WHY the SWEDISH JOURNALIST was KILLED! Read this..
Posted: Fri Jun 23, 2006 8:36 am
''Warar dheeraad ah ayaa naga soo Gaaray sababtii loo dilay Wariyahaan ajnabiga ah'' Wariyahaan ayaa la Sheegay in uu Masawiro ka Qaadayay Xubno lagu sheegay inay la Socdeen Madaxda Maxkamadaha Islaamiga ah Waxaana Lagu Dhuftay15 Xabadood oo Afsaar ah.
Wararkaan oo aanu ka helay ilo goob joog ahaa oo sidii ay wax u dhaceen arkayay ayaa naga codsaday in aan magacooda iyo astaantoodaba qarino, waxayna sheegeen in falkaan markuu dhaacay kadib maxkamaduhu ay Micrafoonka qabsadeen naadiyeena in uu banaanka u soo baxo ninkii ninka ajnabiga ah dilay.
Waxaase la cadeeyay dadka meesha hubka ku haystay in ay ahaayeen Maleeshiyaadka Maxkamadaha oo kaliya,ee aanay laba Ciidan ku sugnayn Meeshaas, iyadaoo waliba qaban qaabiyayaasha iyo hawsha banaanbaxa dadka gacanta ku hayay ay ahaayeen isla maxkamadaha Madaxdooda.
Falkaan dilka ah iyo sababtaan kale ee dilku u dhacay ayaa ah mid ay ilaha aan warka ka helay xaqiijinayeen, iyaga oo waliba ku macneeyay in khatarta Dadka ajaanibta ah ee Magaalada Muqdisho lagu sheego inay kusugan yihiin ay lamid tahay tii Dalka ASfghanistaan Maraykanku ugu weeraray shiikh Osama Bin Laden, markii ay diideen in ay Maraykanka u soo gacan galiyaan.
Arintaan soo cusboonaatay ayaa u muuqata midmarkale beesha caalamka indhahoodii ku soo jeedinaysa Magaalada Muqdisho, waxaana laga cabsi qabaa in dawladaha daneeya arimaha soomaaliya ay Muqdisho u arkaan goob khatar u ah Bulsha waynta aduunka oo idil.