Askar Hore Uga Tirsanan Jirtay Boliska Hargeysa o Carmo u si

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
CrooKed-I
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 691
Joined: Tue Feb 25, 2003 7:00 pm
Location: TaLeX-CouNTY--> THe LaST DeRViSH
Contact:

Askar Hore Uga Tirsanan Jirtay Boliska Hargeysa o Carmo u si

Post by CrooKed-I »

Askar Hore Uga Tirsanaan Jirtay Ciidanka Booliska Hargeysa Oo Carmo U Siijeeda.


Dec 19, 2005 By:Radiossc.net

Laascaanood(Radiossc.net):-Waxaa ilaa shalay magaalada Laascaanood dhinaca Boosaaso ugu sii qulqulayey askar ciidanka Booliska Soomaaliya hore uga tirsanaan jirtay oo ka soo jeeda gobollada Waqooyi Galbeed oo ku sii jeeda dhinaca Xarunta Tababarka ee Degmada Carmo, kuwaas oo ka yimi dhinaca Hargeysa.



Askartan oo saarayd Gawaadhi ku sii jeeday dhinaca Bari ayaa waxa lagu wadaa in ay ka mid noqon doonaan ciidamada tababarka lagu siin doono xarunta booliska ee Carmo, ee ay dhawaan furiyaan madaxda Dawlda Federaalku.



Maaha markii koowaad ee ay Askar ka tirsan maamulka Hargeysa u soo baqoolaan dhinaca Dawlada Federaalka, muddo haatan laga joogo lix bilood ayaa waxa magaalada Laascaanood lagu arkayey askar ka timi dhinaca Hargeysa oo ku sii jeeday Magaalada Jawhar ,kuwaas oo doonayey in ay ka mid noqdaan ciidama Qalabka sida ee dawlada federaalka.



Radiossc.net
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Sool”