first 2 ethopian soldiers killed in somalia a dozen wounded
Posted: Sat Nov 04, 2006 11:57 am
Shacbiga kudhaqan Gobolka Baay oo Maanta ku jihaaday ciidamada tikreega ee Baydhabo Qabsaday kuna guuleystay dilka 2-kamid ah Tikreega.
Baydhabo, 04-November-06 ( Qaadisiya.com) 2 ka tirsan ciidamada Tikreega ayaa maanta la dilay tiro intaa ka badan waa la dhaawacay kadib markii dadka deegaanka oo ku hubeysan falaaro,warmo iyo faasas ay weerareen ciidamo Tikree ah oo ku sugnaa koonfur galbeed ee magaalada Baydhabo.
Weerarkan ayaa yimid kadib markii ciidamada Tikreega ay bililiqeysteen ariga iyo lo'da ay dhaqdaan dad xoolaleyda ah isla markaana ay ku kaceen falal anshaxumo ah,taasoo keentay in ay ku jihaadaan.
Ilo xog ogaal ah oo lagu kalsoon yahay ayaa u xaqiijiyay shabakada islaamiga ee Qaadisiya in dadka deegaanka ay u galeen ciidamadaasi dhulka hawdka ah,xilli ciidamadaasi ay damacsanaayeen in ay boobaan xoolaha ay dhaqdaan dadkaasi,taasoo keentay in halkaasi la waro 2 Tikree ah 4 kalena la dhaawaco.
Ciidamada Tikreega ayaa sidoo kale laga soo eryay deegaanka Goofguduud ee u dhaxeeya Diinsoor iyo Baydhabo kadib markii ay isku dayeen in halkaasi fariisin ciidan ay ka sameystaan,waxaana ku jihaaday dadka ku dhaqan deegaankaasi oo is abaabulay.