COULD CANADA RECOGNISE SOMALILAND

Soomaalida waddankan ku dhaqan

Moderators: Moderators, Junior Moderators, Islam mods, uk mods

User avatar
fagash_killer
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13942
Joined: Wed Dec 29, 2004 3:28 pm
Location: And You Can Run For ya Back-up But Them Machine Gun Shells Gone Tear Ya back Up

COULD CANADA RECOGNISE SOMALILAND

Post by fagash_killer »

i salute all those somaliland souljas in canada in brittian and scandivian countries who where pusing for somaliland recognition thnx to these sland patriotics is oure recognition close ofcourse also to the hardworking ppl who build somaliland back oure recognition is close i salute you all


Jaaliyadda Somaliland ee Ottawa iyo Xafladdii SannadkaOttawa, Canada -


Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan cariga Kanada caasimadeedda Ottawa ayaa habeenimaddii jimcaha ee bishuna ahayd January 13th, 2006, isugu yimi xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay, Xafladaas oo isugu jirtay Xaflad sanadeedkii Somaliland iyo Munaasabadii Ciida, waxaa ka soo qayb galy Dad aad u tro badan, masuliyiin ka socada Dawlada Canada iyo qaar ka mid musharixiinta baarlamka Canada.
Waxaa dalka Kanada bishan ka bilaabmay loolankii doorashadda Golaha Wakiiladda ee Kanada, loolankan oo uu dhex marayo afarta Xisbi qaraneed ee uu ka kooban yahay dalku iyo labo xisbi oo aan rasmiyan ahayn Xisbi qarameed hase-ahaatee leh codad ugu filan inuu buuxuyo shuurdaha xisbiyeed ee u saamaxaya inay helaan xidhibaano u fadhiista Golaha Wakiiladda ee Kanada. Sidda xaqiiqadda ah, wakhtiyadda doorashooyinka musharaxiinta Xisbiyaddu waxay ku loolamaan siddii ay u hanan lahayeen guusha, iyagoo u kala baratama codadka jaaliyaddaha badan ee ku dhaqan dalka.

Waxaa xaqiiqa ah in jaaliyadda Somaliland tahay jaaliyadda ugu tiradda badan marka la eegu dadka loo yaqaano dadka tirada yar ee muuqda, amse ' Visible Minority', ee ku nool magaala maddaxa waddanka Kanada, tiradoodana lagu qiyaaso inay kor u dhaaftay 18,000 oo qof. Sababahaa awgoodna ay Xisbi qarameedadu farta aad ugu soo godaan, kuna dadaalaan inay hantaan codadkooda, iyagoo balan qaadyaddooduna badantahay.

Haddaba, iyaddoo laga ambaqaadaayo, baahida loo qabo codadka bulshadeena ayey lagama maarmaan noqotay in la agaasimo munaasibad lagula gorgortamo musharaxiinta siddii ay u fulin lahaayeen balanqaadyadooda ku foosha leh Jaaliyadda Somaliland, munaasibadaa oo lagu soo casuumay 5 musharax oo ka kala sharaxan labada Xisbi ee hogaanka wadanka ku loolama. Musharaxiintaa oo ka kala socday 4ta xaafadood ee bulshadda ka soo jeeda Somaliland ugu badan tahay.

Musharaxiintaas oo kala ahaa:

1-Richard Mahoney - Liberal Party

2-David McGuinty - Liberal Party

3-Mauril Bélanger - Liberal Party

4-Marc Godbout - Liberal Party

5-Paul Beniot – Conservative Party,

Xafladdaas oo musharaxiintu ka jeediyeen hadalo, iyagoo tilmaamaya wax qabadka ay la garab taagan yahiin bulshadda reer Somaliland ee ku dhaqan caasimadda iyo agagaarkeedda iyo siddii qadiyadda Somaliland loogu raadin lahaa ictriaaf buuxa iyagoo ka bilaabaaya halkan.

Fagaarahaa waxaa barnaamijku ku bilaabmay siddii caadada inoo ahayd, aayadu Quraan ah oo sheikh Ali Amjad oo ah nin Muslim ah oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Gayana uu na xasuusiyey, ka dibna waxaa la wareegay oo xidhiidhinayey barnaamijka Md: Rashid Luftanse. oo ku soo dhaweeyey barnaamijka Mudane Dr. Mohamoud Sh. Hassan Tani, oo ka hadlay heerarka ay jaaliyaddu soo martay, isagoo mudanayaashii musharaxiintahana uga xog waramayey, geedi socodkii siyaasadeed ee Somaliland soo martay iyo sidda ay u dhamays tireen haykalkii dimuqraadiyeed ee dawlad dadkeedu soo doorteen ay hiigsan lahayd, iyo siddii dawlada Kanadi ay ula daadahayn-layad iftiinkaa ugub ee ka curtay Geeska Africa ee ay Somaliland hormoodka ka tahay.

Waxaan halkaana ka sii qaatay, Md: Kaynadiid Cali Xassan iyo Md: Axmed Xaashi Dhimbiil, iyagoo faahfaahinaya hormurku gaadhay wadankii, una bayaaminayey xildhibaanada inay u garaacaan albaab kasta siddii Somaliland loogu heli lahaa aqoonsi taam ah.

Waxaana madashaa ka soo qayb galay boqolaal qof oo reer Somaliland ah iyo asxaabta Somaliland. Waxaa ah mid lagu farxo, mahadeedana leh sidda wanaagsan ee ay u soo abaabuleen madaxda Jaaliyadda Ottawa-Somaliand Community oo aan halkan lagu qiyaasi karayn.

Waxaa iyana mahad leh oo habeenkaa iyana kala qayb qaatay farxaddaa, Md: Hassan Jamac Bacad oo musharxiintii Toghdeer ee Udub ahaa, iyo Cabdilaahi Osman Geel-Jire oo ah masuul sare oo ka tirsan Xisbiga Kulmiye.


Allaa Mahad Leh,

Ottawa Somaliland Community
User avatar
Dirty_Goodz
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1782
Joined: Thu Dec 15, 2005 9:48 am
Location: North wezzy

Post by Dirty_Goodz »

1

waaaaaaaayyyyyy to much 2 read


2 my somali not that good ( i mean reading) so plz translate and give the breif
User avatar
fagash_killer
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13942
Joined: Wed Dec 29, 2004 3:28 pm
Location: And You Can Run For ya Back-up But Them Machine Gun Shells Gone Tear Ya back Up

Post by fagash_killer »

their where more than 18.000 somalilanders who lives in canada joined the party where even politcal leader of canada where beeing invited and they supported somalilands independence and they also said recognition is needed and their right now an new group of somalilands team called recognition group their goal is ofcourse to recognise somaliland but thnx to these ppl is this all happend like the ppl of bristol who united as landers and where stressing on the bristal mps to support somalilands independence and bristol mp said put somaliland on the map and in scandivian coutries the same are also supporting somalilands independence they even invited dahir riyaale the president of somaliland to go their and they agreed many things such as oil and shit the fact is un are now closely working with somalilanders the world are sick of somalia and are right now giving somalilands the change slowly is the name recognition coming out of the world leaders and is just sooner ore later before we will be recognised just like 26 june 1960 Cool
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Europe - UK”