Xayawaanka daanyeerka ee duurka joogta ah ayaa dhibaato xoogleh ku haya xoolaha iyo dadka kasoo barakacey barakacey abaaraha kuna sugan duleedka magaalada Kismaayo ee xaruta gobolka J/Hoose.
March 18, 2006. HornAfrik. Mogadishu, Somalia.
Sahro Cabdi Axmed. Kismaayo.
Xayawaanka daanyeerka ee duurka joogta ah ayaa dhibaato xoogleh ku haya xoolaha iyo dadka kasoo barakacey barakacey abaaraha kuna sugan duleedka magaalada Kismaayo ee xaruta gobolka J/Hoose.
Boqolaal qoysas oo dad reer miyi ah oo kasoo barakacey deegaanada tuulooyinka hoos yimaada gobolka J/Hoose ayaa haatan xoolahoodii haraadiga uga noqdey ay weerar ba’an ku hayaan duur joogta kale ee xayawaanada, sida Daanyeero raxan raxan usoconaya, kuwaasoo bar tilmaameed sanaya ariga.
Daanyeertan oo ah xiligii ugu horeeyey oo ay soo weeraraan xoolaha isla markaana ay cunaan ayaa waxey si gaar ah u bartamaameed sanayaan oo dhiiga uga cabayaan waxaraha yar yar ee ariga.
Deegaanka airportka magaalada Kismaayo oo aan shaley booqaney ayaa waxaan aragney ariga oo si weyn loo ilaalinayo, iyo ku dhowaad sideed “8†waxarood oo naloo sheegay inuu cuney daan yeerkaasi.
Sababta keentay in duur joogta aan xoolaha iyo dadkaba waxyeeleyn ay haatan u weeraraan xoolaha oo ay u cunaan ayaa waxey dadkii halkaasi joogey ku macneeyeen iney tahay xiliga kuleylaha oo aad uga sii daraya, iyo waliba abaarta oo qalajisey geedihii ay duur joogta ay hoos jirtay iyo biya la’aan jirta awgeed, waxeyna sheegeen sidoo kale iney xoolaha ka cabayaan oo kaliya sida ay HornAfrik u xaqiijiyeen fara badan oo halkaasi joogay xiligii aan booqaney.
Dadka kusoo barakacey deegaanadaasi oo iyagu ka yimid tuulooyinka hoos yimaada gobolka J/Hoose oo intooda badan isugu yimid airport-ka ayaa waxey isticmaalayeen oo ay biyaha ka cabayaan ceel biyihiisu dhanaan yahay oo halkaasi ku yaala, iyadoo safaf dhadheer ay ugu jireen dad aad u tabar yar oo ay ka muuqatey waxyeelada abaarta, waxeyna sheegeen in ceelku uu yahay mid har iyo goorba mashquula habeen iyo maalinkii marka laga reebo, marka laga reebo xiliyada diyaaradaha kusoo dagayaan airportka magaalada Kismaayo, oo inta badan ilaaladu aysan u ogoleyn in dadku ay kasoo ag dhowaadaan aaga airportka.
Are U With Us or With Those Bearded Teprorist Goats? !!!
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 253 Views
-
Last post by Daanyeer
-
- 0 Replies
- 389 Views
-
Last post by Daanyeer
-
- 9 Replies
- 920 Views
-
Last post by Enemy_Of_Mad_Mullah
-
- 0 Replies
- 412 Views
-
Last post by Basra-
-
- 9 Replies
- 818 Views
-
Last post by BLUE RUSH
-
- 78 Replies
- 5405 Views
-
Last post by _BuFF_GYAL_
-
- 1 Replies
- 334 Views
-
Last post by TrophY-WifeY-
-
- 6 Replies
- 612 Views
-
Last post by Gatspy
-
- 3 Replies
- 591 Views
-
Last post by Midhisho
-
- 0 Replies
- 655 Views
-
Last post by original dervish