Haddii Laysudeyn Lahaa Labadayada..Talo...Dadka Lurkeyga Jec
Posted: Thu Apr 06, 2006 2:05 pm
Haddii laysudeyn lahaa labadayada ..talo ma laalanteenee...dadka lurkeyga jeceblaa intaa dhexda kaaga lamaanee
...........................................................................................................
Max'ed Dheere iyo C/laahi Yuusuf oo lagu heshiisiinayo Nairobi
Nairobi 06 April. 06 ( Sh.M.Network) Gudoomiyaha maamulka gobolka Sh/dhexe Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere ayaa gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo la filayo in uu ka dhaco kulan lagu dhex dhexaadinayo isaga iyo Madaxweynaha Dowladda FS oo khilaaf xoogan soo kala dhex galay.
Madaxweynaha dowladda FS, C/laahi Yuusuf Axmed
Max'ed Dheere, Gudoomiyaha maamulka gobolka Sh/dhexe
Sida ay sheegeen ilo wareed ka soo baxay magaalada Nairobi Kulankaan oo ay soo qaban qaabisay dowladda Ethiopia ayaa daba jooga kulankii magaalada Adis-ababa ay ku yeesheen Maxamed Dheere iyo Ra'isulwasaare Geedi oo heshiis is faham ah halkaasi uu ku dhex maray.
Kulankaan oo ah wajihii labaad ayaa wasiirka arimaha dibadda ethiopia Sium Musfin waxa uu ku dhex dhexaadin doonaa Gudoomiyaha goobolka Sh/dhexe Maxamed Dheere iyo Madaxweyne C/laahi Yuusuf si loo soo afjaro khilaaf ka dhashay guuritaankii dowladda ee dhinaca magaalada Baydhabo.
Gudoomiyaha maamulka gobolka Sh/dhexe Maxamed Dheere ayaa horey hadalo kulul iyo dhaleeceeyn u jeediyay Madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo dolwadiisa, oo uu tilmaamay in aan laga aqoonsaneyn gobolka uu ka arimiyo, isagoo si gaar ah ugu eedeeyay Madaxweynaha Somalia in hubkii magaca dowladda lagaga soo qaaday dalka Yemen uu u qeybiyay beeshiisa, isagoona ku tilmaamay in uu yahay Oday beeleed.
Shabelle Media Network, Nairobi