The red sea and HAWIYE history; Why Colusow is so grem???

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
bashe19
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3303
Joined: Thu Apr 11, 2013 6:57 am

The red sea and HAWIYE history; Why Colusow is so grem???

Post by bashe19 »

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Itoobiya marin badeed laga siinayo badda Cas

 


Arbaco, December 25, 2024 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in Itoobiya marin dhanka badda ah laga siin doono  Badda Cas, si ay Itoobiya uga hesho deked ganacsi.

Wasiirka arrimaha Arimaha dibada Axmed Macalin Fiqi oo wareysi siiyay Warbaahinta Asharq.

“Dariiqa ay Itoobiya ka heli doonto badda cas waa marin ganacsi iyo deked, waxaana ay hoos tagi doontaa dowladda Soomaaliya,” ayuu yiri Fiqi.

Wasiirka Arrimaha Dibaddu ma sheegin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan meesha Itoobiya ka helayso marin badeedka badda Cas.

Baaqii kasoo baxay heshiiskii Ankara ayaa qeyb ka ahaa in Itoobiya ay marin badeed ka hesho Soomaaliya, iyadoo marinkaas uu noqonayo mid ay dowladda Federaalku bixinayso.

Taasi waxay meesha ka saaraysaa heshiiskii ay Itoobiya la gashay Somaliland bishii January ee sannadkan.

:lost:
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”