemayaa inu gacaladiisa dhabta
>>ku qabanayo, iyada oo idilna uu hananayo. Haweeneyda lafteeda waxa
>>ku dhalanaya dareenkaasi mid la mid ah, iyada oo dareemaysa inay
>>meel aamin ah ku jirto. Qaabkaani waxa kale oo uu ku wanaagsan
>>yahay, isaga oo labada isqaba awood u siinaya inay siday doonaan
>>isu dhuuqaan isuna istiimiyaan.
>>Waxa laga yaabaa qaabkani inuu khatar geliyo ilma-galeenka buuxa
>>xilliga ay haweeneydu uurka leedahay, khatartaasi oo uga imaanaysa
>>culayska ninka dul saaran, iyo weliba awoodda garaacis ee ka
>>dhalata niikadiisa. Sidaasi daraadeed, waxa habboon in aan la
>>isticmaalin xilliga uurka. Sidoo kale qaabkani ma habboona kolka
>>aanay labada xubno taran isu dheelli-tirnayn, gaar ahaan kolka uu
>>geedka ninku aad u yar yahay, iyada oo markaasi ay raaxadu yaraato.
>>2- Kolka intay haweeneydu dhabarka u seexato, oo kadib kolka la
>>isgeliyo labada xubno-taran, ay fidsato labadeeda lugood, oo
>>sidaasi labadeeda cajar dusha uga qabtaan labada cajar ee ninkeeda.
>>3- Kolka intay haweeneydu dhabarka u seexato, ay labadeeda lugood
>>mid sariirta ku dul dherersato, tan kalena ninkeeda dhabarka kaga
>>soo qoolaashto, amaba ay garabkiisa dul saarato.
>>Labadaan qaab (2,3) waxay aad ugu habboon yihiin kolka geedka ninku
>>jilicsan yahay oo aanu si toos ah isu taagi karin. Qaababkani waxay
>>kordhiyaan isliska geedka ninka iyo cambarka, gaar ahaan waxay aad
>>raaxo u geliyaan haweeneyda ***ka leh, iyaga oo gantaallada
>>geedku ay si toos ah ugu dhacayaan faruuryaha sare ee cambarka iyo
>>kintirka. Qaabka 2aad waxa uu si gaar ah u kordhiyaa raaxada ninka,
>>mana oggolaanayo geedku inuu cambarka dibaddda uga soo baxo, waxana
>>ku taliya dhakhaatiirta.
>>4- Kolka labada isqabaa ay dhinaca u seexdaan:
>>4-1 Ninku intuu dhinaciisa bidix u seexdo, isaga oo isla
>>dhererinaya xaaskiisa oo iyadu ka soo hor jeedda una jiifta
>>dhinaceeda midig, uu dabeeto labadeeda lugood mid ku dhaafo
>>sariirta, midda kalena cajarkiisa midig kudul rido.
>>Qaabkani waxa uu ku habboon yahay kolka labada xubno taran ay kala
>>weyn yihiin. Haweeneydu qaabkan iyada ayaa goobta maamusha, waxayna
>>awood u leedahay inay ninkeeda hab u siiso siday doonto, sababta oo
>>ah labadeeda warqood ayay u dhaqdhaqaajin kartaa sidii iyadu ay
>>jeclaato, oo hadday doonto waxay u niikisaa dhanka ninkeeda hadday
>>doontana ka fogaataa. Ninku aad buu ugu raaxaystaa qaabkaan, mana u
>>daalayo sidii qaababkii hore, maadaama uu si aan toos ahayn u dul
>>saaran yahay jirka xaaskiisa oo iyadu gebi ahaanteed ku dhex jirta
>>labadiisa gacmood. Ninku kolka uu dareemo in xaaskiisu aanay weli
>>gaarin heer biyabbax isna biyuhu ka soo dhowyihiin, waa uu joojin
>>karaa niikada si uu biyaha isugu celiyo, iyada oo haweeneydu
>>wadaysa hawsheeda, si ay labadoodu isku mar u biyabbaxaan.
>>5- Kolka intay haweeneydu sariirta ama miis is ag taagto qaarkeeda
>>hore si dhacadiid ah ugu dul seexato, iyada oo gondaheeda ku
>>taagan, amaba ku dul taagan walax adag oon dhaqdhaqaaqaynin,
>>dabeeto xoogaa lugeheeda kala fogayso. Ninkii oo isna gondihiisa ku
>>taagani uu markaa labadeeda jilib soo dhex galo, isaga oo qaarkiisa
>>hore ka daba laabaya, labada gacmoodna kaga soo qabanaya
>>garbaheeda, ama ku qabsanaya barkinta.
