Page 1 of 1

Remembering King Elman!

Posted: Fri Mar 10, 2006 2:50 am
by Pablo Escobar
Munaasabad lagu maamuusayo sanad guuradii tobanaad ee ka soo wareegatay geeridii Marxuum Elman Cali Axmed oo si weyn loogu yiqiinay dhinaca nabada ayaa maanta lagu qabtay Hotelka Naasa-hablood ee magaalada Muqdisho.

March 09, 2006. HornAfrik. Mogadishu, Somalia.

Hal ku dhigyo lagu xusuusanayo waxqabadkii marxuum Elman Cali Axmed ayaa maanta waxaa lagu xardhay hoolka ay ka dhacdey munaasabadaasi oo ku yaala gudaha hotelka Naasa-hablood ee magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiin kala duwan oo halkaasi ka hadlay waxaa ay ku dheeraadeen in muhiimada ay tahay nabada iyo sida loogu o’loleynayo iyagoo dhinaca kalena eegaye in dhibaata kasta ee dadka soomaaliyeed qofkii nabad u o’loleeya kasoo gaarta lagu xusuusan doono.

Suudaan Cali Axmed oo ah gudoomiyaha Hay’adda Elman ayaa waxaa uu sheegay in maanta oo ku beegan 9-ka Maarso loo aqoonsado in ay tahay maalinta nabada Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha hay’adda Inxa C/naasir Axmed Cismaan ayaa isna waxaa uu sheegay in maalinta nabada loo aqoonsado 9-ka Maarso in tahay mid aaney waxba ka qabin, mas’uuliyiin kala duwan xubnaha dhaqanka iyo aqoonyahano halkaasi ka hadlay ayaa waxaa ay dib u xusuusteen waxqabadkii Elman waxaana ayna sheegeen sida uu markaasi u taakuleyn jiray caruurta yar yar ee agoonta ah iyo kuwa darbi jiifka ah kuwaasoo uu u sameyn jiray in ay awoodooda wax ku qabsadaan.

Waxaa kaloo halkaasi la sheegay in marxuum Elman Cali Axmed sidii ay aheyd xiligaasi oo dhibaato badani ay jirtay iyo sidii uu ugu dhabar adeegay in uu nabada u muujiyo.

Allaha u naxariistee marxuum Elman Cali Axmed ayaa waxaa kaloo lagu xusuustaa maagalada Muqdisho qeybo ka mid ah melaha nabadgalyadeeda ay xuntahay in uu ku xiri jiray leerar habeenkii si ay dadka masaakiinta ah iyo umadda Soomaaliyeed ay ugu badbaadaan burcada iyo kuwa shar wadayaasha ah.

http://www.hornafrik.com/Audio/elman.rm

R.I.P. Elmaaaaaaaaaaan Cali Axmed!

We miss you.

Posted: Fri Mar 10, 2006 3:02 am
by Gladiator=
That man was killed by Cisman Ato. His Reer HIlowle clan members who feel superiority over all the Sacad killed him because of a long-standing tradition that one Hilowle Nigga is worth two person from Sacad subclans.

You savages oppress each other so why do you want to commomerate Elmaan. Laughing

Posted: Fri Mar 10, 2006 12:20 pm
by AbdiWahab252
Laangaab Boy, i'd focus on how 2 rescue your langaab self from the inferiority complex dished out 2 u on a daily basis by the MJs