Page 1 of 1

Buur hakaba & Bu'ale

Posted: Mon Oct 23, 2006 5:04 pm
by Niya
From YourSITE.com

Wararka
Geedi oo ka hadley arrimaha Buurhakaba iyo Bu'aale
By
Oct 23, 2006, 17:03




RaÂ’iisul Wasaaraha dowladda Fedaraalka KMG ah ee Soomaaliya Prof.Cali Maxamed Geeddi ayaa gelinkii dambe ee maanta shir jaraaÂ’id oo ku faahfaahinayay arrimaha iyo xaaladaha ka jira degmada buur Hakaba ee Gobolka Bay iyo degmada buÂ’aale ee gobolka Jubbada dhexe ku qabtay Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

Prof.Geeddi wuxuu sheegay in ciidamada dowladda Fedaraalka ay Magaalada Buur Hakaba ee Gobolka Bay u tageen inay soo celiyaan amarka iyo kala dambeynta deegaankaas, markii ay ku soo guuleysteenna ay dib ugu soo laabteen fariisimadii ay horey uga tageen.

Wuxuu Ra’iisul wasaaruhu gaashaanka ku dhuftay in xukuumaddiisa ay cabsi weyn kala soo gudboonaatay Maxkamadaha Islaamiga ah, ayna xaaladdu u muuqato inay dowladdu isaga guurto Magaalada Baydhabo, wuxuuna arrintaas uga jawaabay si kulul isagoo yiri “Waa sax xukuumaddeydu way guureysaa Magaalada Baydhabo, waxayna u guuri doontaa caasimadda Muqdisho, Baydhabo-na waa magaalada ay dowladdu ku sii shaqeyn doonto ilaa inta ay Muqdisho ka tagayso”

Prof.Geeddi wuxuu dhanka kale been aan sal iyo raad lahayn ku tilmaamay shegashada Maxkamadaha islaamiga ah ee ahayd inay hub iyo gaadiid dagaal shalay ka qabsaden maliishiyada uu hogaamiyo Col.Barre Aadan Shire (Hiirale) oo ah wasiirka gaashaandhigga ee dowladda Fedaralka, wuxuna sheegay raÂ’iisul wasaruhu in wax dagaal ah aysan shalay ka dhicin deegaanka BuÂ’aale, Barre Hiiraale-na uu haatan ku sugan yahay meel u dhexeysa BuÂ’aale iyo Baardheere. Wuxuuna intaas raaciyey in dhacdada dagaalkaas la sheegay ay tahay mid la buunbuuniyey.

Cali Muxayadiin Cali, Muqdisho

Garowe Online



© Copyright by YourSITE.com

Posted: Mon Oct 23, 2006 5:05 pm
by Enemy_Of_Mad_Mullah
© Copyright by YourSITE.com Laughing