Baidhaba under ATTACK

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Enemy_Of_Mad_Mullah
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20796
Joined: Fri Mar 10, 2006 6:27 pm
Location: In the plains out in hawdka im'a tell ya, mess with the reer and a vest could'nt help ya

Baidhaba under ATTACK

Post by Enemy_Of_Mad_Mullah »

October 23, 2006
Posted to the web October 23, 2006

Abdulkadir Khalif
Nairobi

Heavy Gunfights have been on going for several hours now,



Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing got u there Laughing Laughing Laughing

All marexaan reading this, im sorry 4rm the bottom of my heart Wink Smile Laughing
Niya
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2955
Joined: Sat Jun 02, 2001 7:00 pm
Location: At the end of the tunnel, waiting for the light to come on.

Post by Niya »

PRINTER FRIENDLY PAGE


--------------------------------------------------------------------------------

BAYDHABO: Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Maxkamadaha Muqdisho oo laga cabsi qabo inay isku dhacaan
Posted to the Web Oct 23, 23:47


Baydhabo: (pp) - Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Xarrunta ah DFKS ayaa sheegaya in asbuucaan gudihiisa laga cabsi qabo inay isku dhacaan Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maxaakiimta Muqdisho.

Bilihii la soo dhaafay oo dhan ayaa waxaa soo baxayey cabsi aad u tiro badan oo laga qabay inay mar uun isku dhacaan Ciidamada Dowlada iyo kuwa maxaakiimta .Waxaana soo dhowaaday waqtigeedii, maadaama ay is kulaalayaan kuwa dowlada iyo Maleeshiyada Maxaakimta Muqdisho.

Maleeshiyooyinka Maxkamaduha ayaa Asbuucii la soo dhaafay lagu soo daabulayey Garoonka Diyaardaha ee Bali-doogle , halkaas oo ay hor joogeyaasha Maxkadaduhu ay isugu keeneen Maleeshiyo iyo Tiknikooyin lagu qiyaasay 50-meeyo ay saaran yihiin hubabka noocyadiisa kala duwan.

Ka bixitaankii ay Ciidamada Dowladu ay kabaxeen Deegaanka Buur-hakaba ayaa waxay soo de-dejisay inay Maleeshiyaadka Maxaakiimtu ay ku soo siqaan deegaanka buur-hakaba oo ay hada ku suagn yihiin.

Ciidamada DFKS ayaa la sheegayaa in la geliyey heegankii ugu danbeeyey, badidoodna laga soo saaray goobihii ay horay ugu sugnaayeen. Dhaqdhaqaaqa ciidamada Dowlada oo ku hubaysan Baabuurta gaashaaman ayaa laga dareemayaa magaalada Baydhabo , waxaana saraakiisha dowlada ay wada galeen heegankii ugu danbeeyey , kaddib markii ay ka warheleen goobihii ay soo baneeyeeen ee dhanka buur-hakaba inay soo buuxiyeen Maleeshiyooyinka maxaakiimta oo ay ka'ag dagaalamayaan sida ay Puntlandpost xogta ku helayso quwado shisheeye oo mutadawaciin ah.

Wararkii ugu danbeeyey ee naga soo gaara magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya ay kusugan yihiin goob lagu magacaabo Mood moode oo Deegaanka Buur-hakaba u jirta 40 km.Waxaana magaalada Baydhabo Daafaheeda laga dareemaya Ciidamo aad u faro badan oo kuwa dowlada ah oo ku sii socda dhanka ciidamada Jiida hore ee fariisimaha dowlada, halka kuwa maleeshiyada Maxaakiimtu ku sugan yihiin deegaanka Buur-hakaba oo ay horay u baneeyeen kuwa DFKS.

Kala soco Puntlandpost Wararka ku saabsan arrimaha Soomaaliya waqti walba iyo goor walba

Daabacaada: Qaybta Wararka deg-dega: Puntlandpost.com

--------------------------------------------------------------------------------
©Puntlandpost.com ®All rights reserved. Designed by Ramaas Software
Contact us: info@puntlandpost.com - webmaster@puntlandpost.com
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”