Golaha oo kudhaaway Maxkamadda Islaamiga ah ee Gobolka Banaadir.
Muqdisho, 05-October-06 ( Qaadisiya.com) Xaflad si aad ah u heersareysa oo loogu dhawaaqayay Maxkamadda Gobolka Banaadir oo ay hoos tagayaan Dhammaan Maxkamadaha kajira Gobolka Banaadir ayaa Maanta waxa uu ka dhacay Xaruntii hore ee Villa Soomaaliya.
Xafladdani oo ay kasoo qeyb galeen Mas'uuliyiin aad u fara badan ayaa waxaa halkaasi laga soo jeediyay Khuadbado muujinaya sida loogu baahan yahay in Gobolka Banaadir Maxkamadihiisu ay yeeshaan Maamul mideysan.
Daawo Sawirada.
Sidoo kale waxaa kasoo qeybgalay xafladda Mas'uuliyiin aad u fara badan oo ay kamid ahaayeen Guddoomiyaha Golaha Maxaakimta Islaamiga Soomaaliyeed Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Guddoomiyaha Golaha Shuurada Sheekh Xasan Daahir Aweys, Kuxigeenka Madaxa Ammaanka ee Maxaakimta Islaamiga Soomaaliyeed Sheekh Mukhtaar Roobow “Abuu Mansuur”, Madaxa Ammaanka ee Gobolka Banaadir Sheekh C/llaahi Macallin Cali Naxar “Abuu Quteyba” iyo Mas'uuliyiin kale oo katirsan Xubnaha labada gole ee Maxaakimta Islaamiga Soomaaliyeed.
Waxaanan ka marneyn Xafladda oo kasoo qeybgalay Abwaaniinta Soomaaliyeed oo ay kamid ahaayeen Abwaan Abshir Nuur Faarax “Bacaadle” Abwaan Cusmaan C/llaahi Guure, waxayna halkaasi kusoo bandhigeen gabay aad u qiimo badan.
Abwaaniinta ayaa gabayadooda waxa ay diidaradda kusaareen Arrinta ka taagan Xabsiga Magaalada Hargeysa halkaasi oo lagu dhibaateynayo Culumaa'udiin lagu heysto Sababta ay Islaam u noqdeen maadaama la weydiinayo waxa ay mareykanka iyo Itoobiyaanka wax uga sheegeen, waxayna si gaar ah u cambaareeyeen Falka jir Dilka ah ee loo geysanayo Sheekh Maxamed Sh.Ismaaciil oo kuxiran Xabsiga Magaalada Hargeysa.
Abwaaniintani ayaa ka tiriyay Arrinta Argagaxa leh ee Sheekh Maxamed Ismaaciil lagula kacayo Xabsiga Magaalada Hargeysa Gabayo ay ugu talagaleen iyadoo dadkii kusugnaa Goobtii ay xafladdu ka dhaceysayna ay kawada muuqatay Shicaar aad u kacsan oo ay kumuujinayeen sida ay uga soo horjeedaan Falkaasi lagula kacayo Sheekh Maxamed Ismaaciil.
Mas'uuliyiintii ka hadashay ayaa waxaa kamid ahaa Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ah Guddoomiyaha Golaha Shuurada waxayna u badneyd hadaladiisii in waxa ay wataan uu yahay Diinta Islaamka isla markaana aysan dooneynin in Diinta Islaamka Arrimaheeda ay war wareeg kagalaan.
Waxa uu sheegay sheekh Xasan Daahir in marnaba aysan ka tanasuli doonin Kudhaqanka Shareecada Islaamka lakin wada hadal kale ay lageli doonaan Cid waliba kan dowladda ay kula jiraanna ay ugu daneynayaan Shacbiga Soomaaliyeed si aanan wax dhibaato ah uga dhicin Gudaha Shacbiga ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys.
Sheekh Mukhtaar Roobow “Abuu Mansuur” ayaa kamid ahaa Mas'uuliyiintii ka hadashay Xafladdii Maanta wuxuuna sheegay in looga baahan yahay Shacbiga Soomaaliyeed mar waliba in ay dhiira geliyaan kudhaqanka Shareecada Islaamka maadaama aanu nahay Shacbi Islaam ah.
