CulumaaÂ’udiinka Gobolka Sanaag oo ku Baaqay in la taageero Kacdoon diinmeedka koofurta Soomaaliya.
Mudo dhowr todobaad ah ayaa waxaa soo if-baxay Deegaano badan oo ka tirsan gobolada Puntland iyo taageeradooda ku iilan dhanka Maxkamadaha Islaamiga ah ee ka amriya haatan koonfurta Soomaaliya.
Gobolada lagu taageerey maxkamadaha iyo howlaha ay ka qabteen koofurta Soomaaliya ayaa waxaa balki u ah Mudug, Sool, Cayn, Nuugaal, iyo shacbiga gobolka Sanaag oo u arkey soobixitaanka maamulka maxkamada, mid u ah nasri umada Soomaaliyeed oo goolaaftameysay mudo lix iyo tobon sanadood ah.
Ugu yaraan afar degmo oo ka tirsan gobolka Sanaag “Dhahar, Badhan, Laasqorey, Ceerigaabo, iyo Xingalool” ayaa culumaa’udiinkooda kulmay dhowr jeer bishii aynu soo dhaafney ee Octoobar, kulankaas oo kasoo baxay in la taageero culumaa’udiinka Soomaaliyeed.
Maanta salaada duhur kadib ayaa culumaaÂ’udiinka degmada Dhahar waxay ugu baaqeen umada Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka ku dhaqan gobolka Sanaag in ay taageeraan dhalashada Maxkamada diiniga ah.
Bilihii lasoo dhaafay mar lagu xirey sheekh Maxamed Ismaaciil magaalada Hargeysa ayaa waxay culumaa'udiinka Gobolka Sanaag ku muujiyeen dareenkooda mudaaraadyo isdaba joog ah oo ka dhacay dhamaan daafaha gobolka, mudaaharaadyadaas oo ay ku soo sheegeen in ay taageersanyihiin maxkamadaha diiniga ah.
Mar aanu wax ka weydiiney ganacsade u dhashay gobolka Sanaag oo lagu magacaabo Maxamed Tafare Coof iyo sida uu arko Hadalka Culumada gobolka Sanaag, ayaa wuxuu noogu jawaabay “Dadka Soomaaliyeed way kala tafaraaruqeen, waxayna u baahanyihiin hogaan ka duwan kuwii hore loo soo dhisay ama u jirey, waxaana u arkaa in Culumaa’udiinku ay wax ka badali doonaan umada Soomaaliyeed oo colaad iyo burbur ku habsaday”.
Axmed Salaad Cumar
Dhahar.com
http://www.dhahar.com/article.php?articleid=1921
Nugaal
Maxkamad cusub oo layiraahdo Al-Maslaxa ayaa lugu dhawaaqay dhawaan caasumada maamul-goboleedka soomaaliyeed ee bunitlaan ee Garoowe!
Waxaa dhowr saacadood ka hor lagu dhawaaqay maxkamda cusub oo layiraahdo Al-Maslaxah caasumud garoowe. Waraysi aay dhawaan layeeladay shabakada puntlandmost gudoomiyaha cusub ee maxkamda islaamiga ee Al-Maslaxa ee dhawaan lagu dhawaaq magaalda Garoowe ayaa xiga:
Suaal puntlandmost: Mudane gudoomiye wax manoo ka sheegi kartaa goormaad ku dhawaaqdeen maxkamdiina iyo waliba sababta idinku kaliftay arritani?
Sheikh Sakhar gudoomiyaha cusub ee maxkamda Al-Maslaxah ee Garoowe: Bismillaahi raxmaani raxiim waad mahadsantihiin shabakada puntlandmost, Walaal waxaanu ku dhawaaqnay maxkamdani layiraahdo Al-Maslaxa dhowr sacadood ka hor, anago wakiishaneyno issimida, nabadoonda, aqoonyahaniinta iyo waliba culumaauudiinka gobolkaani, waxaana nagu khasabtay in aan ku dhawaaqno maxkamdan cusub caddaalid daro iyo xushmo la'aan kajirto maamulka gobolkani layiraahdo buntilaan! Qabiilkayga ayaa la qaddarin waayey, sidaas daradeed ayaan ku dhawaaqnay Al-Maslaxah! Tan kale musuqmaasuqa ka jiro buntilaan ayaa arritani soo deji dejisay! Wabillahi towfiiq,
Suaal puntlandmost: Sidee baad u araktiin hanjibaadi ahayd in qof alaale qofi taageero muujiyo uu uhayo maxakiimta Moqadiso in xabsi lageenayo ama la dili?
Jawaab Sheikh Sakhar: Akhi arritani waxaan
leeyahay waa arrin lagu degdegay oo aanan laga taxadarin, tan kale yaa nasoo qabanaayo maadaama aay taliyaasha booliksa iyo ciidanka gobolka aay ka soo jeedaan maxkamda al-maslaxah kuligoodan taageero aay u hayan. Tan kale anaga gobolkeena ayaan joogna, qabiilkeeyana taageero hiil iyo hoob ayaan ka heesanaa iyo waliba kalsooni. Inshallaah waxaa dhiman keliya in aan weerar ku qaadno guriga uu degan yahay madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa oo labadoodaba aay ka maqanyahaniin magaladan Garoowe.
