Uganda: Muuse Suudi iyo Bashiir Raage oo xabsiga loo taxaabay
Posted to the Web Aug 07, 18:28
Laba dagaal ooge oo ka tirsanaa isbaheysigii burburay ee la magac baxay "la dagaalanka argagixisada" ayaa la dhigay xabsi ku yaala magaalada Buna ee dalka Uganda.
Mas'uul ku sugan dalka Uganda oo u waramay suxufi ku sugan magaalada London ayaa sheegay in Muuse Suudi Yalaxow iyo Bashiir Raage Shiiraar lagu xiray magaalada Buna oo ku taala xuduuda ay Uganda la wadaagto Jamhuuriyada Dimuqraadiga ee Kongo (Democratic Republic of Congo).
Labada dagaal ooge iyo laba nin oo la socotay ayaa la sheegay in ay kasoo gudbeen dalka Kongo iyagoo sitay baasabooro Soomaali ah oo ay ku qornaayeen magacyo aan aheyn kuwooda.
Koox horay fallaago ugu aheyd dowladda Uganda, balse dhowaan heshiis la gashay maamulka Musaveni oo gacanta ku haysa magaalada Buna ayaa xabsiga u taxaabtay dagaal oogayaasha, waxaana lagu waramayaa in sirdoonka dalka Uganda ka war heleen isku dayga labada dagaal ooge doonayeen in ay si dhuumasho ah ugu soo galaan dalka Uganda iyagoo sita baasabooro iyo magacyo been abuur ah.
Sida uu weriye Ridwaan Xaaji Cabdiweli oo ku sugan London, xiriirna la sameeyay mas'uul ku sugan dalka Uganda ugu waramay Aayaha.com, waxaa jiray isku day la doonayey in lagu sii daayo Muuse Suudi iyo Bashiir Raage, balse uu fashilmay dadaalkaas kadib markii lacag dhowr kun oo doolarka Mareykanka ah oo loo bixin lahaa laaluush uu la baxsaday nin mukhalis ah oo loo diray in uu soo daayo dagaal oogayaasha.
Muuse Suudi Yalaxow iyo Bashiir Raage oo looga awood roonaaday dagaalo ka dhacay Muqdisho ayaa bilihii lasoo dhaafay la weysanaa meel ay jaan iyo cirib dhigeen, iyagoo dhowr bilood kahor doonni uga baxsaday xeebta waqooyi ee magaalada Muqdisho.
Wararka soo gaaraya Aayaha.com ayaa intaa ku daraya in mid kamid ah labada nin ee wehliya Muuse Suudi iyo Bashiir Raage uu yahay dagaal ooge Cabdulqaadir Beebe oo horay u ahaan jiray taliyaha maliishiyooyinka dagaal ooge Bashiir Raage.
Somali warlords found and arrested in ugandha
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- Somaliman%
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 3787
- Joined: Sat Mar 06, 2004 7:00 pm
- Location: The hills. England,
- Contact:
- fagash_killer
- SomaliNet Super

- Posts: 13942
- Joined: Wed Dec 29, 2004 3:28 pm
- Location: And You Can Run For ya Back-up But Them Machine Gun Shells Gone Tear Ya back Up
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 261 Views
-
Last post by LobsterUnit
-
- 5 Replies
- 814 Views
-
Last post by *Arabman
-
- 1 Replies
- 575 Views
-
Last post by *jr
-
- 0 Replies
- 572 Views
-
Last post by JamalAddow
-
- 0 Replies
- 630 Views
-
Last post by Ahmed somali
-
- 17 Replies
- 1545 Views
-
Last post by OliveOil
-
- 23 Replies
- 1884 Views
-
Last post by Murax
-
- 2 Replies
- 1779 Views
-
Last post by Warabaha