Subxaanallah, HSM waa fashil.
The Ugas of Marehan just accused HSM's govt of TRANS-NATIONAL ORGANIZED CRIME & requested INTERNATIONAL INVESTIGATION!
Moderator: Moderators
Re: The Ugas of Marehan just accused HSM's govt of TRANS-NATIONAL ORGANIZED CRIME & requested INTERNATIONAL INVESTIGATIO
Somali
ENGLISH
Subxaanallah, HSM waa fashil.
War-saxaafadeed
Tr; 18/07/2024
Sida la wada ogyahay, koox abaabulan, oo ka ganacsata hubka shircidarrada ah, ayaa saanad ciidan oo kontarabaan ah, soo gelisay Waqooyiga Galgaduud, 16kii July 2024.
Hubkaas, oo ahaa mid aan lagu wargelin hoggaanka dhaqanka, madaxda maamullada iyo guud ahaan dadka deegaanka, ayaa qarka u saarnaa in uu gacanta u galo kooxo halis ah, qatarna galiyo amniga deegaanka, dowladda Galmudug iyo guud ahaan Dalka.
Si looga baaqsado halistaas, ayuu shacabka waqooyiga Galgaduud, oo ah mid mar kaste foojigan, si dhiirranaan leh, uga hortagey isku daygaas lagu tahriibinayey hubka sharcidarrada ah. Ciidamada amniga ee galbinayey hubkaas waxay ku fashilmeen in ay shacabka ka qanciyaan walwalka amni ee la soo darsay, waxayna taa beddelkeeda ugu jawaabeen jaho wareerin iyo xasuuq aan loo meeldayin, kaa oo galaaftay 12 qof, halka ay ku dhaawacmeen 50 muwaadin.
Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyada oo caddeysay in hubkaasi uu ahaa mid sharcidarra ah, ayaa waxaa haddana ayaandarra ah in ay u gooddisay shacabkii baajiyey qatartaas, iyada oo aan waxba ka ka soo qaadin shacabkii ay, sida bahalnimada ah, u xasuuqday, iyada oo maanka lagu hayo in dhammaan beelaha Soomaaliyeed ay hubeysanyihiin, oo aysan jirin cid lagu sameeyey hub-ka-dhigis, taa beddelkeedana ay dowladdu hubeysay dhinacyo gaar ah.
Hubka lagu soo tahriibiyey Galmudug waxuu baal-marsanyahay shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga ah ee la xariira maamulka iyo xakameynta hubka, ka hortagga qulqulka hubka sharci darrada ah iyo ka hortagga danbiyada abaabulan.
Sida daraaddeed, Waxaan dalbaneynaa qodobada soo socda:
1. In si deg deg ah ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u qaadato mas’uuliyadda shacabkii ay ku xasuuqday deegaanka Shiilmadow ee degmada Caabudwaaq 15kii July 2024, iyaga oo difaacanaya amnigooda gudaha.
2. In dowladda Galmudug ay qaadato doorkeeda ku aaddan tirakoobka qasaaraha shacabkeeda ka soo gaaray dhacdadaan iyo in ay ku dhiirrato tallaabooyinka sharciga ah ee ku habboon fal-danbiyeedka isugu jira tahriibinta hubka sharci darrada ah iyo xasuuqa shacabka.
3. In cid kaste oo ku leg leh ka ganacsiga hubka sharci darrada ah ay joojiso falkaas, innaga oo uga digeynno in ay mar kale isku biimeeyaan ficilkaan qar-iska-tuurka ah.
4. In baaris caalami ah lagu sameeyo dhacdadaan, maadama danbiyada tahriibinta hubka ay yihiin kuwa saameenayo amniga gobalka iyo dhaqaalaha adduunka, ayna tahay mid ka gudubtay xuduudaha Dalka.
5. Waxaan ugu baaqaynaa bulshada deggan xuduudadaha Dalka in ay ilaaliyaan amniga, kana hortagaan falalka sharcidarrada ah, maadaama aysan wali Dowladdu si buuxda ula wareegin masuuliyadda ilaalinta amniga xuduudaha Dalka.
Wa Billaahi Towfiiq.
ENGLISH
PUBLIC STATEMENT
Tr; 18/07/2024
As is widely known, an organized group engaged in illicit arms trafficking successfully smuggled several military vehicles laden with illegal weapons into North Galgaduud on July 16, 2024.
These weapons, unbeknownst to traditional leaders, local administrators, and the community at large, posed a severe threat by potentially falling into the hands of terrorists and dangerous groups, thereby endangering the region's security, the Galmudug federal region at large, and the nation as a whole.
In response to this imminent danger, the vigilant people of North Galgaduud courageously intercepted the attempt to smuggle these illegal weapons through the border. Unfortunately, the security forces accompanying the weapons failed to address public security concerns and responded with confusion and indiscriminate violence, resulting in the tragic deaths of 12 people and injuries to 50 citizens.
While the Federal Government of Somalia acknowledged the illegality of the weapons, it unjustly targeted those who intercepted the threat, overlooking those responsible for the indiscriminate violence that amounted to a massacre. It is believed that all Somali communities remain armed, with no disarmament efforts made; and, even still, certain groups have been armed by the government [discriminatorily: on the basis of social group].
The smuggling of multiple trucks carrying weapons into Galmudug federal region blatantly violates both national as well as international laws governing weapons management and control which aims to prohibit and curtail illegal arms trafficking and organized crime.
Therefore, we demand the following:
1. The Federal Government of Somalia must promptly take responsibility for the massacre of civilians in the Shiilmadow area of Abudwaq district on July 15, 2024, while fulfilling their duty to safeguard their security.
2. The Galmudug government should document the loss of its citizens in this incident and actively pursue legal measures against those responsible for smuggling illegal weapons and perpetrating violence against civilians.
3. Immediate cessation of illegal arms trading by all involved parties, accompanied by a stern measures against repeating such heinous acts.
4. An international investigation should be initiated into this incident recognizing that arms smuggling crimes impact regional security and the global economy on the basis of the facts this crime comes under international jurisdiction.
5. We urge residents along the country's borders to remain vigilant and prevent illegal activities, as the government has yet to fully assume responsibility for safeguarding the safety of border communities.
Subxaanallah, HSM waa fashil.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 4 Replies
- 853 Views
-
Last post by ReturnOfMariixmaan
-
- 0 Replies
- 362 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 2 Replies
- 345 Views
-
Last post by ReturnOfMariixmaan
-
- 20 Replies
- 2098 Views
-
Last post by Males_Zenawe
-
- 0 Replies
- 162 Views
-
Last post by Daanyeer
-
- 4 Replies
- 484 Views
-
Last post by Grant
-
- 8 Replies
- 914 Views
-
Last post by Gubbet
-
- 7 Replies
- 2182 Views
-
Last post by sahal80
-
- 4 Replies
- 371 Views
-
Last post by Rabshoole