
www.deeyoo.com/qabyaalad.htm
and here are the lyrics
kala qaxa qareenlaay
hadiyo jeer isqoontaay
qaldaneey dareenlaay
qol is wada qaniintaay
jirka qaran u dumaneey
qilaaf lagama waayaay
waligeed maqanacdaay
hadaad kala qabweyntoo
qabyaaladina wacatahay
bal qoyskiinii soo hara
ha xukumo qabuuraha
qisaas iyo qudhgooyiyo
qiiro iyo qamuunyaay
bulsho kala qoqobaneey
danta qiil uwaydaay
qorshehii marqaankee
qaadiradu lumisaay
gabigeed qalibaneey
hadaad kala qabweyntoo
qabyaaladina wacantahay
bal qoyskiinii soo hara
ha xukumo qabuuraha
qalooc iyo dhib badaneey
nabad kuma qaboobaay
tii kala qalootee
qaar ba meel ku oodmaay
qarqar iyo xanuuniyoo
qaska tii ku marataay
umad wada qafiiftaay
hadaad kala qabwayntoo
qabyaaladina wacantahay
bal qosykiini soo hara
ha xukumo qabuuraha