CopyCat Wadaads Apprehended in Mog.
Posted: Tue Oct 03, 2006 9:23 am
Somalis are just out of this world 
Maxkamadda Islaamiga ah ee Ridwaan oo gacanta kusoo dhigtay Rag ku qaraabanayay Magaca Maxkamadaha Islaamiga ah.
Muqdisho, 03-October-06 ( Qaadisiya.com) Maxkamadda Islaamiga ah ee Ridwaan oo ka hawlgasha Degmada Heliwaa ayaa maanta gacanta kusoo dhigtay Rag ku qaraabanayay magaca Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed.
Raggani ayaa xilligii lasoo qabanayay waxa ay siteen qoryo Macmal ah oo u sameysan sida qoriga AK47 isla markaana sitay Camaamado, waxayna madaxa ka xiirayeen ciddii ay doonaan isla markaana waxa ay karbaashi jireen Ciddii ay doonaan.
Hawlgalkani oo ah kii ugu horeeyay oo Maxkamadda Islaamiga ah ee Ridwaan ay fuliso ayaa waxa ay noqonayaan raga lagu soo qabtay kuwa galay Dambiyada noocyadiisa ugu waaweyn.
Bishii lasoo dhaafay ayay aheyd markii Taliyaha Ciidamada Ammaanka ee Gobolka Banaadir Abuu Quteyba uu balan qaaday in Ciddii ay ku arkaan iyadoo magacooda ku hawlgalaya ay ka qaadi doonaan Tallaabo aan lagu qaadin dambiile hore.
Waxaa arrintani durba soo dhaweeyay Bulshada Soomaaliyeed ee kudhaqan Gobolka Banaadir gaar ahaan Xaafadaha Heliwaa, Jungal iyo xaafadaha ku dhadhaw oo horey dhibaato ugu qabay raggani.
Raggani ayaa loo gudbin doonaa Xarunta Taliska Ciidamada ee Command Policia iyadoo laga salgaari doono halka laga soo diray iyo cidda ay u shaqeynayeen Inshaa Allaah.