Sheekh C/llaahi Macallin “Abuu Quteyba” oo ah Mas'uulka Ammaanka ugu sareeya ee Gobolka Banaadir oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in marka lagu dhawaaqayo Maamul uusan aheyn wax cayaar cayaar ah loona baahan yahay in la isku kaashado arrintaasi.
Abuu quteyba waxa uu sheegay intii ay ku guda jireen Hawlgalada Ammaanka lagu sugayo ee Gobolka Banaadir ay taageero weyn ka heleen Shacbiga Soomaaliyeed taasina ay uga mahad celinayaan isla markaana ay kasoo codsanayaan in sidaasi oo kale ay ula sii shaqeeyaan si aanan loogu arag Magaalada cid wax dhibta.
Xafladda ayaa sidoo kale waxaa kasoo qeybgalay Mas'uuliyiin kasooctay Ururada Bulshada Rayidka, waxaana magacooda ku hadlay Shariif Axmed, wuxuuna Sheegay in sida xaalka maanta uu yahay iyo sidii uu ahaa haddii la isku barbardhigo la dareemi karo isbadalka weyn, waxaana kutalineynaa ayuu yiri Shariif Axmed keliya Maxaakimtu in hawlahooda ay dardargeliyaan isla markaana ay horey u sii socdaan.
Waxaanan ka marneyn Xafladda oo ka hadlay Odayaal dhaqameedyo Soomaaliyeed waxaana kamid ahaa Odayaal dhaqameedyadaasi Suldaan Macalin Horseed oo isagu codsaday in Maxaakimtu ay muujiyaan Feejignaan Dheeri ah Maadaama Xaaladda dalka uu marayo lala socda.
Inkastoo odayaal dhaqameedyadii halkaasi ka hadlay ay fara badnaayeen ayaa hadana waxaa ay qaarkood ka shanqariyeen in Maxaakimta laga doonayo in ay kudhawaaqaan Xukuumad maadaama ay qabanayaan Hawlihii ay Dowlad qaban laheyd.
Xafladdii Maanta oo aheyd mid ay qeybaha kala duwan ee Bulshada ay kasoo qeybgaleen ayaa ugu dambeyntii waxaa loogaga dhawaaqay maanta Guddi ka kooban 11-xubnood oo qaabilsan isku celinta hantida lakala heysto, sidoo kale waxaa la magacaabay Guddi ka kooban 12-xubnood oo qaabilsan Garsoorka Maxkamadda Gobolka iyo 64-xubnood oo ka hawl geli doona illaa 21-saldhig boolis oo kuyaalla Gobolka Banaadir.
Sidoo kale waxaa Guddoomiyaha Maxkamadda Islaamiga ah ee Gobolka Banaadir loo magacaabay Sheekh Xuseen Cabdi Cilmi iyadoo waxaana soo dhaweeyay dhammaan Dadkii kasoo qeyb galay.
COULD THIS BE THE BEGINING OF NEW SOMALI GOVERMENT?
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- fagash_killer
- SomaliNet Super
- Posts: 13942
- Joined: Wed Dec 29, 2004 3:28 pm
- Location: And You Can Run For ya Back-up But Them Machine Gun Shells Gone Tear Ya back Up
- fagash_killer
- SomaliNet Super
- Posts: 13942
- Joined: Wed Dec 29, 2004 3:28 pm
- Location: And You Can Run For ya Back-up But Them Machine Gun Shells Gone Tear Ya back Up
- Enemy_Of_Mad_Mullah
- SomaliNet Super
- Posts: 20796
- Joined: Fri Mar 10, 2006 6:27 pm
- Location: In the plains out in hawdka im'a tell ya, mess with the reer and a vest could'nt help ya
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 3 Replies
- 340 Views
-
Last post by Mujaheedah-fee-Sabi'lilah
-
- 30 Replies
- 1983 Views
-
Last post by paidmonk
-
- 17 Replies
- 1059 Views
-
Last post by Ugaas Diini
-
- 6 Replies
- 441 Views
-
Last post by camanje
-
- 65 Replies
- 4485 Views
-
Last post by Aliyyi Oromada
-
- 12 Replies
- 1232 Views
-
Last post by muktaar
-
- 2 Replies
- 397 Views
-
Last post by Karbaash_killa
-
- 91 Replies
- 4226 Views
-
Last post by CilmiDoone
-
- 2 Replies
- 765 Views
-
Last post by Coeus
-
- 2 Replies
- 320 Views
-
Last post by Gedo_Boy