Golaha deegaanka ee degmada Buuhoodle

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Xiin-Finiin
Posts: 131
Joined: Fri Sep 02, 2005 1:11 pm

Golaha deegaanka ee degmada Buuhoodle

Post by Xiin-Finiin »

Munaasabad balaadhan oo ay fadhiyeen 28 caaqil iyo gudoomiyaha G/cayn kayse cabdi yuusuf iyo taliyaha ciidanka daraawiishta cor c/laahi kayse aadan iyo waxgarad kale oo la soo agaasimay ayaa ka dhacday guriga golaha cuqaasha ee gobolka cayn

Munaasabadan oo ay guddi 11 caaqil ah ku soo ban dhigeen saami qaybsiga beelaha xubnaha xildhibaanada , gudidaas oo intii sanadkan cusub bilaabmay ku hawlanaa. Qorshahan saami qaybinta beelaha ay ku kulmiso xaruntan buuhoodle ee g/cayn

Haddaba munaasabadan oo ay ugu horayn lugu diiwaan galiyay Cuqaasha ee kalsoonidooda beeleed ku qanacsan gudidan.

Waxaa ugu horayn hadalka furay guddoomiyaha Cuqaasha Maxamed Nuux Maxamed (Sanwayne )oo kamid ahaa 11 kii Xubnood, waxuu ku duceeyay illaahow Eexna hanagaga tagin aqoon darana hanugu cadaabin, isagoo kahadlay mudadii ay hawshan wadeen iyo caqabadihii ka hor yimid ee ay ka soo gudbeen iyo waliba baahida loo qabo gole deegaan oo gobolkan ka dhisma kaasoo la,aantiisu ay hortaagan tahay horumarka gobolka hadaba iyadoo cuqaal kale uga dan baysay hadalka marka la,isku soo wada duubo wuxuu ku salaysnaa ahmiyadda ay u hayaan samaysinta golaha deegaanka

Sikastaba ha ahaatee munaasabadan ay kaga dhex Akhriyeen sida iyo tirada ay beelaha gobolkani kulmiyaan uu ugu qaybsamay 27 xildhibaan oo sidan ah :-

1.reer caligari....................5 xildhibaan
2.cigaal naaleeye .............1 " "
3.barkad ...........................2 " "
4.Samakaab axmed...........1 " "
5.fiqi shini..........................1 " "
6.yaxye..............................1 " "
7.maxamuud ugaas...........1 " "
8.hayaag...........................2 " "
9.khaalid............................2 " "
10.aadan hagar.................1 " "
11.faarax hagar.................3 " "
12.wacays Aadan...............2 " "
13.maxamed muuse...........1 " "
14.hagar bah ogaadeen.....1 " "
15.caraale...........................1 " "
16.madhibaan.....................1 " "
17.jaamac siyaad................1 " "

Kaddib dhawaaqista saamigan oo ay fadhiday saxaafadu si buuxda ayay isula qateen waxaana qudbad ka jeediyay G.gobolka Cayn kayse cabdi yuusuf isagoo kahadlayay qodobo dhawra oo ay kamid ahaayeen faa,iidada golaha deegaanka iyo waxyaalaha oo uu hortaagan yahay so noolaynta tayada mihiinka cuqaaleed iyo cida ku haboon inay kamid noqdaan golaha deegaanka oo aqoon iyo masuuliyada lagu saleeyo isagoo carrabka ku dhuftay wadaadada mawqifkooda fogaaday iyo wadaad timo kalajeexday inaan midna looga baahnayn

Ugu danbayn isagoo uga mahad naqay guushan waxaa la,isla qaatay in laba cisho lagu soo gudbiyo magacyada golaha beel walba ugana qayb galaya oo maalinta berito ah bilaabmi doonta waxaa goobjog ka ahaa chief maxmed yuusuf kooreeye
== maxamed xasan dayl
== jaamac maxamed dheeg
== axmed x maxamuud xidirig
caaqil ismaaciil cali abokor
=== axmed cali dhuux
=== xasan x haruun
=== sheex xasan xuseen daahir
=== maxamuud x ibraahin cali (dhunkaal)
=== ismaaciil maxamed kooreeye
=== cisman aadan
=== xasan ciise wacays
=== axmed xasan x cumar
=== ismaaciil muuse saleebaan
=== maxamed muuse tuur
=== maxamed nuux maxamed
=== axmed cali bile
=== axmed x saleebaan gaani
=== jaamac xasan abokor
=== xuseen axmed boos
=== ismaaciil shabele
=== hindi maxamed aadan
=== maxamed jaamac biixi
=== axmed diiriye cabdile
=== ismaaciil c/laahi x cumar camay
=== maxamud maxamed xirsi (cuumbal)
User avatar
kkk47
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2261
Joined: Wed May 04, 2005 9:11 am
Location: It is my way or the high way no-land but Somaliweyn
Contact:

Post by kkk47 »

smellyland
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Togdheer”