WASIIRKA WARFAAFINTA OO SHAQADII KAGA ERYAY LABA GABDHOOD XIJAAB AY XIDHNAAYEEN
Wasiirka warfaafinta ee Somaliland Md Axmed X. Daahir ayaa shaqadii ka eryay laba hablood oo ka shaqaynaayay idaacada Radio Hargeysa ka dib markii ay soo xidheen Jilbaab Iyo Niqaab. waxana ay sheegeen in wasiirku kula kacay oo kale ereyo aflagaado ah.
"Wuxuu wasiirku cudur daar nooga dhigay xijaabka iska soo dhiga haddii kale shaqada
waan idinka eryayaa, ka dibna waxaan wasiirka u sheegay in aan dalkayga joogay mudo lix sano ah oo aan markii hore ku dhashay dalka Kenya waxna ku soo bartay sidaa darteedna anigoo Islaam ah oo dalkaygii hooyo jooga in aanan xijaabka iyo astaamaha diintaydu i fartay aanan u dhigaynin shaqo yar oo uu iga eryo, dalkii Kenya ee Kiristaanka ahaa ee gaaladu lahayd markaan joogay baan dhigi waayay xijaabka” Ayey tidhi Hoodo Iimaan Maxamed oo u warameysay shabakada wararka ee Somaliweyn.com xafiiskeeda Hargeysa.
Labadan gabdhood oo la kala yidhaahdo Hoodo Iimaan Maxamed Fadal iyo Seynab Yuusuf Axmed waxay sheegeen in wasiirka warfaafinta Axmed Xaaji Daahir ka eryay shaqadii wasaarada ka dib markii ay diideen amar uu wasiirku ku siiyay inaysan wasaarada soo geli karin ilaa ay iska soo dhigaan xijaabka iyo sharabaadka ay xidhan yihiin, hase yeeshee ay diideen labadaasi gabdhood amarka wasiirka.
Waxa kale oo iyaga oo hadalkooda sii wata ay yidhaahdeen"Maalmihii wasiirka loo soo bedelay wasaarada baa la yidhi hadduu idin eryayaa qoladiina xijaabka sidata, arintaa dheg umaanu dhigin. Waxa dhacday bishii Ramadaan waxaanu shaqada soo geli jirnay todobada subaxnimo wasiirkuna waxa uu imaan jiray ilaa labada duhurnimo wakhtiga aanu is leenahay ka rawaxa shaqada waxa dhacday in maalin Ramadaan ah uu yimi wasiirku xafiiska illaa labadii duhurnimo ka dibna aanu rawaxnay ilaa afartii gaadhigii na rawixin jiray buu wasiirku siiyay nin saaxiibkii ah, ka dibna waxaan ku idhi wasiir xaafadaydu waxay ku taalaa meel baydhsan oo aan bas lahayn markaa waxaan rabaa gaadhi na qaada wuxuu iigu jawaabay waxaad tahay gabadh, gawaadhidana waxa wata rag inta aad xijaabka iyo sharabaadka tuurto gacanta u taag baabuurta way ku qaadayaane. Waa nasiib daro in wasiirkii qaranku u igmaday wasaarada warfaafintu uu sidaa nagula taliyo anigoo ah gabadh muslimad ehel u ah,waxa kale oo maalina dhacday in wasiirku igu yidhaahdo gabadhaay xafiiska hala imaan xijaab iyo sharabaad waxaad tahay Al Itaxaad, maan dheg u dhigin" .
Dhinaca kale war kooban oo ka soo baxay wasaarada warfaafinta ayaa lagu sheegay in warkaasi ay siyeen warbaahinta labadaasi gabdhood uu yahay mid aan waxba ka jirin oo ah mid lagu dilaayo sumcada wasiirka isla markaana la rabo in dadka shaki lagu abuuro waxa kale oo warkaasi lagu sheegay in haatanba ay ka shaqeeyaan wasaarada warfaafinta hablo sita Jilbaab iyo Niqaab.
CrazySommies ONLY: Not for easily offended Landers
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.

- AbdiWahab252
- SomaliNet Super
- Posts: 56715
- Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
- Location: Unity. Strength. Capital.
- CrazySommies
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 2880
- Joined: Fri Feb 13, 2004 7:00 pm
- Location: www.Zoomaliawatch.org
Hijaab mise Niqaab?
Kuwa gashta Niqaabka aniguba mala hadlo, iskadaa shaqo aan siiyee. Aduunkii wuxuu marayaa xiliga la dhaho transparency" iyo "professionalism" iyaguna wixii oo dhan bay dabada marsheen. They have no empathy whatsoever.
Dukaan hadaan yeelan lahaa, waa ka baacsan lahaa intaan weliba ka dabo dhaho "tuugo, tuugo".
Happy Zoomalian man?

-
- Posts: 11
- Joined: Wed Dec 31, 1969 7:00 pm
- Location: from
"waxaad tahay gabadh, gawaadhidana waxa wata rag inta aad xijaabka iyo sharabaadka tuurto gacanta u taag baabuurta way ku qaadayaane."
That was hilarious! The way the events have been reported do have a ring of truth to them. I don't think a sister who is a believer and does practice her religion would lie like that.
And that thing about the Minister lending the ministry vehicle to his friend. Typically African!
SOOMALIYA HA NOOLATO
That was hilarious! The way the events have been reported do have a ring of truth to them. I don't think a sister who is a believer and does practice her religion would lie like that.
And that thing about the Minister lending the ministry vehicle to his friend. Typically African!
SOOMALIYA HA NOOLATO
- CrazySommies
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 2880
- Joined: Fri Feb 13, 2004 7:00 pm
- Location: www.Zoomaliawatch.org
- AbdiWahab252
- SomaliNet Super
- Posts: 56715
- Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
- Location: Unity. Strength. Capital.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 10 Replies
- 1693 Views
-
Last post by Xaldoon
-
- 14 Replies
- 651 Views
-
Last post by Tyrus
-
- 37 Replies
- 2323 Views
-
Last post by Babygal
-
- 4 Replies
- 307 Views
-
Last post by Macaaney_1991
-
- 3 Replies
- 563 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 84 Replies
- 4261 Views
-
Last post by Qoordheer-
-
- 2 Replies
- 436 Views
-
Last post by Ashlee