To Whom Does This Flesh&Blood Robot Belong? !!!!!!!!!!!

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
Daanyeer
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15780
Joined: Tue Aug 12, 2003 7:00 pm
Location: Beer moos ku yaallo .biyuhuna u muuqdaan

To Whom Does This Flesh&Blood Robot Belong? !!!!!!!!!!!

Post by Daanyeer »

Xuseen Caydiid oo ka hadlay weerarkii shalay ciidanka dawlada federaalka ay ku qaadeen Buur Hakaba

October 10, 2006 Markacadeey


--------------------------------------------------------------------------------

Wasiirka arimaha gudaha ahna R/wasaare ku xigeen Xuseen Maxamed Faarax Caydiid ayaa maanta magaalada Baydhabo ku qabtay shir jaraa'id uu kaga hadlayo weerarkii shalay dawlada federaalka ay ku qaaday degmada Buur Hakaba ee gobolka Baay waxa uuna Caydiid ku gacan seeray in tallaabtaasi lagu tilmaamo weerar.

Caydiid waxa uu xusay in tagitaankii ciidanka dawlada degmada Buur Hakaba uu ahaa mid kormeer ah isla markaana ay kusoo booqanayeen maamulka ka arimiya degmadaasi, waxa uuna sheegay in tagitaankooda Buur Hakaba uu ka danbeeyey ka dib markii ay codsi ka heleen gudoomiyaha degmada Buur Hakaba Maxamed Xuseen.

Xuseen Caydiid ayaa beeniyey in ciidamada dawlada federaalka oo gacan ka helaya ciidanka Ethiopia ay tageen degmada Buur Hakaba ,wuxuuna sheegay in kormeerkii degmadaasi ay ku tageen sidoo kale ay ku tagi doonaan deegaanada kale ee gobolada Baay iyo Bakool.

Wasiirka arimaha gudaha ayaa waxa uu tilmaamay in maxkamadaha islaamiga iyo dawlada federaalka uusan ka dhex oognayn dagaal isla markaana aysan ku jirin abaabul colaadeed balse waxa colaada wada ay yihiin saxaafada loogana fadhiyo saxaafada in ay ka joogsato iska hor keenka ay wado.

Dhinaca kale Xuseen Caydiid waxa uu sheegay in dawlada federaalka ay dhawaan maamulo u samaynayso gobolada ay gacanta ku heyso isla markaana golaha wasiirada dhawaan arinkaasi uu ka arinsanayo .

Hadalka Caydiid ayaa waxa uu soo baxay ka dib markii shalay ciidanka dawlada oo gacan ka helaya ciidamo Ethiopian ah ay saacado kooban qabsadeen degmada Buur Hakaba taaasina ay abuurtay xiisad cusub oo soo kala dhex gashay dawlada iyo maxkamadaha islaamiga.




Maxamed Carab
Xafiiska Markacadeey Muqdisho
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”