Sanaag , Gabay abwaan mohamed bashiir

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
Garaad_LQ
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5648
Joined: Tue Oct 12, 2004 10:42 am
Location: Sanaagachusetts , USA

Sanaag , Gabay abwaan mohamed bashiir

Post by Garaad_LQ »

Wuxuu yidhi.

Gabay caynadiisiyo anoo dhigay culuuntiisba

Anigoo ka caagoo beryahayn caajis igu beermay

Anigoo calooshaba ka jaray curinta suugaanta

Ayuunbaa cod wuxuu iiga yimi samada caadkeeda

An caddeeyo caawoo kalaan weedha celiyaaye

Cirka oo da,aayiyo sidii webi cadhoonaaya

Camalkayga waa laga gartaa caynka iyo wawga

Calaa macarri iyo waa buxtari culimadaydiiye..(2ba gabayaa oo carabtii hore ah)

Cahsrkoodii baa laygu baray cunug anoo wiila

Cabdi aar sidiisaan murtida ugu codeeyaaye

Waxan ahay nin caaniyo aftahan celiya geeraarka

Kuma caytamee gabayga waan camal aqaanaaye

Afartaa sidii caalimkii ma u calaameeyey

Cadan maw talaabshiyo ilaa cidhifyadii rooma

Afar kalena waxaan doonayaa inaan cadeeyaaye

Ceeriga sanaag bari ilaa ceelbuh madaxiisa

Cidhifyada buraan iyo ilaa dhahar cagaarkeeda

Carmaliyo sibaayiyo ilaa calaha guudkooda

Ceelaayo iyo laasqoray badaa carabta sii eega

Cad caddiyo durduri baan salaan u cabiraayaaye

Codkaygaan u sii dhiibayaa caawa beelaha e

Cirkuu tegay oo nafluhu caadka kor u dhaafye

Cilmi iyo tacliin buu nin wali caafimaad bidaye

Codkoo aad midaysaanna waa cudud awoodiiye

Caradiinna inaad beerataan waa wax caadiya e

Caydiga iyo maydiguna waa caynad gooniya e

Cayn kastoo aduunya ahba waad ciirsantiin badiye

Cayrnimo ilaah idinma badin toban kun oo caame

Idinkaa caddaan iyo madow cuudka tiro dheere

Inta aan cadaawuu ku tuman sharafta ciidiinna

Camiroo dhulkiinaa ka dhiga cayka reer dubaye

Cumaalka iyo kuuligu walluu caawa soo geliye

Cimaarada inaad taagataan maaha shey culuse

Maxaa ceel nin leeyahay waqiin idin cayuubaaya

Maxaa loo cidleeyoo dhulkii looga soo cararay

Cali shire haduu noolyahoo caawa nala joogo

Ama dhahar cayowgii fadhiyo la ima ciileene

Cudud bay lahaayeen allaa caadilaa qiraye

War miyaan caruurtay dhaleen curadna soo boodin

Maxaa calal sidoodii jarjaray cidaha waa yaabe!!!!!!!

Dhamaad.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Sanaag”