Faruur C. Habarwaa (somalinet).
Warar xiiso iyo xaayo leh oo kasoo baxay magaala
Muqdisho, ee caasimadda dalka somalia ayaa sheegaya
in dhammaan jawiga somalia uu u muuqdo mid isbedel
aad iyo aad u weyn soo wata.
Iyadoo horeyba ay dareemada shicibka ku nool
magaalooyinka waayeyn ee qaranka sida Xamar,
Kismaayo, Hargeisa, burco, boosaaso, iyo yufle,
ay muujinayeen inuu tashwiish isugu jira farxad,
walwal, cabsi, iyo weliba rajo, ku furnaa Illaa iyo
muddadii gaabnayd ee
Mujaahidiinta Midowga Maxkamadaha Islamiga
ah si sharaf iyo cizzi leh gacanta ugu qabteen
maamulka magaalada muqdisho, ayay wadaaddadu
saaka oo sacaddu ahayd wakhti aan lagaranaynin
kulan saxaafadeed ku qabteen xaafadd iyana aan
la aqoon oo ku taalla bariga magaalada muqdisho.
Waxaa maalmahanba dalka debaddiisa iyo gudahiisaba
la isla dhex marayey warar kutiri kuteen ah, oo lagu mala
awaalayo ficilka Midowga Maxkamadaha Islaamiga ahi ku
dhaqaaqi doonaan, bacdamaa ay dhiigyo cabyadii dadka iyo
dalkaba silcinayey 16kii sano ee lasoo dhaafay, dhegaha ka
garaaceen, magaaladii muqdishona ka saareen.
Wax dadku wax iska sheeg sheegaanba maanta ayaa
Sh. C. Nuur Sh. Ismaaciil oo ah afhayeenka Midowga
Maxkamadaha Islaamiga ah uu shaaca ka qaaday
Jadwalkooda siyaasadeed sida loo hawlgelindoono
5ta sano ee soo socda.
Sheekha oo kalsooni iyo dhalaal aan la qiyaasi karin ka
muuqdo ayaa si xirfad, wadaadnimo, wadaninimo, iyo
weliba reer magaalnimo ku dheehantahay, ugu soo
bandhigay wariyeyaayasha waxa ujeeddadoodu tahay, isagoo
cimaamadda iyo koofida iyo microphonka hagaajisanayana
wuxuu walaalkeenna sharafta leh ee sheekh C. Nuur hadalka
u dhigay sida tan:
"Asaalamu Caleykum W.W, yaa macaashiral Muslimiin!
Haddaanu nahay Midowga Maxkamadaha dalka sharafta
iyo udgoonka badan ee Somalia, waxaa ilaahay idankiis
noo suura gashay inaan waqtigaan xaadirka ah ku
xukunno magaala madaxda waddanka shreecada
islaamka.
Waxaan dhammaan walaalahayga soomaaliyeed
ee ayaguna sidoo kale udgoonka iyo sharafta badan ku dhiiri
gelinayaa inay bishaaraystaan oo ku farxaan meesha fiican ee
waddankoodu maanta ku wajahanyahay( ku dhaqanka
shareecada islamka).
Taariikhda waddanka haddaan dib u
fiirinno, waxaan ogsoonnahy in mar keliya waddankan
caddaalad iyo maamul fiican oo toosan midna ka jirin,
ooy ahayd mar dimuqraaddiyiin musuqmaasuq iyo falallo
foolxun oo badan dalka ku xukuma iyo xukunkii caskariga ahaa oo isna
kaba sii darnaa."
Isagoo sheekhu hadalkii sii wata ayuu intaa wuxuu sii raacsiiyey:
" Nasiib xumo laakiin waxaa noogu darnayd markay shaydaamo
magac qabiil iyo jaahilnimo adeegsanaya( warlords) ay dadkii
walaalaha ahaa ka dhex faa iideysteen taas oo wakhti aad iyo aad u
foolxun nasoo marsiisay. Mar haddii Dimuqraadi, hantiwadaag,
iyo qabyaalad lagu soo xukumay muddo dheer, natiijooyinkoodiina
ay maanta meesha aan joogno na dhigeen, waxaa waajiba in
shareecadan jaaniskeeda lasiiyo. Baryana ma aha waa lasiin doonaa
haddii Eebbe idmo".
Wuxuu socdaba markuu gudagalay tallaabooyinka ay hadda
ku dhaqaaqi doonaan maxkamaduhu ayuu sheekhu isagoo aad
mooddo marba marka dambaysa inuu sii xanaaqayo ayuu si
xarrago iyo geesinimo ku dheehantahay u yiri:
"Lagama yaabo inaan nasanno illaa inta aan 5ta somaaliyeed isu
Keeneyno ( Somalia, S/land, Ogadenia, NFD, iyo jabuuti) oo kadibna
sharciga Islaamka ah iyo kitaabka Qur'anka ku xukunno si'aan
dawlad casri ah oo dowladaha adduunka sida USA iyo China
latartanta u dhisno." Isagoo isaga laftarkiisu is dhisaya ayuu sheekhu
intaa wuxuu ku daray:" Waxaana nagu ballan ah wixii dalka hore
dembi uga galayna inaan soo qabqabano, kana abaalmarino dembigay
geysteen.
