Page 1 of 3

Dahir Rayaale The Saviour Of Somaliand? !!!!!!!!!!!!!!!

Posted: Thu Sep 21, 2006 12:21 pm
by Daanyeer
Source: Somalialandfutureonline


Tuesday, September 19, 2006


WAR-SAXAFADEED: KU-SAABSAN SOO CELINTA QAXOOYIGA EE XUKUUMADA RAYAALE LA GASHAY DALALKA YURUB QAARKO

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Hargeysa
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Gobolka hargeysa Mudane Cusmaan cabdillaahi Cigaal ayaa maanta soo saray warsaxaafadeed uu kaga hadlaayo heshiiska soo celinta Qaxootiga ee ay Xukuumada Rayaale la soo gashay dalalka Yurub qaarkood, waxaana uu u dhignaa sidan:

“Dhibaatooyinkii iyo Burburkii ka dhacay dalkani ee u horseedka u ahaa taliska macangaga ahaa ee Siyad Barre wuxuu kelifay in maanta qaaradaha dunida ay ku kala firdhaan somalilanders farabadani gaar ahaan Ingiriiska iyo yurubta kale kuwaasi oo aad moodo inay la qabsadeen duruufaha dalalka ay ku noolyahiin, intii soo hadhay ee dalka gudahiisa ku dhaqanina ay aafaysay shaqo la’aan baahsani.

Hooyada Somaliland iyo inta kale ee aan u helin nasiibka inay dibadda u baxaan ayaa weli la daalla dhacaya inay soo saaraan quutal daruuriga caruurtooda, hooyooyinkaasi Somalilanderska ah oo badankoodu haya caruuro agoomaha oo aabayashood ku dhinteen dagaaladii lagu xoraynaayey Somaliland, qaarkoodna aanu xiskooduba dhamayn iyadoo burburkaasi iyo dhbaatooyinkaasi dalka ka dhacayna uu qoys wal oo Somalilander ah saameeyey.

Qurba joogga Somaliland waa laf dhabarta ay ku dhisanyahiin bulshada dalka gudahiisa ku dhaqani dhaqaale ahaan iyo nolol ahaanba sida Warbixin ka soo baxday Baanka adduunku tibaaxayso waxaa qurba jooggu ay dalka soo geliyaan kharash lacageed ka badan $500,000,000,( shan boqol oo malyuun oo dollar) halka wakhtigii taliskii Siyaad Barre soomaaliya oo dhan ay ka heli jirtay iib gaynta Muuska iyo Xoolaha wax ka yar $120,000,000, waxaa halkaasi ka muuqata farqiga u dhexeeya iyo hantida qiyaastaasi leh ee Somaliland gudaheeda ay qurba joogu soo geliyaan, inagoo aan lahayn Wershado, adduunkana aan waxba u iib gaynin ayaa maanta Dollarka Somaliland yaalla uu yahay Xad dhaaf taasina ay keentay in lacagta Shilinka Somaliland uu noqdo mid sicirkiisu degenyahay oo ay aynu kaga duwanahay dalalka inala jaarka ah iyo afrika dhammaanteed.

Waxaa socdaaladii Madaxweynahu ku tagay dalka Britain uu sheegay wada hadaladii uu la gallay xafiiska socdaalka ka dib in Britain inaga caawinayso arrimo ay ka mid yahiin Caafimaadka, Waxbarashada, nabadgelyada tababarka booliiska iyo ilaalinta Xeebaha iyadoo kharashkaasi la inagu caawinayaan yahay $9000,000 weliba aan toos la inoo siinayn ee la inoo soo marinayo haayado iyo NgoÂ’s, waanu soo dhawaynaa gargaarkaasi Britain inoogu deeqday laakiin ku bedelin mayno soo celinta dadka aan sharciga ku lahayn Britain oo aan meel loo haya jirin.

