Page 1 of 1

Ex President CabdiAboor: Got my AK & Ready for War

Posted: Thu Nov 09, 2006 12:06 pm
by AbdiWahab252
All of a sudden, Ex President AbdiQassim Salat aka AbdiAboor is ready to fight Laughing Where were his ballz when he threatened the warlords during his Presidency ?

Madaxweynihii TNG-da oo sheegay in uu qorigiisa u qaadanayo difaaca Dalka Soomaaliya

Arbaco, November 08, 2006(HOL): Madaxweynaha Dowladdii Carta-Jabuuti lagu soo dhisay C/qaasim Salaad Xasan ayaa ka hadlay mowqifkiisa ku aadan jihaadka ay Maxkamadaha Islaamka ku dhawaaqeen, shuruuddii ay Maxkamadaha Islaamka ku xireen shirkii Khartoum ee ahayd in marka hore laga saaro dalka Soomaaliya Ciidamada Itoobiya iyo weliba sida uu u arkayo suurtagalnimada in ay Maxkamadaha weerar ku qaadaan fariisinka dowladda Federaalka ee Baydhabo.

C/qaasim Salaad Xasan waxaa uu sheegay in uusan shuruud u arkeynin in ay Maxkamadaha yiraahdaan marka hore ciidamada Itoobiya dalka haka baxaano balse uu u arkayo waajib muqadas ah in ciidamada Itoobiya dalka ka baxaan, haddii ay ka bixi waayaana dhamaanteen aan la jihaadno, "aniga sidii aan horay u sheegayba haddii ay Ciidamada Itoobiya dalka ka bixi waayaana aniga qorigeyga waa ii diyaar, waxaana diyaar u ahay in aan la jihaado Tigree iyo ciddii la socota"ayuu yiri C/qaasim Salaad oo u waramayay Idaacadda Horn Afrik ee magaalada Muqdisho.

Waxaa uu ka hadlay C/qaasim Salaad suurtagalnimada in ciidamada Maxkamadaha aya ku duulaan fariisinka dowladda ee Baydhabo, wuxuuna sheegay in uusan qabin in Dowladda lagu duulo, balse la iska celiyo sida uu u yiri Tigreega oo dalka laga saaro, "sideedaba aniga dagaal iyo duullaan ma jecli waxaan jeclahay in la wada hadlo, cidda lala hadlayo-se waa in ay Soomaali ahaataa, waa in ay labada dhinac ahaadaan dad Soomaali ah oo muslimiin ah, wadaniyiin ah, waa in uusan ajnabi ahaanin cidda lala hadlayo"ayuu yiri C/qaasim Salaad Xasan oo sheegay in uusan garaneynin sida loola hadlo qof muuqaalka Soomaali ka ah Qalbiga iyo jiritaanka uu jiraana uu Tigree yahay.

Madaxweynihii TNG-da C/qaasim Salaad Xasan waxaa uu ka sii hadlay waxa ka jira in uu kaalin ku lahaa kacdoonkii ay maxkamadaha Islaamka Xamar ka rideen ee ay uga saareen Hoggaamiyayaashii Muqdisho ee ka horyimid dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa oo waqtigeedii ku dhameysatay waxqabad laÂ’aan sida ay dad badani qabaan.

"arintaas waxaan ka leeyahay maxkamadaha waa dhistay shacabka Soomaaliyeed, anigana shacabka Soomaaliyeed maahiye qof ka mid ah ayaan ahay, inta Alle iyo rasuul taqaano ayaa dhistay, waxayna ku yimaadeen rabitaanka shacabka iyo inta Ashahaadata, waxay ku timid dhiidhiigii laga dhiidhiyay qabqablayaashii daba-dhilifka u ahaa Tigree-ga iyo isticmaarka ee cadaawadda iyo cadaadinta ku hayay 15 sano ah, aniguna kama dambeeyee ka mid baan ahay"ayuu yiri C/qaasim Salaad Xasan oo sheegay in loo baahan yahay in la isku dhaqo shareecada Islaamka.

C/qaasim Salaad waxaa uu ka hadlay wada hadallada uu Guddoomiyaha Baarlamaanka horkacayo ee Muqdisho ka bilowday, wuxuuna caddeeyay in inkastoo uusan Baarlamaanku ahayn hayÂ’addii fulinta uu hadana xaq u leeyahay in uu la hadlo dhinacyada, balse waxaa uu ku gaabsaday in ay la sugo waxa wada hadalladaas ka soo baxa oo aan laga hordhicin.

C/qaasim Salaad Xasan oo Dowladdii Mileteri ka soo qabtay jagooyin heer Wasiir ah waxaa uu madaxweyne ka noqday Dowlad sanadkii 2000 lagu soo dhisay Tuulada Carta ee Dalka Jabuuti, inkastoo shirkii dowladdii lagu soo dhisay aysan ka qeybgeliin hoggaamiyayaashii Muqdisho oo dowladdaasi ay ka shaqeyn weyday, inkastoo C/qaasim iyo Hoggaamiyayaashaas ay isu dhawaadeen markii uu sii dhamaanayay jiritaanka xiligii dowladdaas loo qabtay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia