SHARIIF XASAN SHEIKH AADAN OO MUQADISHO KU SII JEEDDA
Posted: Wed Nov 01, 2006 2:07 pm
SHARIIF XASAN SHEEKH AADAN OO MUQDISHO KU SII JEEDDA
{Nairobi}01-11-06 Wararka laga helayo magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in guddoomiyaha baarlamaanka federalka Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan oo maalmahan ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya uu haatan isu diyaarinayo inuu soo gaaro magaalada Muqdisha.
Guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay weheliyaan xubno ka mid ah golihiisa baarlamaanka oo maalmahan ku sugnaa magaalada Nairobi ayaa wararku sheegayaan in ay haatan Muqdisho ku soo jeedaan iyagoo fariisin ka dhiganaya magaalada Muqdisho oo muddo haatan laga joogo toban bilood ku dhowaad fariisin u aheyd garab ka mid ah dowladda Federalka oo uu isagu hormuud ka ahaa.
Arrintan ayaa lala xiriirinayaa inuu mar kale khilaaf soo kala dhex galay madaxda sarsare ee dowladda Federalka, kaasoo sababay inay mar kale dib u soo if baxaan khilaafkii muddada dheer u dhexeeyay dowladda Federalka oo markii ugu dambeysay ay dib u heshiisiin ka dhex dhalisay dowladda Yemen.
Khilaafkan haatan soo cusboon-aaday ayaa ka dambeeyay kaddib markii guddoomiyaha baarlamaanka uu shirguddoo-minayay shirkii koowaad iyo kii labaad ee dowladda Federalka iyo golaha Maxkamadaha Islaamka, balse markii dambe uu iska casilay Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyadoo mar kale soo if baxo khilaafkan sababay guddoomiyaha baarlamaanka inuu Muqdisho fariisin ka sameysto, iyadoo in ka badan 50 xubnood oo isugu jira wasiiro iyo xildhibaanana ay haatan ku sugan yihiin magaalada Muqdisho, taasoo dhabar jab ku ah dowladda Federalka ah inay mar kale la arko iyadoo labo garab u kala qeybsan, kalana deggan labo goobood.
Muuse maxamuud Jisow
News Desk WidhWidh Online