Baaq ka soo baxay Beelaha Habar yoonis ee fadhigeedu yahay magaalada Burco
--------------------------------------------------------------------------------
()
hadhwanaag 2006-05-13 (Hadhwanaagnews) Maanta oo ay taariikhdu tahay 13/506 waxa ka dhacay xarunta Golaha Guurtida ee Beelaha Habaryoonis fadhigoodu nahay yahay magaalada Burco shir balaadhan oo ay ka soo qayb galeen xubnaha uu ka kooban yahay Golaha guurtida , shirkaasoo ku wajahan falanqaynta iyo lafa gurka Go,aankii ay dhawaantan golaha Guurtida Jamhuuriyada Somaliland ku kordhisteen mudada ay xilka Guurtida haynayaan iyada oo wakhtigoodu hore ee Guurtida Qaranka ay ku ekayd Bisha October ee sanadkan.
Hadaba dood dheer oo Guurtidu ka yeelatay Go,aankaasi mudo kordhinta Guurtida qaranka waxa Golaha guurtida ee Habaryoonis ee fadhigoodu yahay Burco isku raacay soona saaray Baaqan hoos ku qoran.
1) In Go.aankii ay guurtidu ku kordhisteen mudada ay xilka haynayaan uu yahay Go.aan aan waafaqsanayn Dastuurka ay umada Reer Somaliland dhigteen meel ka dhacna ku ah isla markaana ka soo horjeeda Dastuurka Qaranka.
2) In go,aankaa mudo korodhsigu yahay geedi dib loo guuray soona afjaraaya nidaankii iyo geedi socodkii dimuquraadiyada ee ay umaadu qaadatay kaas oo ay dhamaystirkisa ka hadhsanayd doorashada Golaha guurtida Qaranka.
3) In guurtida anay xaq ulahayn in ay iskood isku caleema saaraan, isuna kordhiyaan mudada ay xilka qaranka haynayaan.
4) In ay golaha wakiilada yihiin cida kaliya ee xaq uleh mudo kordhinta , maadaama ay wakiilada yihin awood sifo sharci ah lagu soo doortay codka shacbiga Reer Somaliland.
5) In golaha guurtida Qaranku iyo cidii kale ee ku taageersaniba ay dib uga noqdaan go,aankaas khaladka ah lidigana ku ah dasturka qaranka Jamhuriyada somailand.
6) In golaha wakiiladu ay ka hadlaan go,aankaas khaladka ah isla markaana kaga doodaan sida sharcigu ogol yahay iyadoo oo meel layska dhigaayo caadifad keenta midi midi ku taag.
7) In guud ahaanba meel looga soo wada jeesto ilaalinta danta guud ee Qaranka mucaarid iyo muxaafidba ,wax walbana laga hormariyo maslaxada guud ee Qaranka Jamhuuriyada somaliland .
8 Waa in loo noqdo dastuurka qaranka siloo xaliyo arinkan waxkastana laga hormariyo maslaxada iyo ilaalinta danta guud
9) Sidaa daraadeed guurtida beeshu waxay cadaynaysaa in anay aqoonsan doonin mudo kordhinta isla markaana xubnaha beelaha ka fadhiya aanay wakiil kaga noqonayn kordhinta isla markaaanaa xubanaha beeshu ka fadhiyay aanay wakiil kaga noqonayn marka wakhtigoodu dhamadana bisha october /2006 .
Shir gudoonka golaha guurtida ee Beelaha Habaryoonis fadhigoodu yahay Burco
Cawil Yuusuf DHiif ( Gudoomiye)
IBraahin Yuusuf Diiriye (G/xigeen)
Xasan xuseen faarax (xoghayn)
Alla mahadleh
waxa soo weriyay
Cabdisalan ilkacase
hadhwanagnews
Burco office
ilkacase1@hotmail.com
Baaq ka soo baxay Belaha Habar Yonis fadhigeesu yahay Burco
Moderators: Moderators, Junior Moderators
- XidigtaJSL
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 2428
- Joined: Wed Dec 24, 2003 7:00 pm
- Location: Erigavo, Sanaag
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 4 Replies
- 1932 Views
-
Last post by maxamed-muse
-
- 16 Replies
- 8565 Views
-
Last post by Burco Boss
-
- 21 Replies
- 1920 Views
-
Last post by zingii
-
- 21 Replies
- 1334 Views
-
Last post by xoogSADE14
-
- 8 Replies
- 813 Views
-
Last post by dhuudhuu
-
- 0 Replies
- 290 Views
-
Last post by sheekh-Farax-zero
-
- 114 Replies
- 974 Views
-
Last post by Complicated19