SOMALIWEYN IS REBORN
Posted: Mon Sep 25, 2006 11:21 am
Shiikh Xasan Turki: ”Qorshaha Maxaakiimta waa in amaan lagu soo dabaalo dalka oo dhan, waxaana gaarsiin doonaa Magaalooyinka Hargeysa,Boosaaso,Burco,Gaalkacyo, Baydhaba iyo dalka oo dhan”
Shiikh Xasan C/laahi Xersi (Turki) oo ah ninka hor kacayo Xoogaga Maxaakiimta ee la wareegay Magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubada Hoose ayaa maanta la hadlay dad aad u fara badan oo isugu soo baxay Fagaaraha Beerta Xoriyada ee Magaaladaasi.
Shiikh Xasan Turki waxa uu sheegay ciidamada Maxaakiimta ee la wareegay Kismaayo in aysan aheyn kuwo qabiil balse ay yihiin kuwa ku midoobay diinta allah, isla markaana doonaya in dalka oo dhan lagu dhaqo shareecada islaamka, waxa uuna meesha ka saaray inaysan dooneyn in aargoosi uu dhaco balse ay ka shaqeyn doonaan cadaalada.
Shiikh Xasan C/laahi Xersi (Turki) waxa uu carabka ku dhiftay Kismaayo in ay tahay goob muhiim ah, isla markaaana ay jiraan cadow aad u fara badan oo u soo hanqal taagayo, sidii ay umada ugu duleyn lahaayeen, waxa uuna ugu baaqay dadka reer Kismaayo in ay la qaataan waxa ay u wadaan.
Hadalkaaasi markii uu jeediyey sheikh Xasan Turki ayaa waxaa dhacay dibadbxyo rabshado wato kuwaas oo ay sameeyeen qaar ka mid ah dadka Magaalada Kismaayo gaar ahaan taageerayaasha Barre Hiiraale, kuwaas oo Wadooyinka Magaalada Kismaayo ku gubay taayaro.
Dadka Banaanbaxyada Sameeyey ayaa la sheegay in Rasaas lagu furay ka dib markii ay ku dhawaaqeen erayo lid ku ah Ciidamada Maxaakiimta ee Qabsaday Magaalada Kismaayo, waxaana dadkaasi ay ku dhawaaqayeen erayo ay ka mid yihiin. Xukun Qasab ah dooni meyno, iyo kuwo kale.
Ciidamada MaxaakiimtaIslaamka ayaa la wareegay Magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubada Hoose , iyada oo aan illaa iyo haatan la ogeyn halka uu ku sugan yahay Barre Hiiraale iyo ragii kale ee la shaqeynayey, waxaana la sheegay Ciidamada Maxaakiimta in ay fariisimo ka dhigteen goobihii isbaheysiga , iyaga oo dhamaan Xarumaha ku yaal Kismayo ka dajiyey Calankii Soomaaliya, iyaga oo suray Calan Madow.
Abdirahman Mahamed
xudeyfi4@yahoo.com