islamists beg puntland and somaliland for help with jihad

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Somaliman%
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3787
Joined: Sat Mar 06, 2004 7:00 pm
Location: The hills. England,
Contact:

islamists beg puntland and somaliland for help with jihad

Post by Somaliman% »

Shiikh Shariif oo Maamullada Puntland iyo Somaliland ugu baaqay in ay ka qeybqaataan Jihaadka lala gelayo Ciidamada Itoobiya

Sabti, October 28, 2006(HOL): Guddoomiyaha Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo shalay Fagaaraha Tareebuunka kula hadlayay dadweyne isugu soo baxay oo isu diiwaangelinayay Jihaad ay la galaan Ciidamada Itoobiya ayaa ugu baaqay Maamullada Puntland iyo Somaliland in ay Jihaadka dhinacooda ka galaan.



Shiikh Shariif waxaa uu baaqiisaas jeediyay iyadoo masÂ’uuliyiin u hadlay Maamulladaas ay ku eedeeyeen Maxkamadaha Islaamka in ay doonayaan in ay faragelin ku sameeyaan arrimahooda gudaha, tiiyoo ay caddeeyeen in aysan dooneyn in ay cilaaqaad la yeeshaan maxkamadaha Islaamka.



“Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxaan ugu baaqeynaa in ay Itoobiyaanka Jihaad la galaan, isagoo dadka ku nool deegaanada ay joogaan ciidamada Itoobiyaankana ugu baaqay in ay ka fogaadaan deegaanadaas, si aysan waxyeello u soo gaarin”ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed.



Shiikh Shariif waxaa kale oo uu ugu baaqay in ay Jihaadka ka qeybqaataan Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed iyo Saraakiishooda, sidoo kalena waxaa uu baaq kaas la mid ah u diray Ganacsatada Soomaaliyeed oo uu ka dalbaday in ay hubkooda geeyaan goobaha Jihaadka.



Jihaadka lala geli doono ayuu sheegay Shiikh Shariif in uusan sahlaneyn, “Dadku waa in aysan yareysan dagaalka la gelayo waxaad la dagaalami doontaan ciidamo cadaw ah oo ku dagaalami doona diyaarado iyo hub casri ah, marka waa in lagu talagalaa dagaal daba dheer oo farsamadiisana ay ka gedisan tahay kuwii hore”ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed.



Maamullada Puntland iyo Somaliland ayaa inta laga warqabo xiriir wanaagsan la leh Dowladda Itoobiya, waxaana dhowr jeer oo hore magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya booqday wufuud ka kala socotay labadaas Maamul. Sidaas darteed lama oga sida ay isu qabanayaan baaqa Jihaad-doonka ah ee uu Shiikh Shariif u jeediyay Maamulladaas iyo xiriirka kala dhaxeeya Xukuumadda Itoobiya.
User avatar
COSTA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13754
Joined: Fri Jun 25, 2004 7:00 pm
Location: (Sapo)= Min arbetsgivare

Post by COSTA »

ÖÖÖÖO
Last edited by COSTA on Sun Oct 29, 2006 8:24 am, edited 1 time in total.
User avatar
CrazySommies
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2880
Joined: Fri Feb 13, 2004 7:00 pm
Location: www.Zoomaliawatch.org

Post by CrazySommies »

LOL,

You never ever call SL "maamul" if you want an ear for a start.
User avatar
fagash_killer
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13942
Joined: Wed Dec 29, 2004 3:28 pm
Location: And You Can Run For ya Back-up But Them Machine Gun Shells Gone Tear Ya back Up

Post by fagash_killer »

well this is an good news
User avatar
fagash_killer
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13942
Joined: Wed Dec 29, 2004 3:28 pm
Location: And You Can Run For ya Back-up But Them Machine Gun Shells Gone Tear Ya back Up

Post by fagash_killer »

well this is an good news
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”