Mudaharaad loo sameeay marxuun Nuur Siciid oo ka dhacay Lon

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
XidigtaJSL
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2428
Joined: Wed Dec 24, 2003 7:00 pm
Location: Erigavo, Sanaag

Mudaharaad loo sameeay marxuun Nuur Siciid oo ka dhacay Lon

Post by XidigtaJSL »

Waxa maalintii Sabtidii ee ay bishani ahayd (4/02/05) Xaafadda Greenwich, gaar ahaan waaxa'ha Woolwich iyo Plumstead ee magaalada London lagu oogay Mudaharad lagaga dhan
yahay Dhimashada wiil Dhalin yaro ah oo Soomaaliyeed (Nuur Siciid) oo loo
aanaynayo inuu ku dhintay gacanta gardarada iyo cunsuriyanimada leh ee Ciidanka
Nabad Galyda ee London (Metropolitan Police). Halkaasna waxa isugu yimid dad aad
u badan oo ka kala socda jaaliyadaha Soomaaliyeed iyo shisheeyaba.

Xubno ka socda Mashruuca Horumarinta Qooysaska Soomaaliyeed (Somali Families
Development Project - SFDP) ayaa ka mid ahaa Dadka ballaadhan ee ka qayb
galay Muddaharaadkaas. Dhammaanna xubnaha SFDP waxay si wada jir ah tacsi
tiiraanyo badan ugu dirayaan ehelkii iyo qaraabadii uu ka takay marxuun Nuur.
Waxan u baryaynaa Marxuunka inuu Ilaahay Naxariistii Jano ka waraabiyo, inagana
dhammaanteen innaga siiyo Samir iyo Iimaan.

Sida la wada ogsoon yahay,Carruur badan oo Soomaaliyeed ayaa ku dhimatay
dalkan Ingiriiska oo badankooda loo dilay midab nacayb. Cid ka hadasha iyo
Caddaalad loo sugaayina aad iyo aad ayay u yar tahay. Maanta Cabashada
Soomaaliyeed waa Ciil ku raagay dadka, waxana muuqata in xitaa gacanta kuwii loo xil
saaray xasiloonida iyo ammaanka an lagu badbaadayn.

Annagoo taas ka shidaal qaadanayna, waxan kaga qayb galnaynaa mudahaaradada
noocan oo kale ah Heestan soo socota oo ah mid an ugu talo galnay inaan ugu
baaqno Caalam waynaha in Cunsuriyaddu ka mid tahay cuduradaan la dabar gooynin
wali, kuna baraarujino Bulsho weynta Soomaaliyeed, isla markaana ku baaqno
Caddaalad Buuxda oo na loo sugo. Abwaanka heesta sameeyay ayaa si buuxda oon
ka gabasho lahayn ugu diyaar ah inuu qaado Masuuliyaddeeda.

__

Heestii:
Cuduradaan La Dabar Gooyn, Cunsuriyadda Ha lagu Daro

Midhihii:
C/Qani Suldaan Yuusuf (04 February 2006 - London UK)

Baydka Koowaad

Monddeellaa Carrabbaabayoo
Yidhi Inkastooy Cad yihiin
Sida Cadceedda Nuuraan
Calal wada Xariira qaataan
Calooshoodu Waa mugdiyoo
Canfash baa ku qarsoone

Cibaariyo taasi noogu filan
Cabbiraad lagu Qiyaaso
Carri kastooy ku nool yihiin
Saan Caddaale waa isku midoo
Cilladahoodii ma daayaan
Caynad kala sooca ahaayoo
Cilmi kastooy ku faanaanba
Ree Caddooshe ma Daahiraane

Mar haddaan la Cidhib tirayn
Caado lagu dhaqmana tahoo
Ciqaabteedu dhammaaninoo
Carruurtiyo lagu dil Cirroolaha
Caalam weynahoo Idilbaan
Codsi waxan ku leenahay
Cuduradaan la Dabar Gooyn
Cunsuriyadda ha lagu daro

Baydka Labaad

Caabbuqii Midab Takoorku
Carcartiisii soo Ceshayoo
Kuwii Nabada loo Cayimaa
Ciidankii Cuqdada noqdayoo
Cawda waxay u loogayaan
Curdin iyo dhallaan koraayoo
Wada Ciishootay Soomaaliye

Cilaaqaadkeeniyo Ingiriisoow
Calamada makala guranaayoo
Carrigayagaad gumaysan jirtayna
Cashuurtiisii ma keenaysaayoo
Ciiddaydii Hooyana Dhammaan
Ma nagu wada Celin karaysaa
Mise Tony Blair Cabashadayada
Caddaalad buuxda waad u sugi

Mar Haddaan la Cidhib Tirayn
Caado lagu dhaqmaayana tahay
Ciqaabteeduna Dhammaaninoo
Carruutiyo lagu dilo Cirroolaha
Caalam weynahoo idilbaan
Codsi waxan ku leenahay
Cuduradaan la dabar gooyn
Cunsuriyadda ha lagu daro
_

Cabdiqani Suldaan Yuusuf, London UK

Somali Families Development Project -SFDP-

_SomaliFDP@Aol.Com_ (mailto:SomaliFDP@Aol.Com)

Wargeyska HiilDanYare

_HiilDanYare@Aol.Com_ (mailto:HiilDanYare@Aol.Com)


|

Copyright © QaranNews.com
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”