Page 1 of 1

BOMB ROCKS MOGADISHO KAARAAN DISTRICT

Posted: Sat Aug 05, 2006 3:41 am
by Somaliman%
MUQDISHO: Qarax lixaad leh oo Muqdisho ka dhacay saakay aroortii geystayna dilka laba wiil oo dhallinyaro ah
Posted to the Web Aug 05, 08:10


Muqdisho (PP) - Qarax xoog leh oo saakay aroortii hore ka dhacay Deegaanka Arjantiin ee degmada Kaaraan ayaa qaraxaas ku naf-waayay laba wiil oo dhallinyaro ah oo ku jiray gudaha guriga uu qaraxu ka dhacay.

Labada wiil ee dhimatay oo ilmo adeer ahaan isla markaana hurdayay marka uu qaraxu dhacay ayaa waxay magacyadooda kala yihiin: Daadir Maxamuud Sabriye iyo Cabdi Xuseen Sabriye, waxayna ahaayeen dhallinyaro da'aadoodu ay ahayd 20-tameeyo.

Qaraxaan ayaa wuxuu ka dhashay sida ay shabakadda wararka ee Puntlandpost uga warrameen qaar ka mid ah ehellada dadkaas ku dhintay qaraxa bambooyinka lagu jabiyo dhagaxda waaweyn ee laga hoos qodo carrada kaawada loo yaqaan iyo jayga dhulka laga soo saaro oo ah waxyaabaha loo isticmaalo dhismaha guryaha.

Inkastoo ruux kale uusan waxba ku noqon qaraxaas hadda waxaa jira cabsi weyn oo la soo daristay dadka Deegaankaas ku dhaqan, waxaana dhallinayaradaan ay ahaayeen kuwo ka shaqeeya goobaha laga qodo carrooyinka kaawada loo yaqaan iyo Jayga, waxaana la sheegay inay bambooyinkaan u adeegsan jireen jabinta goobahaas.

Labada ruux ee dhimatay ayaa waxay ku jireen qolka uu qaraxu ka dhacay, waxaana la sheegay inay labadiiba ku qudh baxeen isla gudaha qolkii, iyadoo mid ka mid ah labada wiil abbaahood uu sheegay in lagu wado in dhawaan lagu aaso deegaankaas qabuuro ag-dhow

Posted: Sat Aug 05, 2006 3:49 am
by Intellectualsomali
"dhintay qaraxa bambooyinka lagu jabiyo dhagaxda waaweyn ee laga hoos qodo carrada kaawada loo yaqaan iyo jayga dhulka laga soo saaro oo ah waxyaabaha loo isticmaalo dhismaha guryaha. "

Accidents. I think accidents would increase in Muqdisho because of the relative peace.


Surely, we have to celebrate the peace in Muqdisho. They use to report deaths caused by warlord bombs/guns and at isbaaros.

Nowadays even accidents are reported.