Wadaad vs. Wadaad: Ahlu Suna Wal Jameeca Join In

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
AbdiWahab252
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 56715
Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
Location: Unity. Strength. Capital.

Wadaad vs. Wadaad: Ahlu Suna Wal Jameeca Join In

Post by AbdiWahab252 »

The WADAAD isku sheeg are now facing the full might of the REAL Wadaads.

Dariiqadda Ahlu Suna Wal Jameeca ayaa markii ugu horeeysay maanta kaga dhawaaqay Muqdisho inay dagaalka ku biirayaan hadii aysan Maxaakiimta Joojin weeraradda iyo xasuuqa.

Gudoomiyaha Maxkamadda Siinaay Sheekh Maxamed Cali oo Saxaafadda u waramayay kadib kulan Saacada qaatay oo ay ku yeesheen Ahlu Suna ,gurigga Caaqil Kadare ayaa ku hanjabay in dagaalka isu bedelayo mid diimeed oo aan qabiil shaqo ku lahayn,ayna si wayn kaga qaybqaadan doonto dariiqadda Ahlu Suna Wal Jameeca.

Sheekh Cali Dheere oo ka qaybgalay kulankaas ayaa isagana Saxaafadda u sheegay in Ahlu Suna isku raacday ka hortagida waxa uu ku tilmaamay kooxaha xasuuqa ka wada Muqdisho,wuxuuna sheegay in dagaalka uu yahay mid u dhaxeeya Al Itixaad iyo Ahlu Suna Wal Jameeca.

Afhayeenka Ahlu Suna Wal Jameeca Sheekh Maxamud Sheekh Xasan Faarax oo khadka telefoonka ugu waramay Idaacadda Banaadir,isagoo joogo boqortooyadda Sacuudigga ayaa ku nuuxnuuxsaday inaysan marnaba aqbali doonin kooxo ku riyoonayo inay xukunka iyaga looga dambeeyo,wuxuuna sheegay in Ahlu Suna ku dadaaleyso Masaalixada ,laakiin ugu dambayn hadii laga fursan waayo dagaalka geli doonto.

wararkaan kulul ee ka soo baxay Ahlu Suna ayaa lagu tilmaami karaa mid sii calwinayo xaaladaha murugsan ee Muqdisho,waxayna dadka dhaleeceeynayaan guud ahaan kooxdii dagaal iclaamiso.

Indheer garad badan ayaa qaba in qayla dhaanta Ahlu Suna Waljameeco ay tahay dhagar siyaasadeed laga soo shaqeeyay oo la doonayo inay Muqdisho noqoto meel ay isku hardiyaan kooxo u dhigmo Shiicadda iyo Suniyiinta Ciraaq.

Dhinaca Midowga Maxaakiimta Islaamka oo aan xiriir la sameeynay ayay noo suurtageli wayday inaan ka helno jawaabta dhinacooda telefoonadooda oo aad u mashquul ah
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”