Shiikh Xasan Turki: ”Qorshaha Maxaakiimta waa in amaan lagu soo dabaalo dalka oo dhan, waxaana gaarsiin doonaa Magaalooyinka Hargeysa,Boosaaso,Burco,Gaalkacyo, Baydhaba iyo dalka oo dhan”
Shiikh Xasan C/laahi Xersi (Turki) oo ah ninka hor kacayo Xoogaga Maxaakiimta ee la wareegay Magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubada Hoose ayaa maanta la hadlay dad aad u fara badan oo isugu soo baxay Fagaaraha Beerta Xoriyada ee Magaaladaasi.
Shiikh Xasan Turki waxa uu sheegay ciidamada Maxaakiimta ee la wareegay Kismaayo in aysan aheyn kuwo qabiil balse ay yihiin kuwa ku midoobay diinta allah, isla markaana doonaya in dalka oo dhan lagu dhaqo shareecada islaamka, waxa uuna meesha ka saaray inaysan dooneyn in aargoosi uu dhaco balse ay ka shaqeyn doonaan cadaalada.
Shiikh Xasan C/laahi Xersi (Turki) waxa uu carabka ku dhiftay Kismaayo in ay tahay goob muhiim ah, isla markaaana ay jiraan cadow aad u fara badan oo u soo hanqal taagayo, sidii ay umada ugu duleyn lahaayeen, waxa uuna ugu baaqay dadka reer Kismaayo in ay la qaataan waxa ay u wadaan.
Hadalkaaasi markii uu jeediyey sheikh Xasan Turki ayaa waxaa dhacay dibadbxyo rabshado wato kuwaas oo ay sameeyeen qaar ka mid ah dadka Magaalada Kismaayo gaar ahaan taageerayaasha Barre Hiiraale, kuwaas oo Wadooyinka Magaalada Kismaayo ku gubay taayaro.
Dadka Banaanbaxyada Sameeyey ayaa la sheegay in Rasaas lagu furay ka dib markii ay ku dhawaaqeen erayo lid ku ah Ciidamada Maxaakiimta ee Qabsaday Magaalada Kismaayo, waxaana dadkaasi ay ku dhawaaqayeen erayo ay ka mid yihiin. Xukun Qasab ah dooni meyno, iyo kuwo kale.
Ciidamada MaxaakiimtaIslaamka ayaa la wareegay Magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubada Hoose , iyada oo aan illaa iyo haatan la ogeyn halka uu ku sugan yahay Barre Hiiraale iyo ragii kale ee la shaqeynayey, waxaana la sheegay Ciidamada Maxaakiimta in ay fariisimo ka dhigteen goobihii isbaheysiga , iyaga oo dhamaan Xarumaha ku yaal Kismayo ka dajiyey Calankii Soomaaliya, iyaga oo suray Calan Madow.
Abdirahman Mahamed
xudeyfi4@yahoo.com
SOMALIWEYN IS REBORN
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.

- fagash_killer
- SomaliNet Super

- Posts: 13942
- Joined: Wed Dec 29, 2004 3:28 pm
- Location: And You Can Run For ya Back-up But Them Machine Gun Shells Gone Tear Ya back Up
SOMALIWEYN IS REBORN
Last edited by fagash_killer on Mon Sep 25, 2006 11:29 am, edited 1 time in total.
- fagash_killer
- SomaliNet Super

- Posts: 13942
- Joined: Wed Dec 29, 2004 3:28 pm
- Location: And You Can Run For ya Back-up But Them Machine Gun Shells Gone Tear Ya back Up
WARARKA WARGAYSKA MUQDISHOW TIMES
QEYBTII UGU HOREYSAY CIIDAMO KA SOCDA MAXAAKIIMTA ISLAAMKA OO GAARAY MAGAALADA KISMAAYO.
Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya inay halkaas gaareen qeybtii ugu horeysay ciidamo ka tirsan golaha maxaakiimta islaamiga ah kuwaasoo ahaa sahan.
Ciidamadaan oo sahan ahaa ayaa galay kismaayo iyadoon aysan jirin wax dagaal ah oo lagala horyimid waxaana halkaa ka baxay damaanba ciidamadii bare hiiraale iyagoo gaaray goblka geddo waxaana horkacayay barre hiirale,warar la xaqiijiyay ayaa sheegaya inay halkaas ku sugan yihiin ciidamo aan badnayn oo taabacsan Xildhibaan Yuusuf Mire Seeraar iyo taliyihii ciidamada isbahaysiga dooxada juuba maxamed Jimcaale Goobaanle oo iyagu la sheegay inay taageersan yihiin ciidamada maxaakiimta kuna soo dhaweyeeyeen.sidoo kale waxaa la filayaa manata inay si rasi ah ula wageegaan gacan ku haynta aagaas golaha maxaakiimta islaamiga ah ee soomaaliyeed.. .

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 9 Replies
- 699 Views
-
Last post by Murax
-
- 8 Replies
- 883 Views
-
Last post by Complicated19
-
- 16 Replies
- 1907 Views
-
Last post by FarhanYare
-
- 3 Replies
- 695 Views
-
Last post by MAD MAC
-
- 15 Replies
- 1425 Views
-
Last post by Somaliweyn
-
- 25 Replies
- 1378 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 0 Replies
- 434 Views
-
Last post by Murax
-
- 18 Replies
- 1094 Views
-
Last post by abdi ilyas