WA MAXAY JACAYL

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
fagash_killer
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13942
Joined: Wed Dec 29, 2004 3:28 pm
Location: And You Can Run For ya Back-up But Them Machine Gun Shells Gone Tear Ya back Up

WA MAXAY JACAYL

Post by fagash_killer »

Waa Maxay jacayl Mase loo Dhintaa, yaase U Dhintay Waa Maxay Calaamadihiisu???!!!! (Saacid Waaberi)


Jacaylku waa shay qaali ah kaas oo ku lamaansan jiritaanka Nolosheena, jacaylku anagaa u baahan asaga Nooma Baahna Jacaylka erayga la dhoho asal ahaan Ahaan bal aan fiirino erayada uu ka soo jeedo iyo saamaynta uu ku leeyahay nolosha aadamiga iyo waxa laga soo gaabiyay

L (lack of pleasure)
O (ocean of sad)
V (vellay of deeth)
E (end the live)

Hadaba erayadaas waxaa laga soo gaabiyay kalmada inglish ka ah oo Micneheedu yahya jacayl lagana soo gaabiyay erayadaas oo Micnohoodu yahay farax la,aan, bada murugada, Dooxada Quruntay, Dhamaadka nolosha isla markaana waad dareemi kartaa Saamaynta uu ku leeyahay nolosha bilaw - aadanka hadaba kalmada love oo micneheedu yahay jacayl aan fiirino Dhanka Soomaliga waxay la mid tahay iyo waxa laga soo gaabiyay kalmada jacayl

J (jawhar)
A (amakaag)
C (calaacal)
A (anfariir)
Y (yaab)
L (luul)

Hadaba akhriste waad aragtaa qiimaha uu leeyahay jacaylku marba Haduu yahay jawhar marna waad aragtaa dhibaatooyinkiisa marba Haduu yahay amakaag, calaacal. yaab, iyo luul akhrista hada ka Hor ayaa la is weydiiyay waxa uu yahay jacayl waxaana ka Jawaabay fanaan oo yiri WAA MAXAY JACAYL??? waa macaan Ama waa qaraar hadba waa siduu kuu soo maree marka jacaylha Waa run hadba waa siduu kuu soo maro qofka mar waxaa laga Yaabaa In laga waraabinayo labo dhan taas macnaheedu waxaa Weeye Labada qofba ay wada dareemaan jacaylka markaas waa Macaan marka uu qaraarka noqonayana waxaa weeye marka laga Waraabinayo hal dhinac ha ahaado dhanka ninka ama haweenta

Jacaylka waxa uu leeyahay Aabe, Hooyo, Walal, Dad uu jecelyahay, Dad uu necebyahay, Waxyaabo ay wada socdaan, Meel uu Kayimaado, Meel uu dago,Waxyaabo uu Jecelyahay, Waxyaabo uu Necebyahay, bal hadaba aan eegno Waxyaabahaan soo sheegnay Sida ay suura gal u yihiin
Aabihiis -Nasiib
Hooyadiis -calaf
Walaalihiis -dadaal
Dad uu jecelyahay - Ruuxa daacada ah
Dad uu necebyahay - ruuxa aan daacada ahayn
Waxyaabo ay wada socdaan -dookha
Meel uu kayimaado - Dareen uu qofku wax dareemo
Meel uu dago - qalbiga
Waxay wada socdaan -- Dookha
Hadaba jacaylaka haduu yahay saas miyuusan la mid ahayn ruuxa Insaankaa oo kale??? Jawaabtu waa haah waayo intaasba bilaw Aadanka waa leeyahay!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!
Dhanka luuqada carabiga ayana waxaa jira erayo kuwaas la mid ah oo laga soo gaabiyay erayga carabiga ah ee (cishqi) bal aan asagana eegno waxa laga soo gaabiyay iyo saamayntiisa

C -caniifa
SH - shamsi
Q I qadiim
Hadaba waad aragtaa erayadaas siday ay ugu base garaysan yihiin Xaqiiqda macnahoodoo ah, caniifa,adag, shamsi, qorax, qadiim, soo Jireen ah

