"Intii aan BAD qabayee HAWSHIISU igu BADAN haba BARAN lahaayaa haw u bixin lahaayaa..IMMINKOON besteey ahay BAROOR miyaa wax ii TARI" Sister Kadijo Foodeey
........................................................................................................,
Max'ed dheere "Waxaa laga keenay dalka Yeman 5 kun oo qori, waxaana la siiyey hal qoys
Guddoomiyaha guddiga siyaasada maamulka gobolka Sh/dhexe Maxamed Cumar Xabeeb (M/dheere) ayaa ku tilmaamay mid cadaalad darro ah hadal uu maalintii shalay aheyd siiyey laanta afka Soomaaliga ee idaacadda BBC-da wasiirka qorsheynta & iskaashiga caalamiga ah ee xukuumada federaalka Prof. C/risaaq Cusmaan Xasan (Juurille) oo ku saabsanaa in saraakiisha beesha caalamka ee booqday magaalada Baydhaba ay balan qaadeen inay si deg deg ah u bixin doonaan deeqo kala duwan oo oo lagu maalgelinayo ciidamada booliska & kuwo ku xareysan xerada Deynuunaay iyo mashaariic iyo dhismayaal kale oo ay dowladu ku yeelan doonto magaalada Baydhabo.
"Hadalka ka soo yeeray wasiir ku sheega Juriile waxaa uu ka hor imanayaa qodobka 12aad ee axdiga ku meel gaarka ah oo dhigaya in wixii deeq ah ee la helo si siman loogu qeybiyo gobolada dalka Soomaaliya" ayuu yiri Max'ed Cumar Xabeeb (M/dheere), wuxuuna ku tilmaamay mas'uuliyiinta sarsare ee dowladda kuwo indha la' oo aysan u muuqan wax uu ku sheegay cadaaladda.
"Waxaa laga keenay dalka Yeman 5 kun oo qori, waxaana la siiyey hal qoys, haddana waxaa muuqata 3500 maleeshiyo oo uu hal qoys leeyahay in la doonayo in lagu maalgeliyo hantidii beesha caalamku ugu talo-galay Qaranka Soomaaliya, arrintaasina waa arrin laga naxo" ayuu yiri Max'ed dheere, wuxuuna sheegay in uu u soo jeedinayo beesha caalamka in aysan u kala eexaan Soomaalida, isla markaana deeqaha ay siinayaan aysan noqdaan kuwo la siiyo hal gobol, sida uu hadalka u dhigay.
"Waxaan beesha caalamka mar labaad uga digayaa in aysan mar kale Soomaalida isku dirin, waayo Soomaalidu ma ahan hal gobol & hal qoys" ayuu yiri Max'ed dheere.
Dhinaca kale, Max'ed dheere ayaa horay si weyn u difaaci jiray siyaasadda dowladda federaalka muddadii ay Jowhar ku sugnaayeen xubnaha labada gole, madaxweynaha & ra'isul wasaaraha, iyadoo ay dad badani is-weydiinayaan sababta xilligan ku soo beegtay cambaareynta Max'ed dheere ee mas'uuliyiinta sarsare ee dowladda federaalka, ee uu kaga gaabsaday mudadii ay Jowhar ku sugnaayeen.
C/shakuur Cilmi Xasan-Muqdisho-Soomaaliya
cabdishakuur48@hotmail.com
dayniilecom @hotmail.com
Intii Aan Badqabayee.....Imminkoon BASTEEY Ahay..BAROOR ...
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 9 Replies
- 788 Views
-
Last post by Ina Baxar
-
- 32 Replies
- 3269 Views
-
Last post by Zoomalia4Kucks
-
- 1 Replies
- 331 Views
-
Last post by Air_Canada
-
- 1 Replies
- 407 Views
-
Last post by kambuli
-
- 5 Replies
- 560 Views
-
Last post by salafi_student
-
- 88 Replies
- 4520 Views
-
Last post by Samatr
-
- 2 Replies
- 481 Views
-
Last post by AhlulbaytSoldier
-
- 16 Replies
- 2239 Views
-
Last post by udun
-
- 3 Replies
- 705 Views
-
Last post by X.Playa
-
- 2 Replies
- 525 Views
-
Last post by D-Runner