Mareexaan are about reclaim Kismaayo *** Breaking News
Posted: Sun Oct 08, 2006 5:44 pm
Bu`aale (AllPuntland)- Boqolaal ka tirsan ciidamada ka amar qaata wasiirka Gashan dhiga ee dawladda Soomaaliya Col. Barre Aadan shire (Barre Hiiraale) ayaa waxa ay gacanta ku dhigeen deegaanno badan oo hoos yimaada gobolka Jubada Dehexe.
Ciidamada Col. Barre ayaa waxa ay haatan ku sugan yihiin meel 50Km u jirta magaalada Bu`aale ee xarunta gobolka Jubada Dhexe, halkaasoo ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan maxakamadaha magaalada Muqdisho.
Ilo lagu kalsoonyahay oo aannu ka helnay magaalooyinka Baardheere iyo Kismaayo ayaa waxa ay inoo cadeeyeen in ciidamo kala duwan oo ka tirsan malayshiyooyinka qaar ka mid ah beelaha ku dhaqan judaha gobolka Jubada Hoose oo taageersan Col. Barre Hiiraale ay iyana ku sugan yihiin meel 30 KM u jirta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.
Dhamaan tiknikadii dagaalka ee maxkamadaha ayaa waxa ay soo baneeyeen magaalada Kismaayo, marka laga reebo 5 gaari oo ah nooca dagaalka oo ku hartay gudaha magaalada Kismaayo.
Ciidamada kala taabacsan Col. Barre Hiraale iyo Maxkamadaha ayaa waxa ay isku soo wada bandhiganayaan awoodahooda ugu danbeeyay iyada oo gulufka colaadeed laga dareemayo dhamaan gobolada Gedo iyo Jubooyinka.
Wasiirka Gaashaan dhigga ee dawladda Soomaaliya ayaa isagu waxa uu haatan ku sugan yahay magaalada Baardheere halkaaso uu wali ka wado aruurinta malayshiyooyinka kala duwan oo uu ku doonayo in uu ku gaaro magaalada Kismaayo.
Mar aynu la xiriirnay madaxda maxkamadaha magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ka gaabsadeen in ay wax hadal ah ka bixiyaan halka ay xaaladdu marayso.
Wixii ka soo kordha dagaaladaasi kala soco AllPuntland.com.