CEERIGAABAY Ma nabad baa?
Posted: Thu Mar 30, 2006 12:09 pm
Adigaan cirka u bixin
Ama boodin leexada
Ama badaha waaweyn
Nafta aan ku biimayn
Baariis adaan tegin
Ama Boon ka sheekayn
Barashada dalkaagaa
Horta laga bogtaayoo
Beryo laysku hawlaa
BaaqXiddigtii bahdeediyo
Xubnaheeda kala maqan
U ahayd xusuustee Sumaddooda
Xaynkiyo Shanta gees u xidhataay.
Xudduntii dhulkaygaay
Xaruntii dadkaygaay
CEERIGAABAY Ma nabad baa?
Midha-Daray raggiinaa
Duudduub ku liqayow
Kolley geedka duuggiyo
Taariikh la daastiyo
Laga diirto Magac hadha
Sida diirta xagatoo
Dadnimada arradisee
Dib maxaa u dhigateen
Duniduba ma maantaa?
Dab cunaannu idin nidhi Daahyalley
CEERIGAABAY ma nabad baa?
Ama boodin leexada
Ama badaha waaweyn
Nafta aan ku biimayn
Baariis adaan tegin
Ama Boon ka sheekayn
Barashada dalkaagaa
Horta laga bogtaayoo
Beryo laysku hawlaa
BaaqXiddigtii bahdeediyo
Xubnaheeda kala maqan
U ahayd xusuustee Sumaddooda
Xaynkiyo Shanta gees u xidhataay.
Xudduntii dhulkaygaay
Xaruntii dadkaygaay
CEERIGAABAY Ma nabad baa?
Midha-Daray raggiinaa
Duudduub ku liqayow
Kolley geedka duuggiyo
Taariikh la daastiyo
Laga diirto Magac hadha
Sida diirta xagatoo
Dadnimada arradisee
Dib maxaa u dhigateen
Duniduba ma maantaa?
Dab cunaannu idin nidhi Daahyalley
CEERIGAABAY ma nabad baa?