Page 1 of 1

Ganacsato Soomaaliyeed oo lacago iyo booyado biyaha lagu qaa

Posted: Thu Feb 09, 2006 2:59 pm
by Daanyeer
Ganacsato Soomaaliyeed oo lacago iyo booyado biyaha lagu qaado ku yaboohay dadka abaaruhu ay aafeeyeen.

Mogadishu 08 Feb. 06 ( Sh.M.Network) Midowga Ganacsatada gobolka Banadir oo galabta kulan ku yeeshay Hotelka nabadda ee magaalada Muqdisho ayaa kulankooda ku sheegay in ay ugu yaboohayaan lacag iyo gaadiid wax loogu qabanayo dadka ay baaruhu ku dhufteen ee ku dhaqan K/somalia.

Gudoomiyaha midowga Ganacsatada gobolka Banadir Max'uud C/kariim Cali Gabeyre oo kulankaasi ka dib shabakada warbaahinta Shabelle uga waramay waxyaabihii ka soo baxay kulankooda ayaa waxa uu sheegay in maanta ay ka wada hadleen ganacsatada suurtogalnimada gurmad ay u fidiyaan dadka Soomaaliyeed ee dhibaatada abaaruhu ka soo gaareen ee ku dhaqan K/somalia.

Gabeyre ayaa waxa uu sheegay in ganacsatada maanta kulanka isugu imaaday ay ugu yabooheen walaalahooda abaaruhu ay halakeeyeen lacago gaaraya 66 kun oo Doolar iyo waliba 6 booyad oo loo isticmaalayo biyaha la gaarsiinayo dadka haraadsan.

" Waxaan rajeynayaa in lacagahaasi ay soo xarooto maalinimada sabtida ah waxaana loo xisaaray gud 8 xubnood ka kooban ayuu yiri Max'uud C/kariim oo ah gudoomiyaha Midowga Ganacsatada gobolka Banadir.

Waxaa isi soo taraya kaalmada dadka Soomaaliyeed ay ugu yaboohayaan dadka abaaruhu ay ku aafeeyeen K/somalia, iyadoo arintaan meesha ka saareyso in dadka Soomaaliyeed aanu is gargaari karin.

Shabelle Media Network, Mogadishu

Posted: Thu Feb 09, 2006 8:02 pm
by Ugaas Diini
Maansha allah. It is good news.

Posted: Fri Feb 10, 2006 12:07 pm
by Pablo Escobar
Shabelle.net shaqo fiican ee heysaa. Masaakiinta ilaaheey roob hau keeno.