>>Qaabkan waxa lagu fududeeyaa bekra jebinta dumarka aan la tolin, ha
>>yeeshee ma garanayo inuu dumarka la tolayna u leeyahay faa'iido taa
>>la eg iyo in kale. Waxa si fudud oo dherer ah ugu dillaacaya xuubka
>>bekrada, waana uu ka xanuun yar yahay qaababka kale. Waxa intaa
>>dheer iyada oo xaaska aan bekrada ahayni ay aad ugu raaxaysato
>>Qaabkaan macaantiisa waxa barbar socda daal badan oo gaar ahaan ku
>>yimaada ninka, mana fududeeyo inay xawadu u gudubto ilma-galeenka,
>>geedka ninka oon cambarka wada geli karin awgeed.
>>6- Kolka intuu ninku dhabarka u seexdo ay xaaskiisu ku dul
>>fariisato.
>>6-1 Intay ku dul fariisato, geedkana isgeliso, ay markaasi ku dul
>>dhabbacato, oo naaseheeda shafkiisa ku dul qabato, labadeeda
>>gacmoodna miskaha kaga soo qabato, oo isku soo cadaadiso.
>>6-2 Ninkii oo xoogaa lugaha soo laabay, intay ku dul fariisato
>>labadiisa bawdo, geedkana isgeliso, iyada oo u dul saaran sidii
>>inay faras fuushan tahay.
>>Qaabka 6aad aad buu ugu wanaagsan yahay kolka uu ninku daallan
>>yahay, waase qaab uga baahan haweeneyda khibrad dheer oo ah siday
>>muruqyada cambarkeeda u xukumi lahayd oo isugu dhellitiri lahayd,
>>ugana dhigi lahayd kuwo geedka ninka lisa. Qaabkaani in kasta oo
>>aanu suuragal ka dhigeynin, in la isa salaaxo oo la isdhuuqo,
>>haddana waxa uu ninka gaar ahaan u leeyahay faa'iido weyn oo aanay
>>qaababka kale u lahayn, taasi oo ah isaga oo daawanaya xaaskiisa uu
>>jecel yahay oo gebi ahaanteed dul saaran, tiiyoo weliba niikinaysa.
>>Waxa kale oo qaabkaani uu labada qofba u oggolaanayaa inuu mid
>>waliba fiirsado sida uu kan kale isu bedbeddalayo, u gurxamayo una
>>riimayo. Qaabkaan dhibaatooyinkiisa waxaa kamid ah isaga oo sahla
>>gudbinta cudurrada, gaar ahaan kolku cudurku haweeneyda haayo,
>>maadaama biyeheedii ay geedka ninka ibtiisa kusoo hoorayaan. Tan
>>kale waa in aynaan illaawin in qaabkaani yareeyo suuragalnimada uur
>>qaadista, kol hadday xawadii soo baxayso cambarka kolkay hawshu
>>dhammaato.
>>7- Kolka intuu ninku fariisto oo lugihiisa xoogaa kala furo, ay
>>xaaskiisu dhabtiisa kudul fariisato, iyada oo labadeeda lugood si
>>aad ah u kala fogeyneysa, dabeetana uu kor ugu soo niikiyo.
>>Qaabkaani aad buu u raaxo geliyaa haweeneyda, ha yeeshee waa uu
>>daaliyaa ninka. Waxa intaa dheer, geedka ninka oon wada geli karin
>>cambarka xaaskiisa, taasi oo markaasi yaraynaysa fursadda uur
>>qaadista.
>>8- Kolka ninka iyo xaaskiisa oo wada taagan, iskana soo horjeeda,
>>uu labadeeda lugood mid gacantiisa sare ugu soo qaado, isaga oo
>>kaga soo gelinaya xagasha jilibkeeda, iyadii oo lugtii kale ku
>>taaganna.
>>
>>
>>
>>
>>
>>QAABABKA DHABAR JEEDIN
>>
>>
>>Qaababkaan waxay hawshu ka socotaa dhanka gadaale oo waxa isku
>>beegan wejiga ninka iyo dhabarka xaaskiisa. Waxa kale oo qaababkaan
>>lagu tilmaami karaa (Baqasho iyo cayrsasho), waxanay kala yihiin
>>sidaan soo socota.
>>1- Kolka ay haweeneydu sariirta si dhabbacaad ah ugu dul seexato,
>>shafkeeda iyo naaseheeduna ay sariirta dul saaran yihiin, ama ku
>>sii beegan yihiin
>>1-1 Kolka wejiga, shafka, caloosha, iyo bowdooyinka haweeneydu ay
>>taabanayaan sariirta, uu ninku si dherer ah ugu dul seexdo, isaga
>>oo qaarkiisa dambe xoogaa soo laabayana uu labadeeda doolood
>>dhammaadkooda geedka ka soo geliyo.