Jacaylku waligiis waa jiray waxaana nahay mataano waxaana ku Kulanaa nolosha, jacaylkU asagaa Nooma baahna ee anagaa Ubaahan, Jacaylka waa wax soo jireen ah ilaa iyo abuurkii xaawo Iyo aadan, Jacaylka kamaan maarano asagana Nagama maarmo
Jacaylka waa cudur dawadiisuna waa qofka aad jeclaatay oo kugu garab istaaga beerana geed laga waraabiyo labada Dhan waxaa jira dad fara badan oo u dhintay jacayla dadkaas oo ahaa qoomiyado kala gadisan waayo jacaylku mayaqaan da,waqti, madaw iyo cadaan.jinsi midna (waa lax dhukan abaar moog) dadkaas waxaa kamid ahaa

Laylo
Qays
Cilmi
Hodan
Juuliya
romi
Grendiano

Iyo waliba dad kaloo aad u fara badan oo aanaan halkaan ku soo koobi karin hadaba mucaashqiintaas geeriyootay waxaa hadaladoodii ka mid ahaa JUULI - ( do you keep aware that i abamdone eating, sleeping, relaxing, for sake of your Adore) ROOMI - ( my love for you has grown deeper and deeper) (my love for you is like ashadow wich never leaves it,s owner
CILMI -Aniguba qadraan soo arkiyo qaararkii hodane in aan Eebahay idin qaribin qariya laabtiina anigoon xabaal la igu hamsiin Waanan ka harayne haday hawl yaraan idin latahay aniga waa Hooge, maqaalkaan kumaan soo koobi karo hadaladoodii ugu danbeeyay kuwaas oo aad ka turjuman karto saamaynta uu ku reebay jacaylku


Farqiga U Dhaxeeya Mucaashiqiintii Danbe Iyo Kuwa Hada Jooga

Dadka jacaylkii waxa ay ka fahmeen qalad waxaana loo turjuntay si aan macquul ahayn kana mamnuucan xaquuqda jacaylka waayo dadka haatan jooga waxay u isticmaalaan jacaylka hab qaldan sida qurux,lacag.qabyaalad,dano gaar ah ilaa dadkii aamineen jacaylku inuu yahay dan gaar ah oo uu yahay Dhalanteed kuwaasna waa Cadawga jacaylka jacaylku waa dahab aan la gadan karin taas waxaa kuu cadaynaysa Nacayb waa la iibsan karaa lakiin jacayl lama iibsan karo Jacaylka waxa uu leeyahay astaamo lagu garto waxaana ka mid ah

Dhidid
Cuqdad
fakar xad dhaaf ah
Boholyaw
Mashquul fara badan
Qofka oo dhibsada hadalka
U hamuun qabid araga qofkaad jeclayd
Tarsaas magaca qofkaad jeclayd
Cunada oo kaa xiranta
Danaynta qof kaaga warama arimaha jacaylka ama xaaladaad ku sugantahay iyo in aad
jeclaato buugta iwm ka sheekaysa qisooyinka jacaylka
Riyo iyo qaraw


aniga gaar ahaan jacaylka maan aaminsanayn balse markuu igu dhacay ayaan waxaan ogaaday in uu jiro fadlan hadaadan jacayl waxba ka aqoon ha dhihin ma jiro iyo looma dhinto hadalkayga aan ku soo afmeerayo maqaalkaan aadka u xiisaha badan waxaa weeye

Red is red-red is blood -blood is heart -heart is love -love is life Guduudku waa guduud guduudku waa dhiig dhiigu waa wadne wadnuhu waa jacayl -jacaylku waa nolol

waxaan umahad celinyaa marka koowaad iilaahay i waafajiyay in aan idiin soo gudbiyo dhambaalkaan qiimaha mudan waxaan u mahad naqayaa akhristayaasha dhambaalkaan

Xasuusin
Qaybtaan qaybta ku xigta waxaan uga hadli doonaa insha-allah waxyaabaha keena jacaylka iyo waxa looga guul gaaro iyo waliba dareenka raga iyo dumarka ee ku aadan jacaylka

Afeef
Waxaan ka afeefanayaa wixii qalad ah uu ku yimaada akhristayaasha in ay ka raali ahaadaan waayo magafe waa alle insaana waa gafe wabilaahi TAWFIIQ
Daanyeer
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15780
Joined: Tue Aug 12, 2003 7:00 pm
Location: Beer moos ku yaallo .biyuhuna u muuqdaan

Post by Daanyeer »

"Waa QARAAR amba waa MACAAN hadba waa siduu kuu soo MAREE"

Ur Brother With Intellectual lasses In S'net !!!!!!!!!!!

YYY Col\Prof Daanyeer YYY
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”