Fighting Breaks out in Somaliland: Qaldaan Mooryaans
Posted: Sat Dec 24, 2005 4:04 pm
Xaaladda Mag.hargaysa oo dagan, ka dib dagaal ka dhacay maanta halkaasi
Hargeysa 24 Dec. 05 ( Sh.M.Network) Xaaladda Magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Somaliland ayaa xasiloon ka dib markii maanta uu halkaasi ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa fudud , dhagxaan iyo quraarado ay ganayeen Maleeshiya beeleed gacanta ku dhigay xalay saqdii dhexe Cusbitaalka Guud ee Magaalada hargeysa..
Is rasaaseyntii saaka Hargeysa ka dhacday ayaa waxaa ku geeriyooday sida la shaaciyay ilaa iyo sadax ruux ugu yaraan 15 kalana waa ay ku dhaawacmeen , waxaaan dhaawaca ugu badan uu soo gaaray sida ay wariyaashu sheegeen Ciidamada Booliska iyo kuwa Milatariga Somaliland.
Ciidamada Somaliland oo ku hubeysnaa Gawaarida Dagaalka iyo Beebayaasha ayaa la sheegay inay gudaha u galeen duhurnimadii maanta Cusbitaalkaasi , balse gelinkii dambe ee maanta dib looga soo saaray , iyadoo laga baqay in iska hor’imaadka uu sii xoogeysto .
Warka ayaa waxa uu sheegayaa in Beesha weerarka ku qaaday Cusbitaalka ay maanta halkaasi ka qaateen meydka nin habeen hore lagu dilay Hargeysa , galabtana lagu aasay Qabuuraha magaaladaasi markii beesha uu ka soo jeeday ee weerarka geysatay lagu qanciyay arintaasi.
Dagaalka maanta hargeysa ka dhacay ayaa lugta ku hayay muran ku saabsan lahaanshaha dhul oo ku wada doodeen laba Jilib oo ka wada Tirsan Beesha Sacad Muuse , waxaana lagu waramayaa in beesha weerarka maanta qaaday horey lagaga dilay nin ay ilma adeer ahaayeen marxuumka habeen hore lagu dilay baangad oo xalay caloosha ay ka saareen si aanu u qurmin iyagoo ku andacoonayey inaan la aasi doonin ilaa iyo inta laga dilayo ninka dilka geystay iyo nin kale oo dowladda u xiran , laguna xukumay dil balse aanu la fulin , waxaana labada eedeysane ay ka soo jeedaan hal beel .
Waxaana lagu waramayaa inuu dhaawac fudud iska hor’imaadkaasi ka soo gaaray Taliyaha Guud Ciidamada Somaliland Nuux ismaciil Taani, arintani ayaa waxa ay sababtay maanta in ismaandhaaf uu soo kala dhexgeliyo Golaha Xukuumadda Maamulkaasi , waxaana warka uu sheegayaa in Lataliyaha Madaxweynaha Somaliland ninka lagu magacaabo Waran Cadde uu dharbaaxeeyay Wasiirka arimaha gudaha.
Maleeshiyooyin beeleedyada ninka la dilay ayaa la sheegay in xalay iyagoo ku hubeysan Qoryaha R- Beedhee ay ka yimaadeen Deegaanka Gebiley si dagaalka ay uga qeybqaataan .
Cusbitaalka Hargeysa ayaa dhibaatooyin ay ka soo gaareen tacshiiradaha labada dhinac ay is weydaarsanayeen beelaha muranka uu ka dhaxeeyo ee kala ah Jibriil Abokar iyo reer Samatar oo ah qolada dilka geystay markii hore kana soo wada jeeda Sacad Muuse
Arintan ayaa waxa ay ku soo beegantay Xilli Maamulka Somaliland uu ka meermeerayo fulinta ku dhowaad ilaa iyo 87 Xukun oo dil ah oo laga sugayay inuu saxiix ku duugo Daahir Riyaale Kaahin Madaxweynaha maamulkaasi , oo la tilmaamay inuu arintaasi fulinteeda kaga fogaaday si aaney Xukuumadiisa Cambaareyn kulul uga imaan Hey’adaha Xuquuqul Insaanka oo is hortaagi karta geedigiisa aqoonsi u raadinta Maamulkiisa oo sheegay inuu Soomaaliya inteeda kale ka go’ay sanadkii 1991-kii balse caalamka aanu weli aqoonsi siin.