Page 1 of 1

VICTORY FOR ISLAMIC COURTS AGAIN

Posted: Wed May 31, 2006 7:11 am
by fagash_killer
Another Victory for Islamic Courts Again. It seems Worlord days are over

Midowga Maxkamadaha oo kala wareegay isbaheysiga fariisimo kale oo muhiim ah

Mogadishu 31 May. 06 ( Sh.M.Network)

Midowga Maxaakiimta islaamiga ayaa la wareegay gacan ku heynta garaashka Orfano iyo waliba Bar CTRL oo ku taala wadada Maslax, ee suuqa xoolaha ee magaalada Muqdisho, ka dib weerar culus oo saakay salaadii Maxkamadaha ay ku qaadeen halkaasi.

Maleeshiyooyin Hubeysan
Ugu yaraan 5 ruux ayaa ku geeriyootey tiro intaasi ka badana waa ay ku dhaawacmeen, ka dib weerar xeeladeysan oo maleeshiyooyinka Midowga Maxaakiimta ay ku qaadeen fariisimada Maleesgiyooyinkii Taabacsanaa wasiirka dhaqan celinta iyo tababarka maleeshiyaadka Bootaan Ciise Caalim oo ka mid ah isbaheysiga la dagaalanka argagixisada.

Dad goobjoogayaal ah ayaa shabelle u sheegay in Maleeshiyooyinka Maxaakiimta ay qabsadeen ilaa 5 baabuur oo kuwa dagaalka ah oo ay ku jiraan labo Zuu, Labo Dhashiike iyo Hal B10, iyadoo sidoo kale la sheegayo in Maxkamadaha ay nolol ku kaxeysteen maleeshiyooyin ka tirsan isbaheysiga la dagaalanka argagixisada.

Haweeneey Ka gaabsatay magaceeda ayaa Shabelle u sheegtay in maleeshiyooyinka Maxaakiimta ay isticmaaleen Baabuur shiraacan oo u eg kuwa lagu safro, deetana markii ay u dhawaadeen garaasha iyo barihii CTRL ay ku daateen, sidaana ay ula wareegeen gacan ku heyntii deegaanadii uu ka arimin jirey Wasiirka dhaqan celinta iyo tababarka Maleeshiyaadka Bootaan Ciise Caalim.

Dagaalkaan ayaa waxaa loo adeegsaday xeelado Midowga Maxkamadaha ay horey gacanta ugu dhigeen deegaanka gal-galato ee duleedka bari ee magaalada Muqdisho.

Midowga Maxaakiimta islaamiga ayaa wada ololo dagaal oo ay ku doonayaan in ay ku soo koobaan awooda hogaamiyeaasha iyo ganacsatada ku bahoobay isbaheysiga la dagaalanka argagixisada.

Khamiistii la soo dhaafay ayay ahayd markii Maleeshiyaadka Midowga Maxaakiimta ay la wareegeen gacan ku heyntii Hotel Saxafi iyo KM4 oo uu ka arimin jirey Ganacsade C/rashiid Ilqeyte oo xubin ka ah isbaheysiga la dagaalanka argagixisada.