Yaan Maanta ku dacweeyaa dadkii dalkeena dib u dhigay?
BY: Kaltuum Sheikh
Tariikhda dalkeena markaan dib uugu laabto, waxaa ii muuqato in Nin Soomaali ah in uu Nike kaba sameynta kaga horeeyay.
Waxaa is weydiin leh, sababtii loo maqli waayay nikaas iyo kabahii uu sameeyay.
Soomalidii wagaas jirtay waxay ahaayeen dad geel jire yaal ah oo waa ay la yaabeen ninkaas geelooda maqaarkiisa kabaha ka sameynayo, oo waxey is weydiiyeen geeliisii aaway. Laakiin waxay garan waayeen in ninkaas uu ahaa nin pioneer ah oo maskaxdiisa iyo aragtidiisa ay kumaakun oo sano ay ka horeysay.
Haddii ninkaas la guubaabin lahaa oo loo sacabo tumi lahaa, dad badan ayaa ka baran lahaa farsamadiisa oo warshado badan oo kabaha soo saaro ayaa dalka ka dhismi lahaa, oo dad badan ayaa shaqaale laga dhigi lahaa, oo dhaqaalaha dalkana qeyb weyn ayey ka qaadan lahayd ninkaas alifaadiisa.
Nasiib daro waxey noqotay in ninkii iyo faraciisaba la yaso oo xitaa gabdhahiisa Soomaalida ahaa la diido in la guursado.
Dad badan oo jeclaan lahaa in ay bartaan xirfada kaba sameynta ayaa ka baqay in lagu dacaayadeeyo farsamadaas sharafta leh, oo waxay ka doorteen in ay qaraabadooda baryaan, oo qaaraan lagu masruufo.
Waxaa ka loo jirto in Afrika ay ahayd qaaradii ugu horeysay ee hub ka sameysato biraha, oo markii dad badan oo soomaali ah ay barteen farsamada biraha, ayaa dadkii kale ka horyimaadeen oo ay niyada ka dileen, iyagoo uugu yeerayo magacyo cusub. Raggii ugu horeeyay ee biraha tumay, haddii Soomalidii waagaas jirtay ay fahmi lahaayeen, in dadkaas ay ka horeeyeen Yurub oo waagaas dhagaxyada hub ka dhiganjirtay, oo ayna guubaabin lahaayeen, waxaa laga yaabi lahaa in nimankaas ay soo saari lahaayeen baabuuro, dayaarado, iyo xitaa dayax gacmeed. Nasiib daro waxey noqotay in dadki la liido oo sidii kuwii farsamada kabaha ayagana la midabtakooro, oo farsamadoodii qaaliga ahayd ay qabiil u noqoto.
Waddamada kowaad ee adduunka oo dhan dhaqaalahooda waxaa aad u kaba Shirkadaha farsamada biraha. Wax walbo aad aragtidba bir baa ku jirta ama birbaa laga sameeyay, annagan intaan liideenay kuweeynii lahaa aqoonta biraha ayuu dalkeena gafay dhaqaalihii ka soo gali lahaa horumarka farsamadooda.
Saad u ogsoon tihiin dal walba wuxuu ku faanaa, dadka dalkooda wax u Alifa, inagana kuwii dalkeena u soo bixi lahaa waan dhabarjibinay, oo niyadaan ka dilnay, waxaana ku faanay kuwii shisheeye, oo xitaa iskuuladeena ayaan ilmaheena ku barnaa dadkii shisheeye ee dalkooda wax u soo alifay, sida kuwii ka qeeb qaatay, "Industrial revolutionka".
Dadka wax alifa ama inventorsks waxaa lagu yaqaanaa, in ay kaligood ahaadaan inta badan oo mararka qaarkood ay isla hadlaan iyaga oo aan waalneen.
Dalkeena waxaa dhici jirtay qofkii isla hadlo in Cusbitaalka Maskaxda la geyn jiray, oo la oran jiray wuu waashay oo madaxa ayaa koronto laga gelin jiray oo maskaxda ayaa laga dhaawici jiray.