Taas oo noqonaysa Tusbax furtay oo aan ku joogayn ingiriiska oo keliya eh ay saamayn baaxadleh ku yeelanayso dhammaan somalilanderska aan lahayn sharciga ee jooga daafaha dunida gaar ahaan waddamada reer Galbeedka.

Waxaa kale oo qurba joogu ay qayb libaax ka qaataan horumarka bulsho ee Somaliland maanta ka hanaqaaday iyagoo deeq dhaqaale iyo moodba ku taakuleeya waxqabadka hawlaha guud ee dalka hadday tahay cisbitaalo ay dhisaan, iskuulo ay dayac tiraan, iyo inay aqoontoodii iyo waaya aragnimadii ay ka kasbadeen qurbaha ugu faaÂ’iideeyaan dalkooda hooyo, iyagoo weliba doorka ugu weyn ka cayaara aqoonsi raadiska Somaliland iyo kasbashada beesha caalamka.

Quruxda iyo bilicda ay maanta Somaliland ku naaloonayso waxaa qayb libaax ka qaatay oo hiil iyo hooba la garab taagan waa qurbe jooga oo aanay laÂ’aantoodba somaliland maanta heerkani ay taagantahay gaadheen, qurba joogga Somaliland waxay kabaan dhaqaalaha shacabka Somaliland, waxay hiil iyo hooba la garab taagnyahiin bulshadooda ku dhaqan dalka gudahiisa, waxaana maanta aan la iloobi Karin hooyo kasta oo Somalilander ah waxaa ku haya dalkani ee dhaqaale iyo nolol ahaanba kabaa waa Wiilkeeda ama Inanteeda oo qurbaha joogta taasina runtii ma jirto wax loo dhiga.

Dhinaca kale ayaa shaqo laÂ’aanta iyo dhaqaale xumida dalka ka jirta waxay sababtay in shacab badani weli ka haajiraan iyagoo naftooda u khatar geliya inay bedaha iyo lama dagaanada uga gooshaan sidii ay u gaadhi lahaayeen meel uga nolol fiican

Haddaba waxaa jira hadalo la isla dhex maraayo oo tilmaamaya in heshiisyo lagu gallay soo celinta Somalilanders ku dhaqan dalal ku yaalla Qaaradda Yurub gaar ahaan Dalka UK oo loo nisbaynaayo inaanay sharci ku lahayn ama dhibaatooyin kale ku haystaan,

Iyadoo waddanka ay ka jirto dhibaatooyinkaasi aanu dusha ku soo xusnay ee ay ka mid tahay Hooyada Somaliland ee la kacaa kufaysa quutal daruuriga caruurteeda,, ayaa waxaa nasiib darro ah in lagu fekero ama lagu taliyo soo celinta dad kale oo aan wax loo hayaa jirin hadday tahay shaqooyin, waxbarasho, caafimaad I.W.M. iyadoo Somaliland aanay weli beesha caalamku aqoonsanin intii dalka gudahiisa ku dhaqnaydna aan maanta loo haynin wax daryeel iyo waxbqad ah

Xisbiga Kulmiye wuxuu u arkaa wada hadaladaasi iyo arrintaasi soo qaadkeedaba arrimo danno gaar ah laga leeyahay iyo Danbi Qarran oo Ummadda laga gallayo, waxaanu leenahay “Hal Irmaan U gawrici mayno inaanu helo $9000,000” waxaa wada hadal laga geli karaa oo keliya arrintaasi marka beesha caalamku aqoonsato Somaliland, wuxuuna ku talinayaa in aad looga fiirsado.

Waxaa kale oo Xisbiga Kulmiye kula talinaya Shacabka Somaliland ee ka haajiraya dalkooda hooyo inay iimaansadaan dalkooda una dulqaatan duruufaha jira isla markaana ay boodhka ka tumaan dhibaatooyinka kelifaya haajiraddani.”