Wixii naga horjoogsada inaan dalkeenna iyo dadkeenna u adeegnona
aan cashar khafiifa oo lama illaawan ah u dhigno."
Intaa markuu sheekhu ku dhawaaqay ayaa dadwenihii dhamaan
sacab iyo taageero muuqda isku dareen. Farxad darteed gabadh
meesha taagneyd oo magaceeda ka gaabsatay ayaa is tidhi shekha
canka ka dhunko, waxaana si deg deg ah oo kaarto iyo xirfadi ku
dheehantahay gabadhii u joojiyey, wardiyeyaashii sheekha inteysan
afka iyo faruuryaha midna sheekha lagaarin, una
sheegay inay xaaraam tahay in dumarku niman muxarrim ka ah
shumiyaan.
Waxaa Jowhar laga sheegay kadib markay fuleyaashii xamar
laga cayriyey warka cusub ee xamar kasoo baxay maqleen inay
ku amreen mooryaantii ay talin jireen inay baasabooroo bug ah sameeyaan
si ay uga baxsadaan dalka sida ugu dhakhsaha badan.
Madaxweynaha dowladda taagta daran ee
C/ yuusuf iyo madaxweynaha taagta daran ee maamul goboleedka
lamagac baxay S/land ee Daahir Riyaale ayaa iyagana
arrimo laayaab iyo argagax leh ku dhaceen kadib markay
iyaguna sidoo kale warkan xiisaha leh ee kasoo baxay
Caasimadda dalka ee muqdisho maqleen.
Waa wax lala yaabo'e warar lagu kalsoon yahay
ayaa sheegay inuu naxdin darteed kursiga ka dhacay
C. yuusuf markuu raadiyaha ka dhagayste sh. c nuur
hadalladiisii, muddo 3 saacadood ahna uu suuxsanaa,
oo soo miyirsadey ka bacdi markii biyo qabow oo barafle
lagushubay. Madaxweynaha daciifka ah ee maamul
goboleedka lamagac baxay S/land ayaa isna caloosha
laga qabtay cabsi darteed ka dib markuu wararkaasi S/L.TV,
ka daawaday. Aakhirkii isna sidoo kale waxaa lasheegay inuu
saaxiga keenay ka bacdi markii Diktoorka caanka ah,
khibradda dheerna leh, ee Dr C.fataax fanax uu ku amray
hal xabbo oo kiniiniga loo yaqaano Aasbarooga iyo
labo xabbo oo moos ah in uu madaxweynahu isku liqo.
Markii sh. c. Nuur la waydiiyey, sida ay maxkamadaha
Islamiga ahi ka yeeli doonaan wixii ficil xumo ah ee uga
yimaadda xagga maraykanka iyo Ethipia, amabase
soomalida ku dhaqan dalka gudahiisa, wuxuu shekhu ku
jawaabey:
"Labadaas dowladood eed sheegtay waa ka mamnuuc iney
arrimaha dalka xorta ah ee ka sharafta iyo carfoonidaba badan
soo faro geliyaan, yac uun baanu dhihi, qabqablaasha soomaaliyeed
ee cilmigoodu hooseeyana dhammaan xabsiga dhaqan celinta
iyo assaassaqiinta ayaanu ku xareyn doonnaa. Isagoo aad u malayso
inuu is faaninayo amaba is cajabinayo kalsooni darteedna wuxuu
sheekhu intaa raaciyey" dhaqaalaha, caafimaadla, iyo tacliinta dalku
heerkay gaartona indhihiinna ayaad somaaliyey ku arki doontaan
5ta sano ee soo socota, insha'allahu tacaalaa, mark buu yidhi
walaalayaal ' YOU MUST BELEIVE ME WHEN I SPEAK OF THE FUTURE'"
Wararkii ugu dambeeyey ee Somalia kasoo baxa!!
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- fagash_killer
- SomaliNet Super
- Posts: 13942
- Joined: Wed Dec 29, 2004 3:28 pm
- Location: And You Can Run For ya Back-up But Them Machine Gun Shells Gone Tear Ya back Up
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 14 Replies
- 766 Views
-
Last post by afisoone
-
- 0 Replies
- 334 Views
-
Last post by GAMES
-
- 19 Replies
- 2009 Views
-
Last post by DalJecel60
-
- 4 Replies
- 706 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 10 Replies
- 46 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 0 Replies
- 298 Views
-
Last post by SunFromNorth
-
- 5 Replies
- 567 Views
-
Last post by original dervish
-
- 22 Replies
- 1662 Views
-
Last post by Siciid85