>>1-2 Intay haweeneydu afarta ku istaagto iyada oo isku xajinaysa
>>labadeeda jilib iyo labadeeda calaacal ama xusul, uu dabeeto
>>ninkeedu gadaal kaga yimaado, oo dhabarka kaga dhaco.
>>Qaabkaan si uur ku yimaadaa waa ay adag tahay, oo waxaba jirta in
>>dadka aan uurka rabini ay isticmaalaan. Haweenka aan aadka
>>tababarka u qabini ma jecla qaabkaan mana ku raaxaystaan. Waxa kale
>>oo jirta in qaabkaani uu ku habboon yahay laba qof oo caato ah,
>>haddiise ay haweeneydu dabo weyn tahay ama ninku uu calool buuran
>>yahay, kuma habboona.
>>2- Kolka intay haweeneydu dhinaceeda bidix u seexato, uu ninku daba
>>seexdo isagoo isna dhinaciisa bidix u jiifa, sidaasina uu wajigiisu
>>ugu sii jeedo jeegadeeda, geedkiisuna dabadeeda. Dabeeto iyada oo
>>ay lugteeda bidix dherersan tahay, tan midig ka laabto barta
>>jilibka ah, yarahana hore u bixiso, sidaasina ninkeedu geedka ka
>>soo geliyo daloolkii ay reebtay lugtii midig ee iyadoo laaban hore
>>loo bixiyay.
>>Qaabkan waxa la isticmaalaa kolkay haweeneydu uur leedahay, iyo
>>kolkay caafimaad darri ama tamar darri guud jirto. Waxa xusid mudan
>>in kolka qaabkaan la isticmaalayo ay gacanta midig ee ninku firaaqo
>>tahay, oo uu siduu doono ugu istiimin karo xaaskiisa, kagana
>>salaaxi karo madaxa, shafka (naasaha), caloosha, gumaarka
>>(bisqinta), ilaa iyo cambarka.
>>3- Kolka intay haweeneydu u istaagto sidii iyada oo rukuucsan ama
>>dhulka wax ka soo qaadanaysa, lugaha xoogaa kala fogeeyso, iskuna
>>tiiriso gambar ama sariir gaaban, sidaasina doolasheedu u kala
>>qaadmaan faruuryihii cambarkuna hoos uga soo muuqdaan, dabeetana
>>ninkeedu isa soo daba taago oo labada gacmood kaga soo qabsado
>>garbeheeda dhankooda hoose ama warqeheeda.
>>Qaabkaani waxa uu ku habboon yahay haweeneyda uurka leh, maadaama
>>aanu khatar gelinaynin uurjiifka caloosheeda ku jira, dhakhaatiirta
>>ayaana isticmaala kolkay baarayaan gidaarrada cambarka, iyo kolkay
>>qalliin ku samaynayaan intaba.
>>
>>
>>
>>
>>
>>GUNAANADKA GALMADA
>>
>>
>>Waxa laga yaabaa in rag badani kolka ay biyabbaxaan, u qaataan in
>>hawshii galmadu ay dhammaatay, dabeetana intay dhinaca kale u
>>jeestaan khuuro billaabaan, iyaga oon dheg jalaq u siin
>>dhibaatooyinka uu falkoodaasi u geysanayo haweeneyda.
>>Hadduu ninku xaaskiisa u tago isagoon rabitaankeeda si wanaagsan u
>>kicin ama isla markuu ka rito dhabarka u jeediyo, dhibaato xoog leh
>>ayaa ka dhalata, natiijadii la filayey mid kadhan ah baana ka
>>timaada, taasi oo ah inuu isagu biyabbaxo oo barbar u dhaco ayadoon
>>kacsiba billaabin ama uu ku bargo,o ayadoon biyabbixin, sidaasina
>>niyaddeeda iyo nafsaddeedu u dhaawacmaan. Bal eega Aayadda Quraanka
>>ah:
>>(Waxay wanaag ku leeyihiin inta iyaga lagu leeyahay oo kale. Suurat
>>Al-Baqara:228). Culimada Quraanka fasirta qaar baa Aayaddaasi ku
>>macneeyey: (Ugu raaxeeya haweenkiinna sida aad adinkuba jeceshihiin
>>inay idiinku raaxeeyaan).
>>Haddaba waxa loo baahan yahay inay biyabbaxa ka dambayso hawl kale
>>oo gunaanad ah, taasi oo ah ugu yaraan salaaxid, iyo istiimin
>>fudud. Waxa loo baahan yahay inuusan ninku ka dul kicin xaaskiisa
>>isla marka uu biyabbaxo, balse uu sugo ilaa iyadu iga kac ka
>>tiraahdo.
