BREAKING NEWS: Gheedi Escapes Assasination in KENYA

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
AbdiWahab252
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 56715
Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
Location: Unity. Strength. Capital.

BREAKING NEWS: Gheedi Escapes Assasination in KENYA

Post by AbdiWahab252 »

OH MY GOD, THEY TRIED TO KILL KENNY, Oh GEEDI ! Mad



Ra'isul-wasaare Geeddi oo xalay ka badbaaday fal lagu khaarijin lahaa.

Nairobi, Khamiis, Sept. 28, 2006 Radio Simba

Ra'isul-wasaare Cali Maxamed Geeddi, oo maalmahan socdaal-diplomaasiyadeed ku joogay Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi, ayaa waxaa lagu soo waramay inuu Fiidnimaddii xalay ka badbaaday fal isaga looga takhalusi lahaa, kadib, markii ay kooxo hubeysan ay jidka u galeen kolonyaaddii uu la socday..

Wararka lagu kalsoon yahay ee naga soo gaaray Magaalladda Nairobi, ayaa waxay xaqiijinayaan inuu jiro isku-daygaasi, iyadoo dabley hubeysan ay rasaas ku fureen gawaaridii gelbinaysay Ra'isul-wasaaraha oo marayey bartamaha Magaalladda Nairobi.

Ilo-wareed ku sugan Nairobi oo aan soo xiganay, ayaa sheegay inay dableydu rasaas aan loo maydaan dayin ku fureen gawaaridaasi, inkastoo uu Ra'isul-wasaaraha iyo xubnihii la socday ka badbaadeen rasaastaasi.

Ma cadda sababaha rasmiga ee Ra'isul-wasaare Geeddi loo soo bar-tilmaamsaday, iyo ciddii ka dambeysay falkaasi oo u muuqday mid la sii qorsheeyey.

Dhinaca kale, Dowladda dalka Kenya, ilaa iyo haatan war rasmi ah kama soo saarin falkii lagu dili lahaa Ra'isul-wasaaraha DFKMGS ee martida u ahaa, lamana soo qabanin kooxihii ka dambeeyey falkaasi.

Ra'isul-wasaare Geeddi, ayaa noqday Mas'uulkii labaad oo ka tirsan Hogganka Sare ee DFKMGS oo bishan gudaheeda ka badbaada fal lagu khaarijin lahaa.

Bishan 18-dii, Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, waxa uu ka badbaaday fal loogu takhalusi lahaa, kadib, markii uu ruux naftiisa soo biimeeyey oo watay gaari laga soo buuxiyey uu isku qarxiyey kolonyo gawaari ah oo gelbinaysay Madaaxweynaha, waxaana falkaasi ku geeriyootay 10-qof, oo ay ka mid ahaayeen Ilaalada Madaxtooyadda iyo xubno ka tirsan Dableydii weerarka soo qaaday.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”