Suaal puntlandmost: Soo mala dhihi karo in halgankiina iyo ku dhawaaqida maxkamdan cusub, xilli uu madaxweeynaha iyo dhamaan xubnaha goolaha wakiilada aay ka maqanyahaniin in aay arritiina aay tahay af-gembi siyaasadeed? Tan kale maxaad ula sugteen inta uu Cadde Muuse uu dhaqaaqay dhinaca Gaalkacyo?
Jawaab Sheikh Sakhar: Walaal arritani waa arrin aay dhamaan u wada dhan yahiin dadkan mandaqadadan ku abtirsida, cidnana fasax lagama qaadanayo arrintaas. Tan kale af-gembi siyaasadeed muusan ahay, laakin halgan ama kacdoon shicibka ku nool magaladaan!
Sool
http://www.afnugaal.com/warka.php?num=9 ... c971638d7c
Waxaa lagaga dhawaaqay magaalada laascaanood ee xarunta gobolka Sool Maamul beeleed sida la sheegay ku salaysan shareecada islaamka , Maamulkaas oo ay samaysteen beel ka mid ah beel waynta beelaha Dhulbahante ...................................................
Beesha Bah-ararsame oo ka mid ah beelaha dhulbahante ayaa shalay kaga dhawaaqday magaalada laascaanood maamul islaami ah maamulkaas oo ay sheegeen inuu diinta islaamka ku dhaqi doono qofka kasta oo beesha ka mid ah ..
Shirkii beesha bahararsame oo ka socda laascaanood
Maamul beeleedkan islaamiga ah ayaa dhisidiisu ka danbaysay sida ku cad qoraalka gudiga mamaul usamaynta beeshaasi , shirwaynihii ay beelaha dhulbahante ku yeesheen 20 bishii juun 2006 Hotel Hamdi ee magaalada Laascanaood , shirkaas oo ay goob joog ka ahaayeen dhamaan cuqaasha ; Isimada beelaha dhulbahante , sidoo kale waxaa isna xafladii xidhitaanka shirwaynahaas beelaha dhulbahante ee qaadashada ku dhaqan ka shareecada islaamka goob joog ka ahaa Madaxwayne ku xigeenka Dowlad goboleedka puntland xassan daahir Afqudhac .
Maamul beeleedkan islaamiga ayaa ilaa hada la shaacin siyaasad ahaan cida uu taageero siyaasadaha kala duwan ee ka jira Somalia , waloow uu sheegay Chief Caaqil C/kariin Axmed saleebaan oo shirgudoominayey Madashii lagaga dhawaaqay maamulkan , in uusan ka baxsanayn maamulkoodu dowlad goboleedka puntland ..
Go,aankii Maamulka Islaamiga ah oo lagu dhawaaqayo
Maamul beeleedka Islaamiga ah ee beeshan ayaa dhaqan gali doona Sida uu afnugaal.com u xaqiijiyey Prof: C/salaan tungun , 1 /January/2007, sidoo kale waxaa uu Prof; noo xaqiijiyey in la diyaariyey Miisaaniyadii sandka soo socda lagu howl gali lahaa ..
Tan iyo markii koonfurta Somalia ay ka dilaaceen maxaakiimta shareecada islaamka ee Somalia waxaa ka jiray guud ahaan dalka Somalia dhaqdhaqaaqyo badan oo ay somalidu ku doonayso in la isku xukumo xukunka shareecada islaamiga ah , iyo in talada wadanka ay la wareegaan wadaada somalidu , taas oo ay ka biyo diideen Maamulada puntland ,, Somaliland iyo waliba Dowlada federaalka ee Somalia ..
C/qaadir gaabuush Las-anod Somalia
info@afnugaal.com
Gaabuush6@hotmail.com
Mobil: 00-252-2-4410719
The Islamic Revolution is on the move
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
-
- SomaliNet Super
- Posts: 12405
- Joined: Mon Apr 30, 2001 7:00 pm
-
- SomaliNet Super
- Posts: 12405
- Joined: Mon Apr 30, 2001 7:00 pm
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 44 Replies
- 2465 Views
-
Last post by Nolol cusub
-
- 27 Replies
- 1772 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 9 Replies
- 755 Views
-
Last post by MAD MAC
-
- 5 Replies
- 490 Views
-
Last post by MAD MAC
-
- 11 Replies
- 822 Views
-
Last post by gurey25
-
- 34 Replies
- 1781 Views
-
Last post by Xaaji_Xundjuf
-
- 33 Replies
- 1946 Views
-
Last post by Xplosive
-
- 9 Replies
- 686 Views
-
Last post by FAH1223