Marka hadii aan niyadda ka dilnay farsamo yaqaanadii, oo aan madaxa ka gelinay koronto dadkii dalka uugu maskaxda fiicnaa, sida scientists, inventors, waxa soo haray waa ummad aan wax alifin oo isku daysasho kaliya ku dhisan, waad arkeysaan sida aan isugu wada dayano.
Waxaa xusid muddan, Ninkii Soomaliga ee Galileo ka hor soo sheegay in uu dhulka wareegsan yahay. Wagaas dadka addunka ku nool oo dhan waxay aaminsanaayeen in uu addunka balaaran yahay oo laga dhacaayo geesihiisa. Laakiin waxaa la sheegay in uu nin Soomali ah waagaas yiri addunka waa uu wareegsan yahay sida bocor, bocrtaasna waxay saarantahay sac geesihiisa, sacuna wuxuu ku taaganyahay, dhagax, dhagaxana wuxuu dul saaran yahay durdur. Marka daka ayaa weydiiyay sababta uu sacu bocorta u tuuri waayay. Wuxuu ku jawaabay, shini ayaa saca hortiisa duuleyso oo rabto in ay sanka ka gasho, marka saca shinida ayuu iska ilaalinayaa. Waxaa la weydiiyay dhul gariirka, wuxuu yiri, dhul gariirka wuxuu u kala baxaa labo mid fudud, iyo mid culus. Kan hore wuxuu yiri waxaa u sabab ah markii uu dudurka biyihiisa bato oo uu mowjado yar yar yeesho, ayuu dhagaxa ruxmaa uu markaas saca nuuxsasaa isagoo bocortana nuuxinayo, oo markaas dadka dhulka ku nool ayaa dareemo dhul gariir yar. Kan labbadna wuxuu dhacaa markay shinida isku daydo in ay qiyannto saca oo ay isku day in ay sanka ka gasho, oo sacana si lama filaan ah uu u dhaqaaqo, isagoo bocorta aad u ruxayo. OO markaas dadka dalka ku nool ay dareemaan dhul gariir culus oo burburiyo guryahooda, oo xitaa uu dad badan ku geeriyoodo.
Sanado ka dib nikii talyaaniga ahaa ee la oran jiray Galileo ayaa ku dhawaaqay, fikradii ninka Soomaliga oo yiri addunku wuu wareegsan yahay. Galileo waa loo sacab tumay, oo aad iyo ayaa aqoontiisa loo qadiriyay, bogaga taariikhda addunka ayaa lagu xusay. Ninkii Soomaaliga ahaana, waxaa la yiri wuu waashay, dab ha lagu daaweeyo ayaa la yiri oo madaxa ayaa laga gubay, taariikhdiisiina waxay noqotay, sheeko baadiyeed.
Dalkeenana waxaa soo martay, dawlado aad u badan oo ilaaway in ay horumar gaarsiiyaan farsamo yaqaanada dalka. OO dhaqaalaheeni ayey ku dhiseen deen iyo deeq shisheeye.
Marka walaalayaal yaan ku dacweeyaa dadkii dalkeena dib u dhigay? OO innagana haddaan nahay Soomaali waxaa nasaaran masuuliyad qaas ah in aan tix gelino aqoonyahanada Soomaaliyeed ee heesta aqoontii ay ka dhaxleen awoowgood.
NIKE SHOES INVENTED BY A SOMALI MAN
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- Somaliman%
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3787
- Joined: Sat Mar 06, 2004 7:00 pm
- Location: The hills. England,
- Contact:
-
- SomaliNet Super
- Posts: 11300
- Joined: Wed Jan 28, 2004 7:00 pm
- Location: You'll never catch me, might as well just watch me.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 2510 Views
-
Last post by nikede
-
- 0 Replies
- 1773 Views
-
Last post by nikede
-
- 0 Replies
- 628 Views
-
Last post by nikeshoes123
-
- 0 Replies
- 1594 Views
-
Last post by jarly
-
- 0 Replies
- 10272 Views
-
Last post by sellshoesb2b
-
- 0 Replies
- 3225 Views
-
Last post by jennychen
-
- 0 Replies
- 5838 Views
-
Last post by jennychen
-
- 0 Replies
- 3534 Views
-
Last post by sellnikejordan