Page 1 of 1

Ciidamo magalada Kismayo u soo fariistey Lixdan KM

Posted: Tue Sep 26, 2006 5:24 pm
by ABSAME'
Ciidamo magalada Kismayo u soo fariistey Lixdan KM
26 Sep 26, 2006, 15:35

Warar deg deg ah oo aan caawa ka helnay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa xaqiijinaya in Ciidamada dalka Itoobiya oo ku hubeysan gaadiid fara badan oo gaashaaman iyo Malishiyaad uu horkacayo Col.Barre Aadan Shire Hiiraale ay caawa soo fariisteen deegaanka lagu magacaabo Birta Dheer oo lixdan km u jira Magaalada Kismaayo.

Xoogaggaas ayaa la sheegayaa inay wadaan diyaargarow dagaal oo aad u weyn kuna wajahan sidii ay u qabsan lahaayeen Magaalada Ksimaayo oo haatan ay gacanta ku hayaan Maleshiyadka Maxkamadaha oo uu hogaminayo wadaadka la yiraahdo Sheekh Xasan Turki.

Xaaladda Kismaayo ayaa la sheegayaa inay caawa aad u kacsan tahay iyadoo Malishiyaadka Maxkamadaha ay u soo baxeen dhinaca bannaanka Magaalada si ay dhufeysyo uga galaan halkaas.

Cali Muxayadiin Cali, Muqdisho

Garowe Online

Posted: Wed Sep 27, 2006 9:14 am
by AbdiWahab252
Absame: Doesn't matter who wins because Ogaden will join either side Laughing

Wow, OGaden are cursed. No great leader since the Sayiid Abdulle