C/YUSUF&TFG VS THE WADAADS
Posted: Tue Jul 11, 2006 7:32 pm
Maleeshiyada Uruuriska ah ee Cabdillahi Yussuf oo Cabsi-darteed Heegan-buuxa la Galiyey Maanta. Posted by: qaran
Maleeshiyada Uruuriska ah ee Kooxda Imbagaati ee ku sugan Magaalada Baydhabo iyo hareeraheeda ayaa maanta la geliyey heegan buuxa, kadib markii is bedelo ka dhaceen Magaalada Muqdisho.
Maleeshiyada Cabdillahi uu ka soo uruurisaday degaanada Puntland ayaa cabsi weyni la soo deristay, ka dib markay la maqlay Ciidamada Maxkamadaha ee uu Hogaaminaayo Wadaadka dad-dilka Kornayl sheikh Hassan Dahir Aweys oo la sheegay in ay ku soo Ruqaansanaya dhinaca Baydhaba
Maleeshiyadii ku jirtay xerada la yidhaahdo Manaas ayaa laga soo saaray halkaa, waxaana loo soo dhaqaajiyey dhinaca Waqooyiga Magaalada Baydhabo.
Maleeshiyadaas oo wadata gaadiidkoodii dagaalka ayaa loo soo dhaqaajiyey dhinaca degmada Buurhabaka si ay difaac uga galaan halkaas, ugana hortagaan haddii Maxkamadaha Qabsaday Mogdishu iyo Gobolka Banaadir ay weerar lama filaana ku soo qaadaan Baydhaba, waa sida ay ka cabsi qabaan madaxda sare ee kooxda Imbaagti.
Saraakiisha u qaabilsan dhinaca Amniga kooxda Imbagaati ayaa waxay sheegayaan in ay qasab tahay, marka la eego shaqsiyaad ka tirsan Maxkamadaha oo abaabul dagaal ka wada degaano ku dhaw dhaw Buurhakabo ay dhici karto in ay werrar lama filaana ku soo qaadaan Maxkamaduhu Baydhaba iyo Taliska Imbagaati.
By: Osman Abdillahi Sool......Freelance Journalist. sooldhuub@hotmail.com