NEW Factory Opens in Burco, (The 7th)

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

NEW Factory Opens in Burco, (The 7th)

Post by LiQaaye_TDH »

A Great start for 2006

The 7th Factory opens in Burco, this new factory will be producing Islaax Mineral water...



Burco (QNN) Wasiir u dawlaha Arimaha Gudaha Md.Aadan Maxamed Mire (waqaf) ayaa maanta si rasmiya xadhiga uga jaray warshadii u horaysay ee sifaynta biyaha ee laga sameeyo magaalada burco ee G/togdheer.


Munaasibad culus oo loogu talagalay furitaanka warshadan oo ay ka soo qaybgaleen Maamulka G/Togdheer, Ganacsato, Abwaano , iyo qaar ka mida mulkiilayaasha warshadaasi ayaa maanta lagu qabtay Huteelka City Plaza.


Md.Waqaf oo furitankii warshadaa ka hadlay ayaa waxa uu soo dhaweeyay inay qurbajooga reer Somaliland hada u soo jeestaan inay hantidoodii wadanka geliyaan,gaar ahaana waxa uu si gaara ula hadlay ganacsatada maalgalisay warshadan oo ugu baaqay in qiimaha biyuhu noqdaan mid aan gubin dadka shicibka ah taasi oo sahlaysa inay ku tartamaan sayladaha,waxa kale oo uu tlmaamay in loo baahan yahay in la xoogeeyo waxwada lahaansha “Intiina shilimaadka haysata dhiirigeliya ganacsiga saami qaybsiga .”ayuu ku soo koobay hadalkiisii

Duqa magaalada Burco Maxamuud Axmed Xasan ayaa isaguna munaasibadaa kaga dhawaaqay inay dawlada hoose ahaan soo dhaweynayaan ,kana jebin doonaan cashuurta , si ay ula tartamaan warshadaha biyaha ee kale “Waa inaynu biyaheena socodsiinaa si ay suuqyada hatgaysa ugu tartamaan.” Ayuu yidhi
Warshadan oo ay maalgashadeen lix xubnood oo ka mida qurbojooga Somaliland ayaa ka kooban sadex qaybood oo kala gedisan ,saacadiina soo saaraysa 1800 caagadood oo biyo sifaysana Maareeyaha Cusub ee warshada Mxamed Jaamac Cawaale oo ka hadlaya hawgalka warshada ayaa waxa uu tilmaamay in warshadani ay ku baxday dhowr boql oo kun oo dollar, oo rakibaadeeda iyo dhismaheedau ku jiraan socotayna mudo hal sano iyo badha, taasoo sababta keliftay ay tahay in xiliyada kulaylaha ay yaraadaan biyaha macaan ee magaalada burco “Waxaa noo muuqatay inaan lagu baahi baxayn biyo dibad laga keeno .” ayuu yidhi.
Maareeyuhu waxa uu intaas ku daray in warshadan dhismaheeda ay fulisay shirkad wadaniya oo lagu magacaabo ISLAAX. Iskana kaashadeen lix xubnood o qurbo jooga degan cariga ingiriiska ,iyadoo warshadu ku shaqaynaysa habka casriga ee loo yaqaan Rosystem “Hadfkayagu waa inaanu dadka reer togdheer ka haqabtirno biyo nadiifa oo qiimo jabana.”ayuu yidhi .Sidoo kale Badhasaabka Goolka Cabdi Xuseen Dheere isagoo ka hadlaya waxauu yidhi “waan hubaa inay biyahani ka dhadhan fiican yihiin kuwii hargaysa ,magacyada biyaha hargaysina maaha magac biyood laakiin maaxda magaceeda ayaad biyo ka dareemaysaa.” Ayuu yidhi .waxa kale oo Gudoomiyuhu ugu baaqay ganacsatada inay ku daydaan,oo maalgahadaan gobolkooda.


Waxa kale oo isna halkaas ka hadlay Axmed Ismaaciil oo ka mida mulkiilayaasha warshada waxanu ka xogwaramay in warshadani tahay mid ku shaqaynaysa hab casriya islamarkaana wadata shaybaadh casrya.Suldaan Maxamuud X.Xuseen iyo Taliyaha Booliska Togdheer ayaa iyaguna hadalo kooban ka jeediyay munaasibadaas.


Warshadan safaynta Biyaha ayaa ah tii u horaysay ee laga hirgaliyo magaalada kana mid noqon doonta dhowr warshadood oo haatan ka dhex muuqda ganacsiga magaalada Burco ,iyadoo bilaha soosocdana xadhiga la jari doono warshada saabuunta oo dhismaheedu hada gabagabo yahay halka warshada hilibka iyo harguhu ay mudaba u shaqaynayeen. Maalmahan u dambeeyay ayaa suuqyada ganacsiga burco waxa hoos uga dhacay qiimihii biyaha taasoo ka dhalatay furitaankii warshada biyaha ee cusub.

http://www.qarannews.com/pn/modules.php ... =0&thold=0

up
User avatar
CrooKed-I
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 691
Joined: Tue Feb 25, 2003 7:00 pm
Location: TaLeX-CouNTY--> THe LaST DeRViSH
Contact:

Post by CrooKed-I »

I Wonder What Kind Of Products This Factory Will Produce!!!! Let Me Take A Guese...A-Colgate loooooooooooooooool Very Happy Very Happy

Reer-Burco Definitely Need To Clean Their ORANGE Teeth
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Post by LiQaaye_TDH »

i see u cant read somali Laughing

if you would have read it you might have understood what they ill produce love Sad
User avatar
kkk47
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2261
Joined: Wed May 04, 2005 9:11 am
Location: It is my way or the high way no-land but Somaliweyn
Contact:

Post by kkk47 »

smellyland
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Togdheer”