>>Rag badan baa aaminsan in geedkoodu mar hadduu biyaha tuuro balaqna
>>noqdo, aanu wax faaiida ah u lahayn haweeneyda, kusii hayntiisuna
>>aanay wax micne ah samaynaynin, isagoo mid kamid ah raggaasi uu ku
>>doodo: (Oo maxay ku falaysaa geed balaq ah?), xaqiiqduse taa ka
>>fog. Raaxada dumarka iyo biyabbaxoodu kuma koobna oo qura
>>rabitaanka cambarkooda, balse waxa ay ku raaxaystaan isku nabnaanta
>>jirka iyo isdhexgalka iyaga iyo raggooda. Waxa weliba taa kasii
>>ahmiyad badan dareenkooda jacayl iyo dhab ugu jirka raggooda oo ku
>>dhaliya raaxo maskaxeed iyo mid rabitaan, gaarsiisa heer gariir iyo
>>biyabbax.
>>Haddaba geedka oo intuu biyaha tuuro dabeeto damaa haweeneyda ugama
>>dhigna inay galmadii dhammaatay, balse waa inuu kusii dhexjiraa
>>gudaha cambarka siduu doono ha ahaadee intuu doonana halla ekaado
>>eh, waana in haasaawihii, dhunkashadii iyo istiimintii halkii kasii
>>socdaan ilaa ay biyabbax ka gaarayso, kolkaasi oo intay si xoog leh
>>isugu nabto, jirkeedu wada gariiro, daqiiqado dabeetana kala
>>daadato, cambarkuna geedka dibadda isaga soo saaro, kolka oonku si
>>fiican u daayana iga deg ku tiraahdo.
>>Ulajeeddada kale ee laga leeyahay isku sii dhexjirku waxa weeye
>>iyada oo haweenka aanu kacsigu hal mar ka go'in, balse uu si
>>tartiib tartiib ah uga soo jabo oo uga baaba'o. Haddaba salaaxista,
>>shumiska, istiiminta fudud, iyo ereyada macaan ee jacaylka iyo
>>ammaanta isugu jira ee ninku ugu deeqo ooridiisu waxay si
>>tartiib-tartiib ah uga soo dejiyaan buurtii uu saaray kacsigii ka
>>dhashay hawshii dhammaatay, ilaa ay ku soo noqoto xaaladdii caadiga
>>ahayd.
>>Dhuuqmadii iyo istiinkii xoogga badnaa xilligii galmadu, waxay isu
>>rogayaan kuwo fudud oo saxansaxo leh aanna gaarsiisnayn heer ay mar
>>kale kacsan karto. Isdhexgalkii xoogga ku dhisnaa waxa uu isu
>>beddelayaa is-habsiin jilicsan oo keenta inay haweeneydu dareento
>>in ninkeedu yahay gabbaadin aamin ah oo ay dhaxanta iyo dhibaatada
>>ka gasho. Halkaasi kolkay arrini marayso ayay madaxeeda shafka ama
>>garabka ka saarataa, jiif iyo nasashana ku gunaanaddaa hawshii
>>cuslayd ee ay qabatay intii shaqada galmada lagu jiray.
>>Waxa laga yaabaa in hawshii dhammaatay ay reebtay xoogaa tamar
>>darri iyo daal ah, waase kuwo raaxo u leh labada qof, iyagoo
>>xubnaha jirkoodu ay u kala daadanayaan si gamaanyo (lulo) ku jirto.
>>Daqiiqadaha ugu raaxada badan laba isqaba waa kolka ay nasasho
>>iskula dul dhacaan hawsha galmada dabadeed, qof walibana isaga oo
>>hurdaysan uu kan kale bogga kaga jiro.
>>Dhallinyarada qaar baa isku daya inay biyabbaxa kadib geedka kusii
>>hayaan haweenkooda oo aanay kala bixin, billaabana istiimin si ay
>>mar kale uga tuurtaan. Qaar kale kolka ay kala baxaan bay misna
>>daqiiqado kadib istiimin iyo dhuuqmo billaabaan si ay u gaaraan
>>isla hadafkaasi. Haddaba caafimaadku waxa uu ku jiraa, diinteenna
>>Islaamkuna qabtaa in galmada hore kedib geedka ninka biyo kulul
>>lagu mayro, welibana hadday suurtagal tahay la qubaysto ama ugu
>>yaraan la weyseysto, si firfircoonaan iyo looga helo dardar hor
>>leh, markaa kadibna haddii la isku afgarto garoonka la iskula
>>laabto. Waase in biyabbaxa labaadna lagu soo af-jaraa isla
>>gunaanadkii aynu soo sheegnay.