Rer Khalaf Support the Makhmaad

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
AbdiWahab252
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 56715
Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
Location: Unity. Strength. Capital.

Rer Khalaf Support the Makhmaad

Post by AbdiWahab252 »

Ashlee: Its their payback for the fighting near Taar City Hotel as shots flew over Afbiijo's head last year
User avatar
AbdiWahab252
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 56715
Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
Location: Unity. Strength. Capital.

Post by AbdiWahab252 »

Maxkamaddii Islaamiga aheyd ee looga Dhawaaqay Waqooyiga Gaalkacyo oo Taageero ka heshay mid ka mid ah Beelaha Cumar Maxamuud.


MudugNet, Muqdisho.Jimce, November 03, 2006.

Bayaan ka soo baxay Beesha Reer-Khalaf ee ka tirsan oo Beelaha Cumar Maxmuud ee Majeerteen, ayaa lagu taageeray Maxkamaddii Islaamiga ahayd ee Toddobaadkiila soo dhaafay looga dhawaaqay Daanta Woqooyi ee magaalada Gaalkacyo, oo ay ka taliso dawlad-goboleedka Puntland.

Wadaad la yiraahdo Sh. Max,ed Warsame Faarax-Barre,oo u dhashay Beesha Reer-Khalaf, oo Maanta Magaalada Gaalkacyo ugu warramayay saxaafadda, ayaa sheegay in Shir dhawrkii bari ee tagay Beesha Reer Khalaf ay uga hadlaysay xaaladda maanta uu Dalku marayo, ay ka soo baxeen

saddex qodob oo kala ah:-

1- Inay taageersanyihiin Go,aanka ay Beesha Max,ed Cumar ay dhawaan ku gaartay inay dhisato maxkamad Islaami ah ooGacan-saar la leh Midawga Maxkamadaha Islaamigaa ee Soomaaliyeed.

2-Inay ugu baaqyaanaan Beelaha kale ee Puntland inay qaataan Mabda, ah Ku-Dhaqanka Shareecada Islaamka &.

3-inay u-soo jeedinayaan Mas,uuliyiinta Maammulka Putland inay wax ku xumaan Shareecada Islaamka.

Bayaankan, ayaa ku soo beegmay xilli Woqooyiga Magaalada Gaalkacyo ay ka jirto xiisad kacsan oo ka dhalatay ku-dhawaaqiddii Beesha Max,ed Cumar ay dhawaan shaaca uga qaadday inay ku dhisatay Maxkamad Islaamiya oo hoostagta Midawga Maxkamadaha Islaamigaa looga arrimiyo magaalada Muqdisho.

Xiisadda ayaa Cirka isku shareertay ka dib markii Maalinnimadii Darraad uu Guddoomiyaha Maxkamadda Islaamigaa ee AL-FURQAAN Sh. C/QAADIR Maxamed Barre ka sheegay mid ka mid ah Idaacadaha Magaalada Gaalkacyo in Midawga Maxkamadaha Islaamigaa ee Soomaaliyeed ay wax ka ogaayeen dhismaha Maxkamadda Islaamigaa ee Beesha Maxamed Cumar ay uga dhawaaqday woqooyiga magaalada Gaalkacyo. wuxuuna intaas ku daray Sh. CABDULQAADIR inay Hiil & Hooba la garab taagan yihiin Maxkamaddaas.

Illaa & intii lagu dhawaaqay Dhismaha Maxkamadda Islaamigaa ee Beesha Maxamed-Cumar, ayaa waxaa magaalada Gaalkacyo ku soo ururayay Madax sarsare oo ka tirsan Dawlad-Goboleedka Puntland, oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Puntland Gen. Cadde Muuse & Wasiirro aad u tiro badan oo ka tirsan Puntland. waxaa kaloo Maalmahan Dambe ku soo badanayay Ciidammo aad u hubaysan oo ka tirsan Ciidammada Daraawiishta ee Puntland.

illaa & Hadda ma jiraan wax isku-dhac ah oo ay arrimahaasi keeneen. laakiin waxaa laga cabsi qabaa in Maammulka Punland uu qab-qabto Xubnihii ku dhawaaqay Maxkamadda Islaamigaa.

Taasoo Sababi karta iska hor-imaad ka billawda Puntland Dhexdeeda, sida ay sheegayaan dadka Arrimaha Siyaasadda Qaadaa-dhiga.

Maammulada Puntland & Somaliland, oo labadooduba Xulufo la ah Dawladda Itoobiya, ayaa waxaa lagu yaqaannaa inay u dul-qaad-yar yihiin Mucaaradkooda Gudaha, Gaar ahaan Culummaa,u-diinka, oo Maammuladaasi ay gacan bir ah kula dhaqmaan.
Af_libaax
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 657
Joined: Sat Apr 26, 2003 7:00 pm

Post by Af_libaax »

Laughing Basra

Futo jareer , Naa ma wax Ku Laughing Dhabaa wayday


,
Last edited by Af_libaax on Sun Nov 05, 2006 10:52 am, edited 1 time in total.
User avatar
Ashlee~
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5989
Joined: Thu Jul 06, 2006 5:39 pm
Location: Hogtown
Contact:

Post by Ashlee~ »

^ Af qaniiis Laughing



Abdi Sure buddy when its on all puntland I will believe it Laughing


Taar city is owned and operated by a reer mahad if I am correct Laughing
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”