Guddoomiyaha Gobolka Hargeysa
Ee Xisbiga Kulmiye
Eng. Cismaan Cabdilaahi Cigaal (Hindi)

Mohamoud Mohamed Haashi
Somaliland Future Online
Hargeisa


Posted by SomaliLand

Posted: Thu Sep 21, 2006 8:56 pm
by *HannaH*
For the sake of the xasids and the opportunists and anti-Somaliland people on this site I'll keep my comments to myself but.....

There have been alot of people that have been key in Somaliland's success....But If anyone one person would be crowned "The Saviour of Somaliland", any self respecting Somalilander would agree that, that person would be Cigaal, Allah Yarxama.

Posted: Thu Sep 21, 2006 8:59 pm
by S_lander-boy
Fock dahir riyalee he his totaly useless

My Award goes to Edna adan


Viva Edna adan !

Posted: Thu Sep 21, 2006 9:01 pm
by *HannaH*
^^^^^ Lol,Shhhhh waa leynugu dhex jiraa Smile

Posted: Thu Sep 21, 2006 9:05 pm
by S_lander-boy
[quote="*HannaH*"]^^^^^ Lol,Shhhhh waa leynugu dhex jiraa Smile[/quote]

So what? Laughing


VIVA EDNA ADAN FOCK DAHIR RIYALEE


EDNA ADAN FOR PRESIDENT !!

Posted: Thu Sep 21, 2006 9:05 pm
by Samatr
Awoowe Tuur iyo Mujaahidiinta SNM baa disay Somaliland, Cigaalna dhigiisa buu ku dhisay, Riyaalana wuu kuu xaaray.

Posted: Thu Sep 21, 2006 9:07 pm
by *HannaH*
Women can't be presidents, they belong in the madbakh...cooking laxoox iyo shaah..Shid!

Posted: Thu Sep 21, 2006 9:08 pm
by S_lander-boy
[quote="*HannaH*"]Women can't be presidents, they belong in the madbakh...cooking laxoox iyo shaah..Shid![/quote]


Are you from the stone age? Laughing

Posted: Thu Sep 21, 2006 9:14 pm
by Qaarxiye
[quote]that person would be Cigaal[/quote]

ur saying that because ur habaar awal. Laughing

i vote for qhaalib. i read his book. very smart individual.

Posted: Thu Sep 21, 2006 9:16 pm
by Caana-Nuug
[quote="*HannaH*"]Women can't be presidents, they belong in the madbakh...cooking laxoox iyo shaah..Shid![/quote]

Laughing Laughing

A woman whipping up Laxoox & muqmad is my kinda woman...ummmm....muqmad...!

Posted: Thu Sep 21, 2006 9:21 pm
by *HannaH*
War habeen wanaagsan....orda caga meydho seexda!

Posted: Thu Sep 21, 2006 9:25 pm
by ABSAME'
War Halaydiin taliyo Iskuma talin kareyneysaane.

Iidoorow maanta leh anaa isu taliya waa lama filaan weyn

Posted: Thu Sep 21, 2006 9:28 pm
by *HannaH*
Absame says;

Bacaaaaaaaaaaaaaaaac

Posted: Thu Sep 21, 2006 10:03 pm
by Samatr
[quote="ABSAME'"]War Halaydiin taliyo Iskuma talin kareyneysaane.

Iidoorow maanta leh anaa isu taliya waa lama filaan weyn[/quote]

says the guy who is ruled by a xabashi. Laughing Laughing Laughing Laughing

Posted: Thu Sep 21, 2006 10:06 pm
by CrazySommies
Kulmiye people are same us Riyaale.

If they had objections to the dirty contracts they were entering which are into attached to "aid", they would have sent letters to prominent newspapers in London to show up the gov of UK for returning refugee to Somaliland while they do not recognise us as any different from Zoomalians who still are filling refugee camps of Kenya.

So this Kulmiye ppl are fake, they are just waisting peoples time and theirs.