Dhoobley: War Deg deg ah: Dagaal faraha laga gubtay ayaa ka
Posted: Sun Sep 17, 2006 10:25 am
Dhoobley: War Deg deg ah: Dagaal faraha laga gubtay ayaa ka socda agagaarka tuulada Hoosingow oo wax yar u jirta magaalada Dhoobley oo ku taala xuduudka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya...
(Dhoobley: 17 Sep 2006 somaliwide.net) War hadadan na soo gaaray ayaa xaqiijinaya in halkaasi uu hadadan ka socdo dagaal qaraar oo ay iksu haleeleen ciidamo u daacad ah Kornayl Barre Hiiraale iyo Ciidanka ilaalada Deegaanka Dhoobley.
Dagaalkan ayaa ka danbeeyey sida warku nagu soo gaarayo ka dib markii malayshiyo hubaysan oo ka amar qaadata Kornal Barre Hiiraale la sheegay in ay rabeen in ay ka gudbaan halkaas iyagoo ku sii jeeday dhinaca gobolka Gedo, iyadoo qurshuna ahaa in ay halkaasi kasoo gudbiyaan Hub uga imaan lahaa dhinaca Itoobiya.
Ciidankan duulaanka ahaa ayaa waxaa nalooga xaqiijiyey in ay wateen labo nin oo lagu kala magacaabo Cabdi Shire, oo Barre Hiiraale adeer u ah iyo Deeq Caabi oo ay Kornaylka isku hayb yihiin. Wuxuuna warku intaas ku darayaa in la dilay Barre adeerkii, halka Deeq Caabina la qabtay isagoo dhaawac ah, waloow xaqiiqda warkan dhimashada iyo qabashada labadan nin wax ka dhiman yahay hadana ilo wareed oo ku sugan Dhoobley iyo Kismaayo sidaas ayey sheegayaan.
Ciidanka Kornayl Barre ayaa naloo xaqiijiyey in ay wateen 5 gawaarida dagaalka ah iyo mid caadi ah. Waxaa kaloo warku intaas ku darayaa in kooxdani la socdo qof u dhashay deegaanka kana aga dhow Dowlada Federalka KMG ah ee fadhigeedu yahay Baydhabo, hasae ahaatee waanu soo xaqiijin doonaa xaalada masuulkaas la sheegayo.
Warkan oo illa hada xaqiiqda laga hayaayi tahay in dagaal jiro, dhimasho iyo dhaawacna jirto, lana sheegayo in ay ku gacan sareeyaan ciidanka deegaanka ayaan wixii faahfaahin ah gadaal idiinka soo gudbin doonaa inshaa Allaah.
Publish Date: 9/17/2006
Last Updated: 9/17/2006 2:35:47 AM
Source: Somaliwide +