Wariye Katirsan Idaacadda Qur'aanka Kariimka ee Magaalada Muqdisho oo lagu xiray Xabsiga Magaalada Hargeysa.
Hargeysa, 07-October-06 ( Qaadisiya.com) Wariye C/Casiis Sheekh Yuusuf Muuse oo uga soo warrama idaacada Qur'aanka Kariima magaalada Hargaysa ayaa shalay lagu xiray magaalada Hargaysa ee xarunta maamulka la magac baxay Somaliland,xilli uu duubanayay khudbadii salaada Jimcaha ee masjidka Xawaadle ee magaalada Hargaysa,halkaasoo uu khudbad ka jeedinayay Sheekh Aadan Xaaji Maxamed oo ku caan baxay dhaliilada cid kasto oo wax ka sheegta maamulka la magac baxay Somaliland.
Wasiirka arrimaha gudaha maamulka isku magacaabay Somaliland C/llaahi Sheekh Ismaaciil “Cirro” ayaa ku dooday in wariyahaasi oo aan wax aqoonsi ah ka haysan maamulkooda lagu arkay isagoo si qarsoodi ah u duubanaya khudbadii salaada jimcaha, taasoo uu ku tilmaamay in ay tahay mid khilaafsan wax uu kusheegay qaanuunka maamulkiisa, waxa uuna intaa ku daray in ciidamada ay baarayaan arrinta wariyahaasi.
Mar aan isku daynay in aan xiriir la sameyno maamulka Idaacada Qur'aanka Kariimka nooma aynan suura galin,hayeeshee qaar ka mid ah hawl wadeenada Idaacadaasi ayaa muujiyay sida ay ugu xun yihiin falka lagu xiray wariye C/casiis Sheekh Yuusuf Muuse,ayagoo canbaareeyay falka lagu xiray,waxa ayna dalbadeen in si deg deg ah lagu sii daayo wariyahaasi oo gudanayay hawshiisa saxafanimo.
Maamulka Somaliland ayaa ka cabsi qaba kacdoon shacbi oo ka dhaca gobollada uu ka taliyo tan iyo wixii ka danbeeyay fadeexadii la xiriirtay jir dilka lagu la kacay Sheekh Maxamed Ismaaciil (Allaha dhawree, hana ka soo saara gacanta mujrimiinta jir dilaysa),waxa ayna aad u adkeeyeen amniga masjidyada iyo xarumo diineedyada,iyagoo ka baqaya kacdoon shacbi oo la mid ah kii ka dhacay Muqdisho.
Sheekh Aadan Xaaji Maxamed ayaa lagu sheegay in uu yahay nin taageera maamulka la magac baxay Somaliland,iyadoo Sheekhaasi la sheegay in khudbadiisa uu ku dhaliilay golaha maxkamadaha islaamiga Soomaaliyeed ee ka taliya koonfurta dalka Soomaaliya, isagoo ku andacooday in warqad hanjabaad ah loo soo diray,taasoo ku amraysa in uu faraha kala baxo wax ka sheegida maxkamadaha haddii kale cawaaqib xumo uu la kulmi doono.
Ma cada cidda soo qortay warqadaasi waaba haddii ay jirtee, hayeeshee waxaa si weyn uga xumaaday hadaladiisa culimaa'uddiinka iyo shacabka reer Hargaysa oo aragti ahaan taageersan waxqabadka maxkamadaha islaamiga Soomaaliyeed ee gacanta ku haya koonfurta Soomaaliya.
Dhinaca kale Odayaal dhaqameed ku sugan magaalada Burco ayaa ugu baaqay maamulka isku magacaabay Somaliland in ay sii daayaan Sheekh Maxamed Ismaaciil,iyagoo xaqiijiyay in aaney qiil u noqoneyn maamulkaasi dafirada fadeexada jir dilka Sheekha loo gaystay ee lagu baahiyay barta internetka,waxa ayna dalbadeen si deg deg ah in lagu sii daayo Sheekh Maxamed Ismaaciil.
Dhinca kale Shabakadda Islaamiga ah ee Qaadisiya ayaa waxa ay cambaareyn dusha uga tuurtay Maamulka Somaliland Xarigii ay u geysteen Wariye C/casiis Yuusuf Muuse oo Idaacadda Qur'aanka uga soo warrama Magaalada Hargeysa.
Tifaftiraha Shabakadda Islaamiga ah ee Qaadisiya Ibnu Muxammed ayaa ugu baaqay Maamulka isku magacaabay Somalinad in sida ugu dhaqsiyaha badan ay kusoo daayaan Wariye C/casiis Yuusuf Muuse isla markaana ay dhowraan Xuriyadda Saxaafadda iyo Sharafta Qofka Muslimka ah uu leeyahay, waxaa sidoo kale cambaareyntani si wada jir ah ugu jeediyay Maamulka Iskumagacaabay Somaliland Guud ahaan Shaqaalaha Shabakadda Islaamiga ah ee Qaadisiya iyagoo kacodsaday in Xuriyaddiisa dib loogu celiyo Wariye C/casiis Yuusuf Muuse.
BREAKING NEWS: HARGEISA ADMIN JAILED MOQADISHU REPORTER
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- fagash_killer
- SomaliNet Super
- Posts: 13942
- Joined: Wed Dec 29, 2004 3:28 pm
- Location: And You Can Run For ya Back-up But Them Machine Gun Shells Gone Tear Ya back Up
- CrazySommies
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 2880
- Joined: Fri Feb 13, 2004 7:00 pm
- Location: www.Zoomaliawatch.org
-
- SomaliNet Super
- Posts: 5500
- Joined: Mon Apr 18, 2005 5:49 pm
- Location: EXPOSING TFG THUGS & THEIR MASTERS
- fagash_killer
- SomaliNet Super
- Posts: 13942
- Joined: Wed Dec 29, 2004 3:28 pm
- Location: And You Can Run For ya Back-up But Them Machine Gun Shells Gone Tear Ya back Up
muslim man yeah its leading to something, but whatever it is, this is an good news for the wadaads, they own 9 of the 10 the media(s) of somalia, ppl will only look negative to somaliland, including those who used to look positive to somaliland, this only shows the weakness of those warlords, what makes somaliland so apart, just look to puntland, they want soon to start talks with the uic, the only thing they disagree is on politics, mainily the darood vs hawiye thing, but like i said both are nationalists, and both dont want to see an weak somalia, this only proves that sheikh hassan turki was right, they got indeed supporters their, somaliland maanta bey gacan gashay
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 30 Replies
- 1684 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 10 Replies
- 729 Views
-
Last post by malakumod
-
- 6 Replies
- 1197 Views
-
Last post by FarhanYare
-
- 11 Replies
- 1242 Views
-
Last post by Somali-Transporter
-
- 11 Replies
- 66 Views
-
Last post by Somali-Transporter
-
- 23 Replies
- 2994 Views
-
Last post by Robotic
-
- 1 Replies
- 346 Views
-
Last post by blazing gunz
-
- 9 Replies
- 1261 Views
-
Last post by union
-
- 3 Replies
- 606 Views
-
Last post by zingii