
make no mistakes isaaq kingdom is about to rise

Madaxweynaha Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin ayaa la filayaa inuu maalmaha foodda inagu soo haya socdaal ugu kicitimo caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa.
Sida ay noo xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah oo u dhow-dhow Madaxtooyada Somaliland, ujeedada safarka Madaxweynuhu waxay la xidhiidhaa sidii uu wada-hadalo ula yeelan lahaa madaxda Ururka Midowga Afrika ee xaruntoodu tahay Addis Ababa, kuwaas oo uu kala hadli doono arrimaha la xidhiidha ictiraafka Somaliland, gaar ahaan warbixintii uu ururka Midowga Afrika ka soo saaray booqashadii xaqiiqo-raadiska ahayd ee uu wefti ka socda ururkaasi ku yimi Somaliland bishii May 2005.
Madaxweyne Rayaale waxa uu hore Midowga Afrika ugu qoray codsi uu kaga dalbanayo in Somaliland xubin ka noqoto ururka Midowga Afrika, ama ugu yaraan la siiyo xubin goob-joognimo.
Warbixinta uu Midowga Afrika ka soo saaray booqashadoodii Somaliland, ayay ku sheegeen inay Somaliland haysato daliil ay xubin kaga noqon karto Midowga Afrika, isla markaana aanay ahayn gobol ka go’aya dal, balse ay tahay midow dhicisoobay oo ay dib uga noqonayso, taasna aanay macnaheegu ahayn inay furayso mowjado kala goo’go’ ah oo ku yimaada wadamada Afrika.
Socdaalka Madaxweynaha ee Addis Ababa ayaa wararku sheegayaan inuu la xidhiidho sii xoojinta sidii ay Midowga Afrika Mowqif cad oo u cuntama Somaliland uga joogsan lahaayeen qadiyadda aqoonsiga Somaliland.
Sidoo kale, Madaxweyne Rayaale waxa la filayaa inuu kulamo la yeesho masuuliyiinta xukuumadda Itoobiya iyo danjirayaasha shisheeyaha ah ee xaruntoodu tahay Addis Ababa.
Safarkan la filayo inuu Madaxweynuhu ku tago Addis Ababa, ilaa hadda lama ogga cida ku wehelin doonta, balse Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Cabdillaahi Maxamed Ducaale ayaa isagu maalintii Jimcihii ina dhaaftay socdaal aan ujeedadiisa la shaacin ugu kicitimay magaalada Addis Ababa.
Source Haatuf